Sign in to follow this  
Liibaan

War-Murtiyeed: Shirkii Road MapKa ee Nairobi - August 06, 2012

Recommended Posts

Liibaan   

Maamul Goboleedka KHaatumo State OO Beeniyay Inuu Ka Mid Ahaa Shirkaa Nairobi Iyo Hishiiskii Ku Dhexmaray Maiga Iyo Qaarkamida Saxiixayaashii Roadmap Ka

 

Muqdisho: Cabdkarim Xassan Jaamac, oo magaciisa lagu sheegey war saxafaadeedka ka soo baxey shir Nairobi ugu soo gaba-gaboobey shan kamid ah lixda saxixayaasha Roadmap-ka, ayaa sheegey in uu shirka ka baxey.

 

Cabdikarim ayaa Saxaafada u sheegey in uusan qeyb ka ahayn heshiis lagu gaarey Nairobi oo dhigayo in mudanayaasha gobolkaasi ay soo kala xulaan odayaal dhaqameedyo ku kala sugan Muqdisho iyo Garowe.

 

Bayaanka ka soo baxey shirka ayaa lagu sheegey in wada-xaajoodka arrinta Khaatumo uu qeyb ka ahaa Cabdikarim Xassan Jaamac oo horey u ahaan jirey wasiirka warfaafinta ee dowladda KMG.

 

Billowgii sanadkan ayaa magaalada Taleex loogu dhawaaqey maamul ay dadka degaankaasi sheegeen in uu matalayo gobollada Sool, Sanaag iyo Ceyn. Mamaulka Khaatumo aya aah mid wakhti yar ku taabo galay horumar la taaban karana sameeyay, talaabadan hada Mamaulka Faroole ku doonayo inuu kuso xulo qaybo kamida Xildhibaanda ay yeelandoonan Mamaulka Khaatumo aya keeni kara fadqalalo ay dib ugu dhacdo Wakhtiga kala guurka ah ee 20 august, waxa muuqanaysa talaabadna in aysan Somali guul u horseedayn hadii Mahiga uu u xagliyo Faroole iyo Gaas.

 

WARAYSIGA DR. CABDIKARIM XASAN JAMAC OO MAQAL AH GOORDHOW NAGA FILO HADII RABI RAALI KA NOQDO.

 

 

 

Maxamed Wali Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

xiinfaniin;855091 wrote:
Calm down guys. It is Ramadan.

 

Lets wait till the August 12th.

:DXiin. August 12th will still be Ramadan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

Dr: Abdulkareem Hassan Jaamac: "Faroole Wuxuu Doonaya Inuu Bililiqaysto Kuraas Shacabka KHaatumo lee Yahay.!!

 

Horufadhi.com

 

 

Wasiirkii Hore ee warfaafinta Boostaha iyo Isgaadhsiinta dalka Soomaaliya Dr: Abdulkareem Hassan Jaamac ayaa si weyn uga jawaab bixiyey Qoraalkii ka soo baxay magaalada Nairobi ee la sheegay inuu Faroole soo qortay.

 

Dr: Jaamac oo la hadlayey ilaacadaha caalamiga ah iyo kuwa afka Soomaaliga ku hadla, sida BBC da Voa da ayaa sheegay in ay khalad iyo meel ka dhac tahay in magaciisa lagu xuso Qoraalkii ka soo baxay shirkii 3 ka mid ah saxiixayaashu ku yeesheen Nairobi, kaasoo bur buray ka dib markuu ka baxay madaxweynaha dalka Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed.

 

Dr: Abdulkareem ayaa sheegay inaysan Khaatumo Shirka qayb ka ahayn, isla markaana aysan jirin cid ku matlaysay, wuxuu sheegay in markuu baxay Madaxweynaha SOomaaliya oo uu asagu la socday shirka laga saaray, wuxuu is waydiiyey nin shirkaba laga saarya oo la yidhi Madaxweynahaad la socotay Cadhoo ee Raac sababta magaciisa loogu been abuuran karo.

 

”” Faroole wuxuu isku dayayaa inuu bililiqaysto kuraas Shacabka KHaatumo lee yahay, taasina waxay noqonaysaa mid aan suuroobeyn”. Nin siyaasi ah oo aan la qabiil , maamul iyo deegaan ahayn dadka Khaatumo ma jirto sababta uu u soo geli karo arimaha deeganadan, waxaana uga digeynaa inuusan bur burin geedi socodka nabada, ayuu yidhi Dr: Abdulkareem.

 

Sidoo kale wuxuu sheegay in ay jiraan nin isim ahaan jirey iyo ninkale oo la socda balse aan isim dhaqan meela ku ahayn, lagu taliyey inay u tagaan odayaasha dhaqanka, ayna raacaan halka loo badan yahay, taas micnaheeduna aysan ahayn in Faroole la siiyey xubno, wuxuuna sheegay in aysan jirin meel taas lagu saxiixay asaguna uu ku ogaa in la isku raacay.

Ugu Danbeyntii Dr: Abdulkareem Hassan Jaamac ayaa sheegay in shacabka deeganadaasi ay lee yihiin madaxdhaqameed mideysan oo jireen ah, sidaas daraadeena aysan soconeyn in nin isim ahaan jirey hadana aan soo jireen ahayn iyo nin aan la aqoon waxa uu ku magacaaban yahay aysan u yeedhi doonin, Faroole uusan bililiqo waxba uga qaadeyn Khaatumo iyo deeganadeeda.

 

 

 

 

 

Horufadhi.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
A_Khadar   

Sidoo kale wuxuu sheegay in ay jiraan nin isim ahaan jirey iyo ninkale oo la socda balse aan isim dhaqan meela ku ahayn, lagu taliyey inay u tagaan odayaasha dhaqanka, ayna raacaan halka loo badan yahay, taas micnaheeduna aysan ahayn in Faroole la siiyey xubno, wuxuuna sheegay in aysan jirin meel taas lagu saxiixay asaguna uu ku ogaa in la isku raacay.

Ugu Danbeyntii Dr: Abdulkareem Hassan Jaamac ayaa sheegay in shacabka deeganadaasi ay lee yihiin madaxdhaqameed mideysan oo jireen ah, sidaas daraadeena aysan soconeyn in nin isim ahaan jirey hadana aan soo jireen ahayn iyo nin aan la aqoon waxa uu ku magacaaban yahay aysan u yeedhi doonin, Faroole uusan bililiqo waxba uga qaadeyn Khaatumo iyo deeganadeeda.

 

This is the buffling part of this process. If agreed upton that each clan's elders/ismis will naminate their PMs where this Faroole hakan is going with this.. Amin Amir nailed this one down!

2_AUG_2012.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Mooge   

you are taking "faroole will name them" literary. all that means is the ssc elders in garowe will name them. faroole doesn't really care as long as elders in garoowe are given their share.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Taleexi   

Faroole xaq buu u leeyahay in la soo mariyo xubnaha Soomaalida barlamaanka u gelaya haddii kale waxba ka socon maayaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this