Sign in to follow this  
Dr_Osman

Puntland Ministries Meet To Review And Extend The 5 Year Development Plan.PICS

Recommended Posts

Dr_Osman   

(Sawirro) Wasaaradaha Puntland oo ka shiray Waxqabadka qorshahii horumarineed eek u astaysnaa 5-ta sano.

Posted by PI on July 28th, 2012

 

Garowe(puntlandi.com):- Agasimayaasha guud ee Wasaarada dawlada Puntland ayaa manta shir ka yeeshay Warqabadka Qorshahii horumarneed ee Puntland 5-tii sano ee la soo dhaafay.

 

Kulan balaaran oo manta ka dhacay xarunta wasaarada Qorshaynta dawlada Puntland ee magaalada Garowe islamarkaana ay isugu yimaadaan Agaasimayaasha guud iyo Agaasimayaasha Qorshaynta ee Wasaaradaha Puntland ayaa waxaa aad loogu falanqeeyay Warqabadka Qorshaha shanta sano ee horumarinta Puntland oo soo bilawday sanadkii 2007 kuna ekaa 2011.

 

Maxamed Cali Ismaaciil oo ah Agaasimaha Qorshaynta ee wasaarada Qorshaynta Puntland oo firitaankiis shirkan ka hadlay ayaa sheegay in shirkani looga hadli doono waxqabadka Qorshahan 5-ta sano ee horumarinta Puntland sidoo kalana lagu falanqayn doono qorshe cusub oo 3 sano ah oo la xiriira horumarinta Puntland.

 

Agaasimuhu wuxuu sheegay in aad loo falanqayn doono Qorshahan cusub oo la doonayo in Puntland laga hirgaliyo horumarkeeda uu wado u noqdo iyadoo laga faa’idaysanayo waxyaabihii laga bartay Qorshii 5-ta sano iyo caqabadihii jiray ee laga soo gudbay.

 

“Shirkaan wuxuu googol xaar u yahay Qorshaha la samaynayo 3-da sano ee socda iyadoo laga faa’idaysanayo wixii laga bartay iyo waxii caqabado jiray qorshihii hore ee shanta sano, waxaan u eegi doonaa sector sector, sector kasta waxan eegaynaa 5-ta sano wixii u qorshaynaa wixii ka qabsoomay iyo wixii aan ka qabsoomin” ayuu yiri Maxamed Cali Ismaaciil oo ah Agaasimaha Qorshaynta ee wasaarada Qorshaynta Puntland.

 

Saciid Faarax oo ah lataliyaha Wasaarada Qorshaynta ee dawlada Puntland ka mid ahaa khubaradii Wasaaradu ay u qaadatay soo ururinta waxqabadka Qorshihii 5-sa sano ee horumarinta Puntland ayaa kulankan ka soo jeediyay warbixin dheer oo ku saabsan waxqabadkaasi wuxuuna tilmaamay in wax badan ay qorshahani ka qabsoomeen.

 

Wuxuu kaloo Siciid goobtan ka sheegay in Wasaaradu ay ka diyaarisay bug ka kooban 7 Chepter iyo 23 sub sector Waxqabadka qorshan iyo hadii ay jireen caqabado la wajahay.

 

Waxaa la filayaa inta kulankani uu socdo in Xubnahan wasaarada Puntland ka socda ay isla meeldhigaan Qorshaha cusub ee horumarinta Puntland 3-da sano ee soo socoto iyagoo tixraacaya Qorshihii hore ee 5-ta sano.

 

Puntland Office – Garowe

 

garowe@puntlandi.com

 

www.puntlandi.com

 

 

101.jpg

102.jpg

103.jpg

104.jpg

105.jpg

106.jpg

107.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this