Sign in to follow this  
MoonLight1

Presidential hopeful Dr Baadiyow congratulates the people of Puntland.

Recommended Posts

Muqdisho (PP) -Musharaxa madaxweyne ee Soomaaliya Dr. C/raxmaan Macallin Cabdullaahi (Baadiyoow) ayaa Hambalyo iyo Bogaadin ku aaddan sannadguuradii 14-aad ee kasoo wareegtay aasaaska Puntland u diray Shacabka iyo Maamulka Puntland.

Dr.-Cabdiraxmaan-Maxamed-Cabdullaahi-Baa

Warsaxaafadeed kasoo baxay xarunta murashaxa ayaa lagu sheegay in Dr. Baadiyoow uu hamblayadan u dirayo guud ahaan shacabka Soomaalida, isagoo u rajeeyay shacabka iyo Maamulka Puntland horumar iyo nabad.

 

“Shacabka iyo Maamulka Puntland waxaan u dirayaa hambalyo ku aaddan markii la aasaasay Puntland oo ay kasoo wareegtay 14-sano” ayaa lagu yiri warbixinta kasoo baxday Xafiiska Ololaha doorashada ee Murashax Dr. Baadiyoow.

 

Murashaxan ayaa wuxuu ka mid yahay murashaxiin u tartamaya xilka madaxnimo ee Soomaaliya oo dhici doona bisha August ee sanadkan, isagoo noqonaya murashaxii ugu horeeyay oo Shacbka iyo Maamulka Puntland u diray hambalyo ku aadan markii la aasaasay Dowlada Puntland.

 

Puntland ayaa waxaa la aasaasay 01-dii August 1998-kii, tan iyo xiligaasna waxaa ka jiray Amaan iyo Maamulo la isku bedelo, waxaana

aasaaskeeda bilaabay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Allaha u Naxariistee Col. Cabdulaahi Yuusuf Axmed oo geeriyooday horraantii sanadkan.

 

Dabaaldagyo lagu maamuusayo aasaaska Puntland ayaa tan iyo xalay ka socday Magaalooyinka Waaweyn ee Puntland, iyadoo Puntland ay qayb ka tahay Dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya.

 

Maxamed Xuseen Jimcaale (Jantiile)

Puntlandpost- Muqdisho, Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this