Sign in to follow this  
Dr_Osman

Nesha Rebuilding The Fractured Road-Network In Puntland. PICS

Recommended Posts

Dr_Osman   

Hay’adda Wadooyinka Puntland ee PHA oo soo bandhigtay waxqabadkeeda

 

Updated:- 19 hours ago| 0 Commnets

 

Ku simaha Agaasiamah hay’adda wadooyinka puntland C/nuur Maxamed Jaamca (Gaada Yare ) ayaa Qoraal kasoo baxay xafiiskisa maanta loo qayabiya saxaafada

 

Qoraalkaas ayaa ahaa mid lagu shaaciya Asaaska Hay’adda Wadooyinka Puntland PHA oo haray loo aran Jiray NESHA iyo waliba waxaa ay qabatay Mudadii aya jiratay iyadoo qoraalkaasi loogu faafaahiyay lixdii Bilood ee ugu danbaysaya waxaa ay qabatay hay’adda PHA, Waxaan uu ahaa qoraalkaasi mid u Qorana Sidan

 

Hay’adda NESHA Waxaa la asaasay 1997 mashruucii u horeeyay oo ka koobnaa 36goobood waxay fulisay 1998-1999 (Emergency Repair Work From Bosaso-Galkacyo section). Waxaa maal geliyay EU , US AID iyo PHA/NESHA.

 

Waqtigaa ka dib hay’adda waxay maalgelisay mashaariic kala duwan sida dayactirka deg dega ah (Emergency Road Repair Works) Iyo dayactirka joogtada ah (Routine Maintenance) sidoo kale hay’adda waxay hawlo dayactir ka fulisay jid cadayaasha (improving of Feeder Roads).

 

Waxqabadka Hay’adda.

 

Hay’addu waxay wax ka qabatay January-June 2012 Goobahan:

 

1. Hay’addu waxay maalgelisay dayactirka mashruuca jidka Kalabayr-Birta Dheer (12km) oo ah godad buuxin (Pothole Repair Works)

 

2. Hay’addu waxay maalgelisay mashruuca jidka Kalabayr-Jalam (surface Dressing).

 

3. Hay’addu waxay fulisay mashruuca dhisidda garabka laamiga ee Shire Dhogor Libaax (Embankment).

 

4. Hay’addu waxay mashruuc ka fulisay Tuulada Libow

 

5. Hay’addu waxay maalgelisay mashruuca dhisida garabka laamiga ee ka bur buray laamiga Yaka

 

6. Hay’addu waxay dayactir ku samaysay godadkii ku yaalay meer meerka kuwasoo ahaa kuwo inta badan shilal keena.

 

Baahida Daamurka

 

Hay’adda Jidadka PL waxay u baahantahay 3000 (Sadex kun) oo fuusto Daamur ah si ay u dayactirto bur burka ba’aan ee ka jira jidka ee Dheer ee Garowe-Galkacyo, Daamurkaas waxaa lagu qiyaasay inuu ku imaanayo 3000fusto X $200 = USD $ 600,000 hay’aduna ma awoodo dhaqaale yarida jirta awgeed inay keento Daamurkaas cadadkiisu kor ku xusan yahay.

 

Sahamo (Assessments)

 

Hay’addu, January-June waxay sahan ku samaysay Eyl, Haafuun Jariban, Gara’d iyo Alula sahamadaas oo ahaa Cabirka kala saraynnta dhulka, Xog uruurin, Baahida jidka uu baahan yahay iyo Qiimaynta Jidka waxayna iska kaa shadeen sahamadaas hay’adda Maraykanka ah Ee DAI.

 

Hay’addu waxay daraasad ku samaysay jidka Dheer Ee Laamiga ah si ay u ogaato Bur burka jidka inta uu gaar siisan yahay iyo cabirka jidka waxaana layiraahdaa Sahankaas (Road inventory Network).

 

Gebo Gebo

 

Hay’adda jidadka Puntland waxay markasta ku hawlan tahay dayactirka wadooyinka iyadoo ku tashanaysa dakhliga loo qoondeeyay ( Levy revenue), hay’addu inkastoo awoodeeda dhaqaale uu yar yarahay hadana kama marna inay ka hortagto khataraha kusoo wajaha wadooyinka.

 

Sikasatab ahaatee Hay’adda Wadooyinka Puntland ee PHA ayaa mudooyinkan danbe wada dadaalo ay ku donaysao in ay dhamaan ku dayactirto wadooyinka Puntland

 

Horseedmedia

 

Garoowe

pha6.jpg

DSC01572.jpg

pha5.jpg

pha3.jpg

pha7.jpg

pha2.jpg

sawirada1.jpg

 

Dr-Osman and Puntlanders would like to say to non puntlanders This Puntland Somalia. We have road-signs, stop signs, bus stop signs, turn signals, stop signs, bus shelters, bus stop signs and an active driver license scheme. We rehabilitate our roads here as apart of providing basic government services to our citizens. We are creating new roads in remote towns to connect it to Highway Puntland and also paving up major city road networks.

PHA4.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this