Liibaan Posted August 3, 2012 RealTaleex.com MadaxWaynaha KHaatumo State oo Soo Dhaweeyey Ansixinta Dastuurka Federaalka Soomaaliya http://www.realtaleex.com/2012/08/02/madaxwaynaha-khaatumo-oo-soo-dhaweeyey-ansixinta-dastuurka-soomaaliya-hadalo-dar-daarana-u-jeediyey-xildhibaanadda-cusub-ee-la-soo-xulayo/ Kulan ay maanta iskugu yimaadeen Madaxda Maamulka Khaatumo Ayey si cad Maamul ahaan ugu Taageereen Dastuurka Cusub ee loo Ansixyey Dowladda Somalia,kaasi oo mudooyinkii Danbe ka soconayey Caasimada Somalia ee Muqdisho. Kulankan waxaa ugu Horeyn ka hadlay Madaxwayne Maxamed Yuusuf Jaamac (Indho-Sheel) waxa uuna sheegay isaga oo ku hadlaya afka Maamulka Khaatumo in ay taageersanyihiin Ansixinta Dastuurka Somalia,kaasi oo dhigaya in 20 Bisha Ogosto Dalku ka baxayo marxalada ku meel gaadhnimo. Madaxwaynuhu wuxuu Bogaadin Usoo jeediyey Madaxda Dhaqanka ee Mudada dheer Muqdisho shirku uga soconayey iyo dhamaan madaxda dowladda Somalia kuwaas oo uu ku amaanay Hawsha qaran ee ay u qabteen umadda Soomaaliyeed. Mudo laga Joogo Xiligii Xoriyadda Somalia waxa ay noqonaysa markii 2aad ee dalka loo sameeyo Dastuur. Dhinaca Kale Madaxwayne Indho Sheel waxa uu Dhamaan Xildhibaanadda Cusub ee La soo xulayo uu kula dardaarmay in ay Geediga Cusub ee Soomaaliya guurayso ay noqdaan kuwo u horseeda Umadda Soomaaliyeed Badhaadhe iyo Nabad Taam ah Taasi oo Shacabku kaga soo Kabtaan Dhibaataddii Dabada dheeraatay ee 21 Sano ee u danbeeyey Shacabka Soomaaliyeed ku Habsatay. Maxamed Cismaan C/nuur Xaashi Taleex Quote Share this post Link to post Share on other sites
Abwaan Posted August 3, 2012 Karaash....Indho-Sheel....What is the third one called? Were these individuals with such nicknames intentionally chosen in order for the public not to confuse? Quote Share this post Link to post Share on other sites
Liibaan Posted August 3, 2012 VP AbduNuur Biindhe &KHaatumo Delegation Arrives In Mogadishu Wufuuda KHaatumo State uu Hogaaminayo MadaxWeyne KuXigeenka AbduNuur Biindhe oo Soo Gaadhay Caasimada Mugdisho Xubnihii Xulitaanka Xildhibaanada Barlamaanka Khaatumo Oo Soo Gaadhay Muqdisho Iyo Saacadaha Soo Socda Oo La Gudbinayo Xubnaha Barlamaanka Soomaaliya U Matali Doona Khaatumo State {Sawiro} Waxaa maanta si heer sare ah loogu soo dhaweeyey magaalada Muqdisho ee xarunta dalka Soomaaliya wafti balaadhan oo uu Hogaaminayo Madaxweyne ku xigeenka Dowladda Khaatumo C/bdinuur Cilmi Qaaji (Biindhe), waxaana waftigan kamid ahaa saddex xubnood ee ka tirsan Golaha Sare ee fulinta Maamulka Khaatumo ee loo yaqaan G10, Wasiirka Arimaha Dibeda ee Khaatumo iyo Wasiirka Madaxtooyada. Waftigan ayaa waxaa Magaalada Muqdisho kusoo dhoweeyey xildhibaano iyo xubno kale oo kamid ah dadka daneynaya ku biirada xubinimada barlamaanka Soomaaliya ee kasoo jeeda deeganada Khaatumo State. Waftigan ayaa ugu horeyn waxa ay ku nasteen Hoolka VIP da ee Garoonka Aadan Abdulle Osman (Aden Adde) halkaas oo ay ugu sheegeen saxaafada inay u yimaadeen dhamaystirka habka casriga ah ee ay u xulayaan Barlamaanka Khaatumo u matalaya dawladda Soomaaliyeed. Odayaasha Golaha Sare Guurtida KHaatumo G10 aya kala ahaa, Eng: Maxamed Buraale Faarax. Dr: Suleimaan Cabdi Ducaaleh. Eng: Jaamac Abshir{Juxa}. Halka Madaxda khaatumo ee dawladda ka socotaana ay kala ahaayeen. Madaxweyne ku xigeenka dawladda Khaatumo mudane Abdinuur Cilmi Qaaje. Wasiirka Arimaha debeda iyo Jaaliyadaha Pro: Xuseen Saleebana Axmed. Wasiirka Madaxtooyada Mukhtaar Camashi. Iyo Maxamuud Cali Jaamac Wasiirkii hore ee xidhiidhka Hogaankii SSC. Saacadaha soo socda ayaa la filayaa inay kulamo cul culus qaataan gudiga loo xilsaaray xulista Barlamaanka, kuwaasoo ka kooban sadexda Gole ee khaatumo State, ee kala ah Golaha sare ee dhaqanka{ GSD}, Golaha fulinta{G10}, Golaha Madaxtooyada. Waxaana haatan la galay shir albaabadu u xidhan yihiin, kaasoo lagaga dhawaaqi doono cida noqon doonta 8 xubnood ee ay yeelanayaa deeganada Khaatumo. Walow aan la hubin in magacyada la heli doono 48 saac ee socda, haseyeeshaa waxaan meesha ka madhnayn in talooyin waa weyn ay ka horeyn doonaan ficilkastoo lagu shaacin doono barlamaanka Cusub. Waxii wara kala soco shabakada caalamiga ah ee Horufadhi.com Quote Share this post Link to post Share on other sites
Liibaan Posted August 3, 2012 MadaxWeyne KuXigeenka AbduNuur Biindhe Iyo Xubno Ka Tirsan Golaha Sare Khaatumo Guurtida G10 Oo Ku Qulqulaya Caasimada Muqdisho Waxaa maanta si heer sare ah loogu soo dhaweeyey magaalada Muqdisho, wafdi balaadhan oo uu Hogaaminayo.. Madaxweynaha maamulka Khaatumo C/bdinuur Cilmi Qaaji (Biindhe), waxaana wafdigan kamid ahaa saddex xubnood ee ka tirsan golaha sare ee fulinta Maamulka Khaatumo ee loo yaqaan G10, Wasiirka Arimaha Dibeda ee Khaatumo iyo Wasiirka Madaxtooyada. Waftigan ayaa waxaa Magaalada Muqdisho kusoo dhoweeyey xildhibaano iyo dadweyne badan oo kasoo jeeda deeganada Khaatumo State. Wafdigan ayaa ugu horeyn waxa ay ku nasteen Hoolka VIP da ee Garoonka Aadan Abdulle Osman (Aden Adde), halkaas oo ay ugu sheegeen saxaafada inay u yimaadeen dhamaystirka habka casriga ah ee ay u xulayaan Barlamaanka Khaatumo u metalaya dawladda Soomaaliyeed. Odayaasha G10 ee maanta soo gaadhay Muqdisho ayaa kala ahaa, Eng: Maxamed Buraale Faarax(Doxore), Dr: Suleimaan Cabdi Ducaaleh iyo Eng: Jaamac Abshir{Juxa}. Saacadaha soo socda ayaa la filayaa inay kulamo la qaataan gudiga loo xilsaaray xulista Barlamaanka, kuwaasoo ka kooban sadexda Gole ee khaatumo State, ee kala ah Golaha sare ee dhaqanka,Golaha fulinta{G10}, Golaha Madaxtooyada. Waxaana wada tashigaa kadib lagu dhawaaqi doono magacyada 8 xubnood ee maamulka Khaatumo u geli doona barlamaanka cusub ee Soomaaliya. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Liibaan Posted August 4, 2012 Baaq Ka Socda Maamulka Khaatumo State Of Somalia, Agaasimaha Guud Ee Wasaarada Arimaha Guddaha:- maxamud Sheekh Cumar(Akhriso) Kusocota: Isimada Somaliyeed Ee Baarlamaanka Somalia Xulaya Ujeedo: Baaq Maamul Goboleedka KHaatumo State ee Soomaaliya Waxa uu Si Buuxda u Taageerayaa una Soo Dhoweenayaa Dastuurka Ummada Iyo Qaranka Soomaaliyeed Loo Ansixiyey Waxaan halkan si xushmad leh ugu baaqeynaa isimada somaliyeed ee u xilsaaran inay soo xulaan Baarlamaanka Somalia. Waxaan u sheegeynaa in ay xusuus naadaan, inay gacanta ku hayaan Mustaqbalkii iyo Aayahii umada Somaliyeed,Sida ay ka yeelaana ay noqon doonto umada Somaliyeed, Sidaas darteed waxaan si karaamo leh uga codsaneynaa inay beelaha si cadaalada wax ugu qeybiyaan, Kuna xushaan xubnaha ay dooranayaan Aqoon,Karti Iyo Somalinimo. Gaar ahaan isimada reer Khaatumo State ee howshan u xilsaaran, Waxaan usoo jeedineynaa inay si gaara oo taxader leh oo aan cid jecleysi lahayn ay u xulaan xubnaha baarlamanka u galaya umada reer Khaatumo State, Sida wax u qeybinta beelaha iyo aqoonta shikhsiyeedba. Ugu danbeyntii idinka oo iga raali ah si guudba wixii wanaaga ee ay la timaado iyo wixii dhaliil ah ee ay la timaadaba idinkaa leh umada somaliyedna idinka sugeysaa. Asalaamu Caleykum Waraxmatullah Wabillaahi Towfiiq Agaasimaha Wasaarada Arimaha Gudaha Ee Maamul Goboledka Khaatumo State Maxamud Sheekh Cumar Quote Share this post Link to post Share on other sites