Liibaan Posted August 5, 2012 MadaxWeyne Sheikh Shariif Iyo Hillary Clinton oo Kullan Xasaasi Ah Ku Qaatay Nairobi Madaxweynaha Dowladda KMG Soomaaliya ayaa Magaalada Nairobi kula kulmay Xoghayaha arrimaha dibadda ee Dowladda Maraykanka Hillary Clinton. Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed Madaxweynaha Dowladda KMG Soomaaliya ayaa Nairobi kulan kula qaatay Xoghayaha arrimaha dibadda ee Dowladda Maraykanka Hillary Calinton, iyadoo kala hadashay xaaladaha Soomaaliya iyo arrimaha Road-map-ka Mrs. Clinton ayaa waxa ay sheegtay in meel wanaagsan uu marayo arrimaha arrimaha Road-map-ka, waxaana ay tibaaxday in loo baahan yahay in meeshiisa laga sii wado si dalka SOomaaliya uu ugu baxo xaaladda uu iminka marayo. Kullanka oo ahaa mid albaabada u xiran ayaa Wasiiradda arrimaha dibadda ee Dowladda Maraykanka waxa ay dhinaca kale kusoo dhaweysay ansixinta Dastuurka oo ay sheegtay inay tahay tallaabo hore loo qaaday, waxaana ay tilmaamtay in Maraykanka oo garab taagan yahay Soomaaliya. Madaxweyne Sheekh Shariif ayaa kullanka kaddib isagoo ay garab taagan yihiin Saxiixayaasha Road-map-ka waxa uu shir jaraa’id u qabtay Warbaahita, waxaana uu xusay in kullanka uu la qaatay Xogahayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka uu ahaa mid guul kusoo dhamaaday. Ugu dambeyn Madaxweynaha ayaa beeniyay wararka sheegay in Madaxda dowladda ay musuq maasuq ku wadaan soo xulidda barlamanka cusub, isagoo tilmaamay in lagama maarmaan ay tahay in laga wada shaqeeyo cadaaladda. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Abwaan Posted August 5, 2012 Sheekadaan more update mallaga hayaa...? Quote Share this post Link to post Share on other sites
Taleexi Posted August 5, 2012 Labada masuul badanaa waxay yeeshaan waa xaasxaasi uun Quote Share this post Link to post Share on other sites
Abwaan Posted August 5, 2012 Looool....Xaasaasigoow mawaan marna xogtaada hoose la helin? Quote Share this post Link to post Share on other sites