oba hiloowlow Posted August 2, 2012 http://radiomuqdisho.net/toos-ugu-ula-soco-munaasabadda-xiritaanka-dastuurkaonline/ Quote Share this post Link to post Share on other sites
oba hiloowlow Posted August 2, 2012 Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa khudbad ka jeedinaya Munaasabadda, wuxuuna sheegay in caalamku uu ogaaday in dowladda iyo dadka Soomaaliyeed ay wax qabsan karaan ayna muujiyeen artidooda. Umadda ayuu uga tahniyeeday guusha ah in dastuur ay yeelatay Wuxuu sheegay in 20ka Agoosto la heli karo Baarlamaan cusub, madax cusub iyo xukuumad cusub Safiirka Jabuuti ayaa lagu soo dhaweeyay hadda oo khudbad bilaabay. Safiirku wuxuu ergada iyo dowladda guddoonsiiyay salaan uu uga siday madaxweynaha Jabuuti Dastuurku waa mid hufan oo dadku ka qeyb galeen kuwa caalamka u dhigma, madaxda ayaana ku mahadsan iyo shacabka. Annaga haddaan nahay ree Jabuuti waxaan la soconaa xaaladda Soomaaliya, waxaana fursad ah in madaxweynaha Jabuuti uu Soomaaliya badbaadinta iyo samata biixnta dalka iyo dowladnim Soomaaliyeed uu siiyay ahmiyad siyaasi ah oo lagu mideysan yahay. Safaaraddeena ayaa u furan taageerada umadda Soomaaliyeed. Soomaaliya oo dowlad heshona waa awoodda Jabuuti iyo dowladaha gobolka iyo Afrika. Waa tallaabo guul ah in Muqdihso lagu qabtay shaqdaan oo dhan, wayna ku guuleysteen dhaqanka SOomaaliyeed iyo dowladda in ay wax qabsadaan, caalamkana waa tuseen in Soomaaliya ay wali karti leedahay. Ergadan iyo intii ka shaqeysay mashruucaan oo ay madaxda dowladdu ugu horreyso taariikhda ayaa xusi doonta. Dardaan odayaasha in ay xildhibaano cusub soo xulaan kuwaas oo xilkooda si habboon u gudan kara. dastuurkana ay sii hagaajiyeen oo afti loo qaado marka dambe. waana masuuliyad taariikhi ah. Dowladda Jabuuti kaalin ay ka geysan doontaa ka gudubka KMG ee Soomaaliya. waana garab taaganahay dadka iyo dowladda Soomaaliyeed. Quote Share this post Link to post Share on other sites
oba hiloowlow Posted August 2, 2012 Wasiirka Dastuurka ayaa lagu soo dhaweeyay khudbadda. Waxaan soo marnay dhibaato badana, waana heshiin wayna, markaasna Ajaanib ayaa na dhexdhexaadin jiray, waaxaana naloo dhisayay intaas dowlado KMG ah, waxaana 43 sano ku dhex nooleyn dastuur la’aan. taas ayaana sababtay inaan xuquuqaheena ku xad gudubno. Road map-ka markii ay madaxdu saxiixayeen dadku way la yaabayeen, qaarna waxayba lahaayeen dan gaar ah ayay wataan, laakin 11 bilood kadib dadka Soomaaliyeed way u jeedaan waxa ay qabteen madaxda Soomaaliyeed. Dastuurka sameyntiisa dhibaato badan ayaan ka marnay, qoristiisa, diyaarinta khubarada iyo hagaajintiisa, markii aan dhammeynayna dad dano gaar ah leh ayaa tashuush nagu furay oo dhahay dastuurku diinta ayuu ka horjeedaa. waana been oo dastuurkaan waxaa sal dhig u ah diinta ISlaamka. Dastuuku wuxuu ka hadlayaa ama dhowrayaa xuquuqaadka aasaasiga ah, qof kastana waa xor wuxuun sameyn karaa wax kasta oo uu doono oo aanan ka hor imaaneyn diinta iyo dastuurka, oo xataa dowladd aayuu sharciga la tiigsan karaa. Dastuurkaan wuxuu na siiyaan dhamaan xuquuqha uu Alle na siiyay marka aan dhalanay. waxaana iska leh dadka oo dhan oo maaha wax ay dowladdu leedahay. madaxda dalka loo doorto ayaana xil ka saaran yahay in ay dhaqan galiyaan. Dastuurka la sameeyay wuxuu qeyb ka ahaa in la dhammeeyo KMG ah. waxaa ka dhiman Baarlamaan in la soo xulo oo ay odayaashu qabtaan, Madaxda dalka ayaana laga rabaa in ay odayaasha ku adkeeyaan in ay ilaaliyaan kootada haweenka. Dastuurka sameyntiisa waxaa u amanan, wasaaradda Dastuurka, Wasiiradda Warfaafinta, Qorsheynta iyo JIU oo shaqo badan qabtay iyo dad si iskaa wax u qabso ah howshan ku qabtay. Suldaan Maxamed Saciid oo wax badan a bixiyay dhaqaalaha dastuurka. Quote Share this post Link to post Share on other sites
oba hiloowlow Posted August 2, 2012 Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka C/samad Macalin Maxamuud. Salaan madaxda iyo ka soo qeyb galayaasha Soomaalida waa u guul in ay Soomaali heshay Dastuur ay uga baxeyso KMG oo ay dowlad rasmi ah u gudbeyso. Bishaan oo kale sanadkii hore ammaanku madaxweyne wax badan ayaa iska beddelay. oo hadda Kismaayo ayaan u hammineynaa halka sanadkii hore Muqdisho laga cabsanayay taas adiga ayaa ku mahadsan. Guulaha ammaanka waxaa ka mid ah madaxweyne in sadex kun oo qof ay Muqdisho marti galisay, taas oo ay ciidamada iyo shacabku iska kaashadeen. Askarigii shalay xabadda ku dhigtay ninkii is qarxinayay wuxuu madaxweynuhu dallacsiiyay Hal xidig, waxaana la sii dallacsiin doonaa kuwii kale ee howl galka ka qeyb galay. Waxaan loo baahan yahay in la dhammeystiro marxaladdan kmg ah, ammaankana la iska kaashado, anoo u mahad celinayo AMISOM, UN iyo dhammaan dowldihii ka qeyb galay mashruucan Quote Share this post Link to post Share on other sites
oba hiloowlow Posted August 2, 2012 Mahiga Salaan madaxda iyo ka qeyb galayaasha. Salaan ka timid Ban ki moon ayaan u wadaa 135-ka oday dhameed, tan labaadna 825ta ergada ah. Maanta oo ah 2da Agoosto waa maalin dadka SOomaaliyeed taariikhdeeda galeyso. Waxaa laga cabsanay in Argagxiisadu ay hakin karto shaqadiina, laakin waad ka guuleysateen oo waxbaad qabateen sida ansixinta dastuurka Dastuur qurux badan ayaad sameysateen 1960, kaliya wuxuu shaqeeyay 9 sano, milatarigii ma uusan tixgelin dastuurka, Kenya waxaad ku sameysateen Axdi KMG, kaasna shalay ayuu ku ekaa oo hadda Dastuur ayaad leedihiin Dastuurku waa nafta Qaranka iyo ruuxa dowladda, ergadii golaha dastuurka ahaa waxay umadda Soomaaliyeed ruuxii ay u baahnaayeen oo ah dastuurka. Roadmapkii la bilaabay September, wuxuu maray Garowe, Gaalkacyo NAirobi iyo ADIS sabab, laakin hadda Muqdishi ayuu ku soo laabtay. Arrintaan waa taariikh waxayba u tahay dadka SOomaaliyeed. waayo dalalka adduunka dastuurku sadex afar marxalad ayuu maraa oo kala ah. Qorista sharci yaqaana gudbinta shacabka. mar kale sharci yaqaanno Aaradii dadka oo lagu daro marka ugu dambeysa kaddibna cod ayaa loo qaadaa. Laakin Soomaaliya, 21 sano Dastuur ma lahayn, ma sanooyin kale ayaan sugnaa karnaa, Soomaalida oo caqli leh ayaa tiri ma sugeyno oo waddo kale ayaa la marayaa. Waxayna dhaheen waxaan sameyneyna golo Ansixin Dastuur, waana la sameeyay Mudda goluhu fadiyeen anigu waan idin daawanayay, waana idinla socday, markaana arkay howshiina waan qiirooday, waxaadna ;a timaadeen waddaninimo. Dastuurka aad sameyseen ansixiseen waa waxa ugu weyn dib u heshiisiinta Soomaaliya ay u baahan tahay U adeegsada Dastuurkaan Dokomenta ahaan xilliga doorashada iyowaxyaabaha la mid ah. Marka labaad si SOomaalinimo ah u qaata una habeeya oo wax uga beddela illaa aad marka dambe cod uga qaaddaan. Dastuurku wuxuu nabad siinayaa adinka iyo dariskiina, dowladnimona waa idin siinayaa ee ku dhaqma. Waxaa noo dhimman inaan baarlamaan ku helo todbaad. Waa in haweenka la siiyaa kootodooda. waana ku faraxsanaay in madaxdu ay taageersan yihiin arrintan. Qeybaha bulshada dhammaantiin haweenka ku caawiya in ay helaan kootadooda. Xukuumadda hadda hal haween ayaa ku jirta, waana kaligeed waa in ayadana dad badan lagu soo daraa oo wasiiro badan laga dhigaa haween. ODayaasha waan xushmeynayaa, hadda 174 xubnood ayay ku soo dareen ergada dasturka ansixineysa. haddii la keeni waayo kootada haweenka ee baarlamaanka liiskaas ayaan ka bixin doonnaa haweenka xildhibaanada noqonaya. Laakin waxaan rajeynayaa in aysan howshu halkaa gaarin waayo waxaan ku kalsoonahay odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed. Waxaa nala jooga wakiilo ka socda 7 Hay’adood oo caalami ah. Waxaan codsaneynaa in la jojiyo waxyaabaha aan wanaagsaneyn ee dhaawacaya hannaanka Quote Share this post Link to post Share on other sites
oba hiloowlow Posted August 2, 2012 R/wasaraha ayaa khudbadda lagu soo dhaweeyay Salaan madaxda iyo ka qeyb galayaasha. Madaxweynaha DOwladda Rasmiga ah ee SOomaaliya mudane SHariif SH Axmed. guddoomiyaha Baarlamaanka ergayga QM Mahiga, Danjirayaasha iyo dhammaan ka qeyb galayaasha waan idin salaamay Waxan ku faraxsanahay inaan maanta ahanyn KMG ee aan nahay DOwlad rasmi ah.. tan oo qaadatay waqti iyo jumhi badan. Xukuumaddu waxay wax ka qabatay ammaanka. waxaa xuroobay gobollada dalka intooda badan halka awal la joogay Muqdisho qeyb yar oo ka mid ah, ammaanta waxaa iska leh Ciidamada XDS iyo ciidamada na caawiyay AMISOM. DHallinyaradii Shabaab oo la soo dumay dhaqan celina diyaar u ah. Dib u heshiisiin uu dastuurku ugu horeeyo. Dowlad wanaag iyo hagaajinta tayada shaqaalaha, soo celinta dhaqaalaha iyo la dagaalanka musuqmaasuqa. Dowladu xiaabtan ayay ogoshahay, caalamkuna waa inuu oggolaadaa, waayo waxaan nahay dal xor ah. Gulaha waxaa ugu weyn in Dastuurkii dalka la ansixiyay Soomaali waa diidday KMG waana ka gudubnay hadda. Waxaa kale oo guul ah in 60 musharax ay joogaan dadkiina ay dalka ku soo laabteen. Waxayna musharraxiintaasi heli doonaan caddaalad. Rajadu waa in dadku wada helaan xuquuqdooda, ayna helaan waxa ay u baahan yihiin. Ififaalo fiican ayaa muuqata iyo midnimo Soomaaliyeed iyo isku tashi. Caalamka oo Soomaali dowlad ah la tacaamulaya ayaan arkaa. Ballanta ah in haweenka la siiyo boqolkiiba soddon waa in laga dhabeeyaaa. Quote Share this post Link to post Share on other sites
oba hiloowlow Posted August 2, 2012 GUddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan SH Aadan. Salaan madaxda iyo dowladda. Maanta waa taariikhi, caasimadda dalka annagoo joogna haddana dastuur ansixinay, waa hambalyo odayaasha iyo ergada ayaana ku mahadsan iyo dadkii ka soo shaqeeyay. Alle ayaa mahad leh, Hadduu noo fududeeyay, caddaalad iyo midnimo ayaana rajeynayaa inaan kula dhaqanno, Waxaan u soconnaa dowladnimo. waayo ammaanka wax badan ayaa laga qabtay siyaasaddana waatan horumartay. Horay ayaan u socon doonnaa, Sonkaan iyo soonkii hore isma laha oo dhibaatadii jirtay waan ka baxnay Alle ayaa mahad leh. Horay Alle ha noo sii wado, waa innaan dadaalnaa oo aan ka fekernaa qaranimada iyo sharafteena. gadaaal yaan loo laaban hana la iska dhaafo danta garka ah, sharafteena aan ceshanno. Horumar badan ayaa la qabtay iillaa Kampala Accord, haddana horay ayaa loo sii soconayaa illaa laga dhammeeyo dhismaha dowladda iyo doorashada madaxweynaha. Is riixriixu ha ku ekaado xilliga wax raadiska, dad badan oo mudan ayaa waayi doona kuwo mudana way heli doonaan, marka haddii qof guuleysto hala taageero, nabaddnaa halaga shaqeeyo, si aan baraare u garno. Hana la is cafiyo, Dastuurkana hala wada oggolaado kuwii la metelay iyo kuwa wax metelay. Baarlamaanka Imaan doona ayaana wixii qaldan gudbin doona. Quote Share this post Link to post Share on other sites
oba hiloowlow Posted August 2, 2012 Madaxweynaha ayaa hadda khudbadda bilaabay Salaan madaxda iyo ka qeyb galayaasha Maanta waa maalin taariikhi ah waana maalin aan salka u dhignay dowladnimo, inaan ka baxnay fowdo , Alle ayaa ku mahadsan. Wasaaradda dastuurka iyo guddigii madaxa banaanaa ee dastuurka, guddiga khubarada iyo guddigii farsamo iyo dhammaan intii ka qeyb gashay. Golaha ansixiinta dastuurka waan u mahad calineynaa. iyo odayaasha, Saxiixayaasha Road mapka oo dowr fiican ku lahaa howshaaan, waan u mhad celinaynaa. Howshaani waxay ahayd howl qaran oo qof kasta waajib ka saarnaa. dastuurka waxaa iska lehq aranka wuxuuna damanad qaadaa, noloshaada dhammaan. meel aan dastuur ka jirin dowlad kama jirtto Qofkii la yiri dowlad KMG ah hoggaami ayaa og dhibkiisa. Maantana waxaan ka baxnay dhib, Alle ayaa ku mahadsan. Waxaa ka qeyb galay dhammaan dadka, Askarta, Odayaasha, Ergada, Wasaaradda Dastiuurka iyo Dowladda oo dhan ayaa ka qeyb qaatay, iyo kuwa na caawiyay dhammaantood. Kaliya dastuur looma socon in la sameeyo, waxaa muhiim ah in la hirgaliyo. Caqabao badan ayuu la soo kulmay oo waxa la isku dayay in la fashiliyo Laakin wuu a badbaaday dadaal dheer kaddib. dhaliilahii iyo talooyinkii ergadana baarlamaanka xiga ayaa wax ka qaban doona. Dastuurkaan waxay diplomaasiyiinta qaar noo sheegeen inuu ka mid yahay 25ka dastuur ee caalamka ugu horreeya. Inaan fiican qorono waa muhiim waxaase ka sii fiican inaa ku dhaqanno, Dastuurkaan waxaa ku baxda 50 Milyan oo Dollar. annaguna maanan arag ee waa naloo sheegay. GUddigii madaxabannaanaa ee dastuurka iyo wasarada dastuurka haddaaan weydiino haa ma dhahaayaan. Maxaa u sabab ah, waa KMG, waa inuu dhintaa KMG, KMG roow dhimo. Talada Soomaaliyeed Soomaali ayaa iska leh, dowladda la soo dhisi soonana waxaa iska taladeeda Soomaalia. Ciddii u bareertay faragalinta Soomaaliya ha ku filnaato 21ka sano. colaad ma qabno laakin waxaan rabnaa inaan wax qabsanno. Dastuurku wuxuu noo hoggaaminayaa howlo ay ka mid tahay in dowlad lagu dhiso aan ahayn KMG ah. Madaxda dowladdu dhaqan galinta haka bilaabaano magaca dalka oo ah Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Odayasha waxaa looga fadhiyaa inay soo xulaan Baarlaan. Gabdha waa in la siiyaa kootadooda, odayaashoow naga dhiiba. Ma u maleynaayo in ay waayaanhaweenku qoondadooda, waayo haweenku waa mudan yihiin. Saxiixayaashu waa isku raaceen in haweenka la siiyo 30%. Ciidamada Booliska waxay fashilyeen weerarakii argagixisnio ee shirkaan lala damacsanaa. Cali Wakad oo ah sarkaalkii fashilyay waan u mahad celinayaa. Askarta dhanna waan u mahad celinayaa oo u taaagan difaaca dadka iyo dalka. Dhibaatada dadka ku dhacday waxaa udub u ahaa dowladla’aan. Dhibaatadaas qeyb ka mid ah waan ka baxnay hadda maadaama aan helnay dastuur inta dhimmana waan ka gudbi doonnaa , haddaad gacmaha is qabsano oo aan dowladnimada ku dadaalno. Horumarkaan waa mid siyaasi ah, waxa ka horereeyay mid amni, waxaana la socday mid bulsho. waana sii socon doonaan -, waayo waa is kaabayaan dhammaantood. KMG inaan ka baxno waxay fududeyneysaa tixraaca noloshooda iyo siyaasadda, Xuquuqdooda iyo mabaadiida ka dhaxeysa. Waxaa waajib nagu ah inaan ka gudubno mugdiga una gudubn iftiinka. cadowgii Soomaaliyeed waa jabeen Shabaab iyo Al-qaacidda ayaana u dambeeyay, mana la sii arki doono Inshaa Allaah. Ciidamada XDS iyo AMISOM ayaan uga mahad celinaynaa intaas. Soomaalidu waa Muslim laakin Shabaab maaha. ma Oggolaneyno in ISlaamkaan ku dhalanay wiilal yaryar iyo dambiilayaal shisheeye nagu dhibaateen, ee waxaan heysaneynaa ISlaamkii aan ku dhalanay. Fikraddaasi waa mid guracan oo haddana fashilantay. Soomaaliya Al-Qaacidda meel kuma laha. Si aan qaran u dhisno waa in aan is cafino dhammaanteen. Quote Share this post Link to post Share on other sites