Sign in to follow this  
Dr_Osman

Bosaso Mayor Opens New Roads In The City. PICS

Recommended Posts

Dr_Osman   

Duqa Degmada Bosaso ayaa maanta xariga ka jarey wadooyin dhawaan laami lasaarey (Sawiro).

 

About:- 2 hours ago | 0

 

Waxaa manta xariga laga jaray labo wado oo laami la saaray kuwasoo dhamaan laga hirgeliyay Gudaha Magalada Bosaso .

 

Mushruuca wadooyinkani lagu dhisay ayaa waxaa dhinac socda Mashaariic kale gedisan oo laga hirgeliyay Gudaha Magalada Bosaso

.

Duqa degmada Xasan C/lla Xasan ayaa Xariga ka jaray wadooyinkani intaa ka dibna waxaa laysugu tagay Hoolka Dawlada hoose halkaasi oo lagu qabtay Xaflada ku saabsanayd mashariicdan iyo cida ka qeeb gashay Qudbado kala gedisan oo dhinacyo badan taabanaya ayaaa goobta laga jeediyay .

 

Intii xafladani socotay ayaa waxaa goobta Shahadooyin lagu gudoonsiiyay Dhamaan Sharaa,iktii ka qeeb gashay mashruucani .

Dadwayne aad u badan ayaa goobta joogay waxaa ayna aad ula dhaceen in mashaariicdani iyo kuwa hada socda ee la filayo in laga hirgeliyo magalada Bosaso .

 

Ugu horayn waxaa goobta Ka hadlay C/fataax Sugule waxaa uuna ka war bixiyay Mashruucan iyo qarashka ku baxay,isagoo sheegey in ay tahey hormar loona baahan yahay in halkaasi laga sii wado.

 

Gudoomiye ku xigeenka Rugta Ganacsiga iyo warshadaha Puntland Maxamed Caydiid ayaa dhankiisa sheegay in hadii ay Bulshada iskashato ay wax badan ay qaban karaan.

 

Wuxuu kaloo intaasi ku darey in aynu maanta ka gudubney ciidii wadada la iinoogu shubi jirey sanad walba oo markii roobku soo da’ona ay baabi’I jirtey

 

Waxaan ganacsatada ugu baaqayaa in ay halkaasi ka sii wadaan loona baahan yahay.

 

 

Gudoomiye ku xigeenka Gobolka Bari Muudane Muumin yuusuf Bide ayaa soo xiray Xafalada, isagoo sheegey in uu aad ugu faraxsan yahay hormarkan lagu talaabsanayo loona baahan yahay in halkaasi lasii wado.

 

Isku soo wada duubuu xafladan ayaa aheyd mid laga dheehan karay farxad iyo jawi wacan iyadoo aad loogu faraxsanaa sidii loo sii hormarin lahaa wadooyinka bosaso.

 

Horseed Media

Bosaso Puntland

 

93.jpg

18.jpg

34.jpg

44.jpg

64.jpg

74.jpg

84.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dr_Osman   

Thank you mayor of bosaso and the business community for allowing this huge step forward for the city to happen. Lets pave this city one road at a time. Lets get moving Bosaso Puntland Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dr_Osman   

Duqa boosaaso oo maanta xariga ka jaray labo wado oo laami la asaaray.

 

August 2, 2012 - Written by Webmaster - Edited byWebmaster

 

Xasan Cabdalla Xasan gudoomiyaha golaha deegaanka degmada boosaaso ayaa maanta xariga ka jaray labada wado ee Gaaca iyo Laamiga Dekeda oo loo dhamaystiray wado laami ah oo noqonaya wadooyinkaas kuwo ka baxa Gaaca iyo garoonka diyaaradaha boosaaso iyo kantroolka ilaa dekeda magaaladan boosaaso.

 

Xafladii furitaanka wadooyinkaas ayaa waxaa ka soo qayb galay qaar ka mid ah masuuliyiinta puntland isimo culamo awdiin ganacsato ururada bulshada iyo dadwaynaha ku nool 16 xaafadood ee ay ka kooban tahay Magaaladan boosaaso iyadoo xarig jarka wadooyinkaasna uu ka dhacay bartamaha wadada gaaca oo ah halka dhextaalka u ah wadooyinkaas.

 

Ugu horayn waxaa halkaas ka hadlay duqa degmada boosaaso Xasan Cabdalla oo si aad ah uga warbixiyay dadaalkii ay u galeen hergelinta wadooyinkaas iyo bilicda magaalada boosaaso taasoo ugu danbayn uu sheegay in ay ku guulaysteen dhamaystirka wadooyinkaas iyo walibana uu sheegay in qorshaha xiga uu noqon doono wadooyinka daarasalaam iyo madaxtooyada kuwaasoo uu sheegay in ay bilaabi doonaan bisha Ramadaan ka dib waxaa kaloo uu gudoomiyaha uu xusay in maamulkooda ay wadaan kuwo ay dhamaystireen mashaariic laga hirgalinayo degmadan iyo tuulooyin hoos taga degmadan bosaao.

 

Duqa degmada boosaaso ayaa sidoo kale u mahadnaqay ganacsatadii iyo dadkii ka qayb qaatay horumarinta iyo bilicda boosaaso waxaana uu shacabka ku baraarujiyay in ay ka qayb qaataan howlaha horumarineed ee haatan laga wado magaaladan.

 

Waxaa sidoo kale halkaasi ka hadlay Gen Cali Ismaaciil oo ah gudoomiyaha gudiga horimarinta shacabka boosaaso oo isna ka warbixiyay gudigooda qaybtii ay ka qaateen wado samayntaas iyo horumarka waxaana uu Si aad ugu nuuxnuuxsaday in shacabka ay yihiin kuwa kaliya ee horumarin kara dalkooda isagoo tusaalooyin badan soo qaatay waxaana uu shacabka ka codsaday in aysan hayado shisheeye aysan sugin oo ay maalkooda iyo xoogooda isugu geeyaan horumarka dalkooda waxaana uu sidoo kale ka warbixiyay lacagihii ay ka aruuriyeen ganacsatada iyo dadwaynaha qaarkood qaabkii ay ku baxday ugu danbayntiina waxaa uu u Mahadnaqay maamulka degmada.

 

Gudoomiye ku xigeenka gobolka bari Yuusuf Muumin Bide ayaa isna u mahadnaqay maamulka iyo golaha deegaanka degmada boosaaso iyo waliba gudigii isku howlay aruurinta dhaqaalahii lagu fuliyay wadooyinkaas Laamiga ah ganacsatada boosaaso ayaa sidoo kale uu uga mahadnaqay dhaqaalaha ay ugu deeqaan dalkooda iyo dadkooda.

 

Ugu danbayntii waxaa maamulka degmada boosaaso iyo gudiga shacabka boosaaso ay bixiyeen shahaadooyin abaalmarino oo la siiyay inta badan dhamaan dadkii ka qayb qaatay howlihii lagu dhamaystiray wadooyinkaas waxaa sidoo kale loo mahad naqay gabadha lagu magacaabo Caasho Axmed Dheere oo ka mid ah ganacsatada oo noqotay gabadha kaliya ee bixisay lacag wax ku ool ah waxayna dhamaan dadkii ka Hadlay halkaasi ay sheegeen in jaaliyada puntland gaar ahaan kuwa gobolka bari ay ka seexdeen horumarka dalkooda marka laga reebo nin lagu magacaabo Axmed Ceynab oo ku nool dalka kanada.

 

Sawiro

 

Wado-Fur-1.jpg

Wado-Fur-2.jpg

Wado-Fur-3.jpg

Wado-Fur-4.jpg

Wado-Fur-5.jpg

Wado-Fur-6.jpg

Wado-Fur-7.jpg

Wado-Fur-8.jpg

Wado-Fur-9.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dr_Osman   

Two new paved roads for bosaso in peak hour spots of the city. This road campaign in the city needs to go all the way unti all key main roads the city are fully paved then move into the neighbourhoods and pave main roads there.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dr_Osman   

Laami laga hirgeliyey Bossaso

4 Aug 4, 2012 - 6:52:13 AM

 

 

 

GAROWE ONLINE

 

Mashaariic guud ahaan horumarineed ayaa ka socda xarunta dhaqaalaha Puntland ee Bossaso kuwaasi oo ay ka midyihiin laami magaalada dhexdeeda la saarey oo iska kaashadeen dowaldda Puntland iyo dadweynaha ku dhaqan gobolka Bari.

 

Duqa Degmada Bossaso Xasan Cabdalla Xasan oo Radio Garowe la hadlay ayaa ka waramay halka ay marayaan barnaamijyadan horumarineed iyo cida gacanta siisaa maamulka degmada fulinta hawshooda.

 

Labo waddo oo laami ah ayuu tilmaamey in fureen gudaha magaalada Bossaso islamarkaasina ay dayactir iyo carro tuur ka wadaan kuwo kale oo ku yaal halkaasi.

 

Garaash ayuu sheegey inay ka hirgeliyeen magaalada gaadiidka waaweyn lagu hayno xiliga hore ee saxmadu jirto ,dhismayaal ay ka fuliyeen Kantaroolka Bossaso ,iyo dayactirka garoonka kubadda cagta.

 

Barakacayasha oo meelo kala duwan ka degan magaaldu ayu cadeeyey in la habeyn doono islamarkaasina ugu baaqey hayadaha inay kala caawiyaan dejinta goobo wanaagsan dadka xabada iyo baahidu ka soo cayrsatey guryahoodi.

 

Halkan ka dhageyso Aadan Sooyaal oo wareysanaya Duqa Bossaso

http://www.garoweonline.com/artman2/publish/Wararka_19/Laami_laga_dhisey_Bossaso.shtml

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dr_Osman   

War iga tag..Waxan ba dawlad la yirah...basic government services being delivered to the every-day somali. This is our local council in Bosaso. This is happening across all our local council areas, but mainly so in Qardho, Garowe, Galkayo, Las Qoray. We have the 5 year plan happening at the regiona level.

 

I won't live anywhere but in Puntland because I love the accountability to the people and the transparency on projects. It just makes me feel good knowing my government is providing services to our residents. It is what a REAL administration does!!!

 

U guys gotta admit it Puntland is doing pretty good!!!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this