oba hiloowlow Posted July 30, 2012 Maalintiyo habeenkii Masiibada dalkaygu Maatadiyo shacabkiyo Masaakiinta haysee Malaayiinta lagu dilo Ma garbaa ma dawbaa Ma waxaan mutaystaa Miyaanan dalka lahayn Kuwa madaxda sheegtiyo Kam mucaaradaayoow Mawlihiin ka yaaboo Marastiyo ciyaalkiyo Masaakiinta dhaafoo Muslinimada dhawroo Mar uun yeesha naxariis Maydka aan la duugayn Madfaciyo rasaastiyo Miinaada qarxaysiyo Macaluusha taallee Madhisaye dadkeenee Ma garbaa ma dowbaa Ma waxaan mutaystaa Miyaanan dalka lahayn Kuwa madaxda sheegtiyo Kam mucaaradaayoow Mawlihiin ka yaaboo Marastiyo ciyaalkiyo Masaakiinta dhaafoo Muslinimada dhawroo Mar uun yeesha naxariis Maleeshiyiyo ******** Mintid iyo muhaajiri Inta midab xun oo idil Marasta iyo maatada Inay madaxa gooyaan Ma garbaa ma dawbaa Ma waxaan mutaystaa Miyaananaan muslin ahayn Kuwa madaxda sheegtiyo Kam mucaaradaayoow Mawlihiin ka yaaboo Marastiyo ciyaalkiyo Masaakiinta dhaafoo Muslinimada dhawroo Mar uun yeesha naxariis Copyright: Oba Quote Share this post Link to post Share on other sites
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar Posted July 31, 2012 Hilowloow, 'copyright' aad sheeganeysid maa naga dhaaftid, otherwise waa isqarxineysaa. I didn't want to put you on the spotlight, laakiin koobirayt aa meesha kusoo qoratay nooh. Quote Share this post Link to post Share on other sites