Sign in to follow this  
Dr_Osman

Puntland 14th Anniversary Bash. Sets Of With A Bang. PICS

Recommended Posts

Dr_Osman   

Sanadguurada 14aad ee asaaskii Puntland (Sawirro)

1 Aug 1, 2012 - 2:44:32 AM

 

 

 

Magaala madaxda Puntland ee Garowe ayaa maanta 1 August ,2012 waxa siweyn looga dhigey dabaaldega munaasabada 14 sanno guurada ka soo wareegtey asaaskii Puntland.

 

Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiraxman Maxamed Maxamuud Farole ,kuxigeenka Gen.Cabdisamad Cali Shire ,gudoomiyaha barlamanka Cabdirashiid Maxamed Xirsi ,taliyaha ciidamada difaaca Puntland Gen.Siciid Maxamed Xirsi ,wasiirada xukuumadda ,mudanayaasha barlamanka ,marti sharaf lagu casumey iyo kumanaan kun oo dadweyne ayaa si wadajir ah uga qaybgalay xuskan.

 

Fagaaraha Barxada Garowe ayaa socod waxa ku marey fardooley ,dhalinyaro ,haween ,ardeyda iskuulada ,kuwa jaamacadaha ,shaqaalaha dowaldda ,barakacayaasha ,ciidamada kala duwan ee Puntland oo dhamaan salaam siiyey madaxweynaha iyo xubnihii wehelinayey.

 

Qiiro wadanimo ,dareen farxadeed iyo damaashaad ayaa hareeyey goobta xafladu ka dhaceysey waxana dabaaldega daadihinayey kooxda Baambeyba ee ka tirsan booliska Puntland.

 

Kadib markii socodku dhamaadey ayaa Dr.Cabdiraxman Maxamed Farole waxa uu la hadlay dadweynihi madasha isugu yimid waxana uu ugu habalyey munaasabada sanadguurada 14aad ee Puntland.

 

Dadaal dheer ayuu tilmaamey madaxweynuhu in loo galay sidi Puntland loo dhisi lahaa iyo horumarka ay ku talaabsatey maanta kadib sanadihii ay jirtey,waxana uu sidoo kale raaciyey in maanta oo kale guul u tahay guud ahaan shacabka Soomaliyeed.

 

Waxa lagu wadaa in weli ka sii socdaan Garowe dabaaldega xuska sanadguruada 14aad ee Puntland iyadoona galabta lagu wado garoonka kubadda cagta Mire Awaare inay ku hardamaan labo kooxood koobka loo dhigey munaasabada.

 

Halkan ka daawo sawirrada munaasabadii ka dhacdey Garowe maanta

 

IMG_3104.JPG

IMG_3115.JPG

IMG_3158.JPG

IMG_3162.JPG

IMG_3167.JPG

IMG_3169.JPG

IMG_3176.JPG

IMG_3181.JPG

IMG_3186.JPG

IMG_3188.JPG

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalia   

Finally something is being done about Gaalkacyo's security problem, also, I don't believe parading soldiers is good, just a peace march is better.

 

Happy anniversary.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this