Sign in to follow this  
Liibaan

MadaxWeyne Sheikh Shariif Iyo Hillary Clinton oo Kullan Xasaasi Ah Ku Qaatay Nairobi

Recommended Posts

Liibaan   

shir2.jpg

shir1.jpg

shir5.jpg

timthumb.php?src=http%3A%2F%2Fgedoonline

 

 

MadaxWeyne Sheikh Shariif Iyo Hillary Clinton oo Kullan Xasaasi Ah Ku Qaatay Nairobi

 

Madaxweynaha Dowladda KMG Soomaaliya ayaa Magaalada Nairobi kula kulmay Xoghayaha arrimaha dibadda ee Dowladda Maraykanka Hillary Clinton.

 

Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed Madaxweynaha Dowladda KMG Soomaaliya ayaa Nairobi kulan kula qaatay Xoghayaha arrimaha dibadda ee Dowladda Maraykanka Hillary Calinton, iyadoo kala hadashay xaaladaha Soomaaliya iyo arrimaha Road-map-ka

 

 

Mrs. Clinton ayaa waxa ay sheegtay in meel wanaagsan uu marayo arrimaha arrimaha Road-map-ka, waxaana ay tibaaxday in loo baahan yahay in meeshiisa laga sii wado si dalka SOomaaliya uu ugu baxo xaaladda uu iminka marayo.

 

Kullanka oo ahaa mid albaabada u xiran ayaa Wasiiradda arrimaha dibadda ee Dowladda Maraykanka waxa ay dhinaca kale kusoo dhaweysay ansixinta Dastuurka oo ay sheegtay inay tahay tallaabo hore loo qaaday, waxaana ay tilmaamtay in Maraykanka oo garab taagan yahay Soomaaliya.

 

Madaxweyne Sheekh Shariif ayaa kullanka kaddib isagoo ay garab taagan yihiin Saxiixayaasha Road-map-ka waxa uu shir jaraa’id u qabtay Warbaahita, waxaana uu xusay in kullanka uu la qaatay Xogahayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka uu ahaa mid guul kusoo dhamaaday.

 

Ugu dambeyn Madaxweynaha ayaa beeniyay wararka sheegay in Madaxda dowladda ay musuq maasuq ku wadaan soo xulidda barlamanka cusub, isagoo tilmaamay in lagama maarmaan ay tahay in laga wada shaqeeyo cadaaladda.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this