Carafaat Posted August 2, 2012 Hargeysa, August 2, 2012 (Haatuf) – Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland C/laahi Maxamed Daahir (Cukuse) ayaa Been aan sal iyo raad toona lahayn ku tilmaamay war ku soo baxay Wargeyska Hubaal dhawaan oo sheegayey in Afhayeenka Madaxtooyadu uu ka tirsan yahay Sirdoonka dalka Djibouti, isla markaanaa Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo xaaladiisa caafimaad aanay fiicnayn. Mr Cukuse ayaa waxa uu sidaasi ku sheegay Waraysi uu khadka Telefoonka ku siiyey Shabakada Wararka ee Caynabonews, isaga oo arimahaasi ka hadlayana waxa uu yidhi “Waa Been la sheego Tii ugu macno darayd ee ugu weynayd weeyi taasi. Hal maalin ayaan ku arkayey wargeys wargeysada cusub ka mid ah oo ah kii ugu dambeeyey oo uu leeyahay meel Indian Ocean-ka la yidhaahbaan ka soo xigtay wax noocaas oo kale ah aadbaanan uga xumahay, Madaxweynuhu Maalin uu ka caafimaad badan yahay ma jirto, maalin uu ka da’yar yahay ma jirto oo uu ka qurux badan yahay, shaqadiisa iyo xilkiisana waxa uu u gutaa si caadi ah, waxaan u arkaa uun Habaar, qof iska Habaartamaya oo dadka waxaas u sheegay”. Sidoo kale mar Afhayeenka la waydiiyey waxa ka jira wararka sheegaya inuu xidhiidh la leeyahay oo uu ka mid yahay Sirdoonka Djibouti ayaa waxa uu yidhi “Anigu Kolay qofbaan ahayoo, waanan yaabay oo aadbaan ula yaabay, waa iska sheeko yar oo raqiis ah oo la farsamo awaalay oo aad arkayso in qof uu was iska xarxariiqay, markaan runta kuu sheegana dadka meesha ku qoran dhawrka dumarka ah iyo dhawr nin ayaa ku jira dadkaa hal qofna ku dhahoo qof aan garanayaa ma jiro, dadkaasi dad xidhiidh na dhex maray maaha dalka Djibouti ee aynu jaarka nahayna dawlad nimadaa iyo walaal nimadaa wax ka sokeeya oo aniga ii gaar ah oo xidhiidh ah oo na dhex maraa ma jiro, sirdoonkuna maaha shaqo aan waligay noloshaydaba galay la’iguna yaqaanay, ninka suxufiga ahina sirdoonba ma noqdo oo anigu suxufibaan ahaa, waan ka xumahay waa Foojari iyo wax la sameeyey iyo dacaayad shakhsi eedayn ah oo aan macno badan ku fadhiyin. Jabuuri markii aan tahay sanadkan horaantiisii ayay ahayd markii iigu dambaysay, wararkana waa iska dacaayad raqiis ah, dee cadaawadaasi macno ay samaynayso magaranayo, waxaan u haystaa qof xasad iyo colaadiisa aanan waxbaba ka ogayn. Quote Share this post Link to post Share on other sites
A_Khadar Posted August 2, 2012 Where is he then? why not himself speak out? Alle ha caafiyo duqa... Quote Share this post Link to post Share on other sites
Carafaat Posted August 2, 2012 This morning he visited the local goverment office of Hargeysa. http://waaheen.com/?p=43568 Quote Share this post Link to post Share on other sites