Carafaat Posted August 1, 2012 Written by Qaran news Jul 30, 2012 at 08:03 PM Burco,(Qaran news)- Gudoomiyaha gobolka Togdheer Cabdoo Aayir, ayaa maanta magaalada Burco kaga dhawaaqay gudi ka kooban 13 xubnood oo uu ku sheegay in ay noqon doonaan gudida dib u dhiska madaarka Burco, arintaasi wax uu badhisaabka gobolka Togdheer uu kaga dhwaaqay kulan balaadhan oo uu isugu keenay xubno uu soo xulay wasiirka madaxtooyada mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan. Gudidani ayaa waxa gudoomiye looga dhigay Xildhibaan Cali Mawliid oo ka mid ahaa xildhibaanadii TFG- ee Sheekh Shariif ee lagu soo dhisay dalka Jabuuti, Cali Maxamed Cali Mawloiid waxa xilkaasi u soo qaban qaabiyay wasiirka madaxtooyada oo ay ilmaadeer yihiin sidaasina waxa aanu ka helnay ilo ku dhow dhow badhisaabka gobolka Togdheer, hase mar aanu isku daynay in aanu arintaasi wax ka waydiino badhisaabka way noo suurto gali weyday. Waa markii u horaysay ee masuul ka tirsan golayaasha qaranka ee Somaliya uu xil ka qabto Somaliland taasi oo ku timid qaraabo kiil iyo nin jeclaysi, had iyo gooraale lagu xanto xukumadda Siilaanyo. Dhanka kalena ma jirto meel uu Cali Mawliid oo ah xildhibaan TFG-ah uu kaga laabtay xilkaasi uu hayay iyo cid uu cafis soo waydiistay, siyaasiyiinta kale ee ka soo jeeda Somaliland ee ka qayb galay maamuladii kala danbeeyay ee Somaliya ayaa dalka lagu xidhay in ay cafis ku soo galaan, kuwooda diidayna ay wali dalka mustaafur kaga maqanyihiin oo ayna dalka soo gali karin, xaga badhisaabka iyo wasiirka madaxtooyadu Xildhibaan Cali Mawliid ay gudoomiye uga dhigeen gudiga madaarka magaalada Burco loo sameeyay maanta. Xildhibaan Cali Mawliid ayaa intii aanu qaadan ama aanu noqon xildhibaan ka tirsan xukumadda Sheekh Shariif waxa uu deganaan jiray oo uu ka tagay dalka Ingriiska gaar ahaan magaalada Sheffield. Xagan hoose ka akhriso magacyadii oo dhamaystiran ee gudigaasi Cali Mawliid gudoomiyaha looga dhigay kuwaasi oo ay ku jiraan madax sar sare oo ka tirsan xukumadda Siilaanyo Cali Maxamed Axmed ( Cali Mawliid)-"Gudoomiyaha Gudidan hoos ku qoran ahana xildhiban ka tirsan TFG Maxamuud Xaashi Cabdi Wasiirka Wasaarada Duulista iyo Hawada Cabdoo Axamed Aayir Gudoomiyaha Gobolka Togdheer Maxamuud Axmed Xasan Maayarka Magaalada Burco XIL Cali Maxamed Xasan (cali *********) Xildhibaan Maxamed Xaji Yuusuf(Waabeye) C/raxmaan Maxamed Timir "Gudoomiye ku xigeen" Yasiin Maxaidemed Shide Sh.C/laahi Daahir(C/laahi baashe) Sh.Maxamed Axmed Yaasin Eng.Faarax Xuseen. Maxamuud Diiriye Xayd Shiikh Yuusuf Cawad. Qaran news Burco Somaliland Quote Share this post Link to post Share on other sites
Carafaat Posted August 1, 2012 Sifirna waxa u ka dhigay Ambassador in Kenya.Xirsi waa rageedi. Quote Share this post Link to post Share on other sites