Sign in to follow this  
Dr_Osman

Somaliland Official Jailed For Piracy

Recommended Posts

Dr_Osman   

b8be0c31d8c923440f8ffc4e5e818d73_xl.jpg

 

Mas'uul Somaliland oo FBI khiyaantay kadib markii Viiso-Casumaad ah loo diray Xabsina la dhigay

 

Saturday, 28 July 2012 15:46

 

Sida ay Xaqiijisay Wakaaladda Wararka ee Associated Press ayaa sheegtay in Agaasimihii hore ee Wasaarada Waxbarashada Sod Cali Maxamed Cali oo dalka Mareykanka ku xeran kadib markii lagu Eedeeyay oo lagu helay eedo la xariira Burcad-badeednimo iyo la shaqeyn uu la shaqeeyay qolyaha Afduubka kula kaca Ajaanibta tagaya Soomaaliya.

 

Cali Maxamed Cali oo ah masuul ka tirsan Somaliland ayaa xafiiska xeer ilaalinta Federaalka Gobolka Virginia ee dalka Mareykanka ku soo oogtay dacwad ah inuu ku lug lahaa afduub loo geystay markad laga Leeyahay dalka Denmark sida ay sheegtay Wakaalada wararka ee Associated Press.

 

Qabashadda masuulkan ayaa timid kadib markii Saraakiil ka tirsan laanta baarista danbiyadda ee FBI-da Ay casuumaad u direen Cali Maxamed Cali si uu u tago dalka Mareykanka iyagoona u sheegay inuu ka qeyb gali doono shir caalami ah oo la xariira waxbarashada Geeska Afrika sidii loo hormarin lahaa kaasoo Lagu qabanaayo Gobolka North Caroline ee dalka Mareykanka.

 

Masuulkan ayaa durbaddiiba ka jawaabay casuumadda loo fidiyay isla-markaana u safray dalka Mareykanka gaar ahaan waxa uu ka dagay Garoonka caalamiga ah ee diyaaradaha ee Dulles International Airport sidaana lagu qabtay markii uu ka soo caga dhigtay Garoonka loona gudbiyay xabsi.

 

Sidoo kale xafiiska xeer ilaalinta ayaa Bishan July ee aanu ku jirno ku soo oogtay agaasimihii hore ee Wasaarada waxbarashada Somaliland Cali Maxamed Cali dacwad kale oo ku saabsan inuu qeyb weyn ka Ahaa kooxaha burcad-badeeda iyo afduubka loo geysto Ajaanibta gar-gaarka u imaanaya Soomaaliya.

 

Hayeeshee Agaasimihii hore ee wasaarada Waxbarashada Somaliland mudane Cali Maxamed Cali ayaa la Filayaa haddii uu dambigaasi lagu soo eedeeyay lagu helo inuu muddan doono xukun Xabsi daa’in ah oo Aan ka noqod la heyn

 

Shacabkamedia:Beyra:Puntland

Shacabkamedia:Runta-Kama-Xishoono

Email:Shacabkamedia@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this