Sign in to follow this  
oba hiloowlow

Ra'iisulwasaare Dr. Cabdi Weli maxamed Gaas oo casho sharaf sagootin uu sameeyay Golaha wasiirada

Recommended Posts

Iyadoo muddo 17-cisho ka harsan tahay xilliga ay ku egtahay Xukuumada KMG ayaa Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr. C/wali Maxamed Cali xalay Hoygiisa casho sharaf ugu sameeyay Goliisa Wasiirada iyo xubno kale.

 

Munaasabada casho sharafta oo ay ka soo qeyb galeen dhamaan Xubnaha Golaha Wasiirada, Xildhibaano, Ururada Haweenka, Fanaaniin iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa waxaa lagu soo bandhigay suugaan ka turjumeysay waxqabadka Xukuumada C/wali Gaas mudadii sanadka aheyd ee ay jirtay.

 

Wasiirka Dastuurka iyo Dib u heshiisiinta C/raxmaan Xoosh Jibriil oo ka hadlay munaasabada casho sharafta ayaa sheegay in Xukuumada uu horkacayo C/wali Gaas ay ku guuleysatay inay dalka ka saarto marxaladii adkeyd, isla markaana gaarsiisay in dalka uu yeesho Dastuur, lagana gudbay xaaladii KMG aheyd.

 

Ra'iisul Wasaare kuxigeenka ahna Wasiirka Gaashaandhiga Xuseen Carab Ciise ayaa sheegay in Xukuumada ay wax weyn ka qabatay arrimaha ammaanka, isagoo tilmaamay in xilligii ay imaanayeen Caasimada ay Muqdisho aheyd meel kala xiran, inta badan Al-Shabaab gacanta ku hayeen sida uu yiri.

 

Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr. C/wali Gaas oo ay dhinaciisa fadhiday Marwadiisa ayaa u muuqda nin kalsooni badan ka qaba inuu ku guuleysto xilka madaxtinimada Soomaaliya, inkastoo aanu goobta ka sheegin musharaxnimadiisa, hase ahaatee horay ay u shaacisay Marwadiisa Drs Hodan Saciid.

 

Ra'iisul Wasaaraha ayaa la gudoonsiiyay shahaado sharaf kaalinta xukuumadiisa iyo waxqabadkeeda, iyadoo khudbad uu ka jeediyay uu ku sheegay inay dalka wax badan ka qabatay xukuumadisa.

 

Madaxda ugu sareysa dowladda ayaa xilligan loolan adag ugu jira xilka madaxtinimada Soomaaliya, waxaana socda olole xoog leh oo ay ku doonayaan inay madaxtinimada Soomaaliya ku helaan kadib 20-ka Agosto.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^:D :D

 

Abdiweli made a fatal political mistakes primarily due to his hapless office but he will leave a great legacy behind as he successfully help move Somalia beyond transition. The roadmap might have caused him a bright political future, but completing it is even brighter ...

Share this post


Link to post
Share on other sites
Haatu   

This man may become the President one day. He has done well and history will remember him and his Roadmap.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Abdiweli waa rageedii, kuwa meesha haraatida looga fujin doono ayaan la yaabanahay, waa labada Shariif iyo Farmaajo oo soo noqnoqodkiisu batay waxa ku dhici doono. Good luck to him and I look forward to seeing him in four weeks insha Allaah. Haddii uu sidaan tanaasul ku tago, magac fiican ayey taasi siinaysaa waxayna horseedi kartaa in markii Soomaalidu ay gaarto heer ay One man one vote noqoto inuu helo codad badan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this