Sign in to follow this  
Liibaan

VP AbduNuur KHaatumo Delegation Arrives In Mogadishu

Recommended Posts

Liibaan   

Wufuuda KHaatumo State uu Hogaaminayo MadaxWeyne KuXigeenka AbduNuur Biindhe oo Soo Gaadhay Caasimada Mugdisho

 

 

Xubnihii Xulitaanka Xildhibaanada Barlamaanka Khaatumo Oo Soo Gaadhay Muqdisho Iyo Saacadaha Soo Socda Oo La Gudbinayo Xubnaha Barlamaanka Soomaaliya U Matali Doona Khaatumo State {Sawiro}

 

 

Waxaa maanta si heer sare ah loogu soo dhaweeyey magaalada Muqdisho ee xarunta dalka Soomaaliya wafti balaadhan oo uu Hogaaminayo Madaxweyne ku xigeenka Dowladda Khaatumo C/bdinuur Cilmi Qaaji (Biindhe), waxaana waftigan kamid ahaa saddex xubnood ee ka tirsan Golaha Sare ee fulinta Maamulka Khaatumo ee loo yaqaan G10, Wasiirka Arimaha Dibeda ee Khaatumo iyo Wasiirka Madaxtooyada.

 

 

 

Waftigan ayaa waxaa Magaalada Muqdisho kusoo dhoweeyey xildhibaano iyo xubno kale oo kamid ah dadka daneynaya ku biirada xubinimada barlamaanka Soomaaliya ee kasoo jeeda deeganada Khaatumo State.

 

Waftigan ayaa ugu horeyn waxa ay ku nasteen Hoolka VIP da ee Garoonka Aadan Abdulle Osman (Aden Adde) halkaas oo ay ugu sheegeen saxaafada inay u yimaadeen dhamaystirka habka casriga ah ee ay u xulayaan Barlamaanka Khaatumo u matalaya dawladda Soomaaliyeed.

 

 

 

Odayaasha Golaha Sare Guurtida KHaatumo G10 aya kala ahaa,

 

Eng: Maxamed Buraale Faarax.

 

Dr: Suleimaan Cabdi Ducaaleh.

 

Eng: Jaamac Abshir{Juxa}.

 

Halka Madaxda khaatumo ee dawladda ka socotaana ay kala ahaayeen.

 

 

 

Madaxweyne ku xigeenka dawladda Khaatumo mudane Abdinuur Cilmi Qaaje.

 

Wasiirka Arimaha debeda iyo Jaaliyadaha Pro: Xuseen Saleebana Axmed.

 

Wasiirka Madaxtooyada Mukhtaar Camashi.

 

Iyo Maxamuud Cali Jaamac Wasiirkii hore ee xidhiidhka Hogaankii SSC.

 

Saacadaha soo socda ayaa la filayaa inay kulamo cul culus qaataan gudiga loo xilsaaray xulista Barlamaanka, kuwaasoo ka kooban sadexda Gole ee khaatumo State, ee kala ah Golaha sare ee dhaqanka{

GSD}, Golaha fulinta{G10}, Golaha Madaxtooyada.

 

Waxaana haatan la galay shir albaabadu u xidhan yihiin, kaasoo lagaga dhawaaqi doono cida noqon doonta 8 xubnood ee ay yeelanayaa deeganada Khaatumo.

 

Walow aan la hubin in magacyada la heli doono 48 saac ee socda, haseyeeshaa waxaan meesha ka madhnayn in talooyin waa weyn ay ka horeyn doonaan ficilkastoo lagu shaacin doono barlamaanka Cusub.

 

Waxii wara kala soco shabakada caalamiga ah ee Horufadhi.com

 

 

 

119.jpg

217.jpg

43.jpg

38.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

Xubno Ka Tirsan G10 iyo Golaha Madaxtooyada Khaatumo Oo Ku Qulqulaya Caasimada Muqdisho

 

Waxaa maanta si heer sare ah loogu soo dhaweeyey magaalada Muqdisho, wafdi balaadhan oo uu Hogaaminayo..

 

Madaxweynaha maamulka Khaatumo C/bdinuur Cilmi Qaaji (Biindhe), waxaana wafdigan kamid ahaa saddex xubnood ee ka tirsan golaha sare ee fulinta Maamulka Khaatumo ee loo yaqaan G10, Wasiirka Arimaha Dibeda ee Khaatumo iyo Wasiirka Madaxtooyada.

 

Waftigan ayaa waxaa Magaalada Muqdisho kusoo dhoweeyey xildhibaano iyo dadweyne badan oo kasoo jeeda deeganada Khaatumo State.

 

Wafdigan ayaa ugu horeyn waxa ay ku nasteen Hoolka VIP da ee Garoonka Aadan Abdulle Osman (Aden Adde), halkaas oo ay ugu sheegeen saxaafada inay u yimaadeen dhamaystirka habka casriga ah ee ay u xulayaan Barlamaanka Khaatumo u metalaya dawladda Soomaaliyeed.

 

Odayaasha G10 ee maanta soo gaadhay Muqdisho ayaa kala ahaa, Eng: Maxamed Buraale Faarax(Doxore), Dr: Suleimaan Cabdi Ducaaleh iyo Eng: Jaamac Abshir{Juxa}.

 

Saacadaha soo socda ayaa la filayaa inay kulamo la qaataan gudiga loo xilsaaray xulista Barlamaanka, kuwaasoo ka kooban sadexda Gole ee khaatumo State, ee kala ah Golaha sare ee dhaqanka,Golaha fulinta{G10}, Golaha Madaxtooyada.

 

Waxaana wada tashigaa kadib lagu dhawaaqi doono magacyada 8 xubnood ee maamulka Khaatumo u geli doona barlamaanka cusub ee Soomaaliya.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this