oba hiloowlow Posted August 1, 2012 Beesha ******* Xubnahooda ku sugan gudaha iyo dibada Beesha Caalamka,ayaa Qaramada-Midoocay nu gudbiyay Dacwad ka dhan ah Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland C/raxmaan Maxamed Faroole iyo Wiilasha uu dhalay oo lagu eedeeyay in ay Awood xoogan ku leeyihiin Siyaasada Puntland,iskana indho-tireen inay dhageystaan Shacabka-Puntland iyo Isamadii Daaroood ee Madaxweyne-Faroole gaarsiiyay xilka uu maanta ku faanayo ee Madaxweynaha Puntland, Odayaasha dhaqanka Beesha ******* ugu qayb galaysa shirka ka socdo Muqdisho ayaa warqado dacwo ah u gudbiyay Xafiiska Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya (UNPOS) iyo wakiilada Beesha Caalamka ee Arrimaha Soomaaliya, warqadahaas oo ay uga dacwoonayaa faragalinta iyo caga jugleynta uu ku hayo Faroole iyo Wiilashiisa. Duubab dhaqameedyada ayaa warqadooda ku sheegey inay Faroole ugu maari la yihiin, soo xulida Xildhibaano Tayo u leh Mustaqbalka Soomaaliya, balse ay dhankooda ka go'an tahay keenida xildhibaano tayo leh oo matali kara beelaha ay kasoo jeedaan, isla markaana guud ahaan dalka ugu shaqeyn kara wadani-nmo. Wax garadka Beesha ee ku Nool qaarada Yurub ayaa Beesha caalamka ugu baaqeen inay baaris ku sameyso Warbixintii dhawaan ay soo saareen Kooxda la socodka dhaq dhaqaaqa Soomaaliya ee lunsashada hantida iyo Musuqa lagu sameeyay dhaqaalaha Beesha Caalamka ugu tala gashay dalka Soomaaliya. Dhanka kale Odiyaasha ayaa kashifay in shirarkii ka dhacay Garoowe ee 1 & 2, Faroole Bananka uu soo dhigay Odiyaal dhaqameed sax ah, isla markaana shirkaasi geliyay Odiyaal gacan ku rimis uu ku keenay kuwaasi oo uu ugu gol lahaa in ay ku shaqeeyaan danahiisa uu ka leeyahay siyaasada Soomaaliya. "Waxa uu damacsanaa in uu Odiyaal gacan ku rimis keeno, si ay usoo xulaaa dad aan matali karin umadda Soomaaliyeed, balse Garoowe markii la joogay ayuu Arrinkaasi ku fashilmay waxaana xilligaa soo dhex galay buuqii taaganaa Ra'iisul Wasaare C/weli Gaas" Ayuu yiri mid ka mid ah Duubabka oo codsaday in aan Magaciisa la xigan. Faroole iyo Wiilashiisa ayee ku eedeeyeen in Muddooyinkii ugu danbeeyay ay shirqoolo u maleegayeen, Suxufiyiinta, Siyaasiyiinta Odiyaasha iyo Wax garadka, kasoo horjeeda dhaqanka ay Familkaasi ku hayaan deegaanada Puntland, iyadoona dhinaca kale ku eedeeyay in familkaasi ay isku koobeen ilihii dhaqaalaha Puntland. Shacabkamedia:Beyra:Puntland Quote Share this post Link to post Share on other sites
Somalia Posted August 1, 2012 Oh, I thought you were going to congratulate Puntland on its horumar and anniversary so instead, let me give you a Dr_Osman, Puntland Maritime Police Force New Puntland Force Puntland Custodian Force Puntland Dervish Force Quote Share this post Link to post Share on other sites
Somalia Posted August 1, 2012 Puntland Police Force Puntland Special Protection Unit Puntland Intelligence Agency _____________________________________________ So ina adeer, why you hating, why you hating on me? Does your village have this, I think you posting fictitious article have to do with your jealousy, you want to cramp my style on my anniversary, IN RAMADAN! Waa cajiib. Quote Share this post Link to post Share on other sites
oba hiloowlow Posted August 1, 2012 Are you faroole? I only dislike him, adeer stop with the nonsense im a Plander myself Quote Share this post Link to post Share on other sites
Somalia Posted August 1, 2012 Alright alright you've stated that before, I just needed a chance to parade these pictures, you gave me that opportunity. Quote Share this post Link to post Share on other sites
oba hiloowlow Posted August 1, 2012 lool great pics though, lets hope they'll do a great work for the somali nation and Puntland aamiin! Quote Share this post Link to post Share on other sites