Sign in to follow this  
Carafaat

Sheikh Adan Siro oo fadeexado culculus soo bandhigay,xukumadana ka codsaday jihadey u socoto badasho

Recommended Posts

Carafaat   

Written by Qaran news

Jul 28, 2012 at 07:38 AM

Sheikh Aden Siro oo fadeexado culculus soo bandhigay,xukumadda Silanyana ka dalbay jihadey u socoto inay bedesho

 

 

Hargysa,(Qaran news)-Sheikh Aden X.Maxamuud Xiirey (Aden Siiro) oo ka mid ah waddaada reer Somaliland,khudbad diiniyana ka akhriya Salaada Jimcaha masaajid Hargeysa Ku yaalla ayaa khudabadiisii shalay kaga hadlay arimo doora oo xasaasiya oo ay ka mid yihiin qadiyada madax banaanida Somaliland,Amniga iyo nabadgelyada dalka,cadaaladarada iyo dulmiga xukumada Siilaanyo kula kacdo dadka jilicsan,Maatida iyo Agoomaha,mashaariic musuqmaasuq oo xukumada Siilaanyo cido ku naasnuujiso iyo kooxo uu ku tilmaamey in khilaafka xamar ka oogan wadwadaan inay hargeysa u soo waaridaan.

 

Sheekh Aden Siiro oo ugu horeyn ka hadlaayey dulmiga iyo cadaaladarada xukumada Siilaanyo ku hayso dadka maatida,saboolka iyo kuwa jilicsan wuxuu yidhi " Maatidu wey inagu dulman tahay, haddii dad meel laga raraayo maatida ayuun baa la raraa oo cidlo lagu daadiyaa,sharcigeenu maatida iyo dadka jilicsan oo keliyuu qabtaa oo lagu fuliyaa hadday is qabtaan kuwo maalka leh,oo kaa hantida leh ayaa loo xagliyaa". Sheekhu wuxuu kaloo yidhi " Waar maatida hala ilaaliyo,haloo gargaaro, waar dadka jilicsan ayeynu masaajidka ku fadhinaaya hala ilaaliyo".

 

Sheikh Aden Siiro wuxuu tusaale u soo qaatey Islaanta suuqa fadhida ee Tamaandhada iibisa ee intaas oo goor kolba dhinac loo jiidho ayaa hadana Shanta boqol ee laga qaado ama laga ururiyo masuuliyiinta Xukumada Siilaanyo Land-cruseiradey wataan ka iibsadaan,wuxuuna intaas ku daray "haduu akhlaaq,diin iyo Qiyam leeyahay wuu lugeyn lahaa waayo weynu ognahay masuul Land-cruiser lahaa muu jirine mid waliba maalintu xil qabto ayuu intaas oo Land-cruiser iibsadaa iyadoo dadku bakhtiyeyaan". Sheikh Aden wuxuu intaas raaciyey "hadii boqolkaas Landcuiser loo xaraasho ciidanka qaranka Somaliland tikniko danbe umay baahdeen ".

 

Sheekhu isagoo ka hadlaaya nabadgelyadu wuxuu yidhi "culimada waxaan leeyahay waar khilaafka Xamar yaalla midaan daawadiisa hayno ma ahee hanoo soo rarina,siyaaysiinta dalka hor fadhidana waxaan leeyahay khilaafka Xamar ha noo soo rarina,ninkii Xamar jecelow ama wadaad noqo ama siyaasi noqo ama ganacsade noqo ama dan kale kalahowe wadada Xamar loo maro iyo halkay ku taal waad taqaan,waxba qoriga dabka leh maatada iyo toolkaa ha kula wareegine Xamar waad taqaan".

 

Sheikh Aadan Siiro wuxuu sheegay inuu somalilandnimada aaminsan yahay wuxuuna yidhi "Somaliland baan ku qanacsan nahay, cidii necebna waa naqaan" wuxuu kaloo Sheekhu yidhi " waxaan leeyahay dadkan Somaliland u dhalan waar edeb iyo nabadgelyo ku jooga wadanka,waa meel aan muslina lagu dhibin laakiin hadii nabadgelyadeeda la taabtaabo dhukumentiyo badan baanu fashilin.

 

Sheikh Aadan maruu si gaara ula hadlaayey xukumada Siilaanyo wuxuu yidhi "xukumada Siilaanyo wax bartood wey qabatey laakiin waxay ku fashilantey qadiyada gooni isutaaga Somaliland, intii yarayed ee aynu ku caano maaley ee laydinku wareejiyey inta faraj kale ilaahay inoo furaayo ha laydinku yimaado ayaan idin leeyahay ayuu raaciyey",wuxuu Sheekhu hadalkiisii ku daray "xukumada Siilaanyo shar badan iyo kheyrba wey fashay oo waxaa soo baxay niman qandaraasyo degta ku wata oo xukumada wax la booba oo waxaa yimi musqmaasuqii oo cilmiyeysan".

 

gunaanadkii Shiekh Adan Siiro wuxuu xukumada Siilaanyo ku gubaabiyey inay amniga dalka oo aad iyo aad u jilicsan adkeeyaan,wuxuu kaloo u soo jeediyey in amniga qaranka loo dhiibo dadka khibrad u leh ee aan lagu fogeyn Rayaaluu u soo shaqeeyay,yaan waxba lagu riixin UDUB buu ahaa iyo rayaaluu u shaqeyn jiray.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this