Sign in to follow this  
Umm al_khair

fitnadada nimanka la baxay maxaakim islaamiya iyo makhrajka fitnadaa

Recommended Posts

{fitnadada nimanka la baxay maxaakim islaamiya iyo makhrajka fitnadaa}

 

walaalayaal waxa laga yaabaa inay dadka inbadan khal khal galisay nimanka kasoo daahiray ama kasoo bxay magaalada muqdisho ee la magac baxay{maxaakimta} dadkuna waxay ugu qaybameen

sadex qaybood

 

1 dada xidhiidhiyay oo jeclaaday lana macnoqday

 

2 dad dhex dhexaada oo xdhidhiyay inay xaqa ku waafaqsan yihiin kana bari noqday intay xaqa ku khilaafsan yihiin

 

3 dad iyagu coladiyay colaad dhamaystiran oo aanay wax naxariisi ku jirin ama waxa udabcida dhan kasta rabana inay baabiiyan xita ashkhastoda laayaan dhiigoodana xalaashadaan

 

qolada hore oo an odhan karao waa dad aad u caqli yar waa dad ay taageeradaa ku kalifayso asbaabi

1 jahli ay diint jaahiliin ka yihiin oo aanay garanayn waxa allaah ka yidhi dhiiga iyo inuu yahay dhiigu arin aad u khatara oo aan lagu dhiiran karayn maadaama oo allah uu u shegay ciqaabo sidoo kale rasuulka axaadiithtiisa lagu hayo ciqaabo kale waxa ka mida waxyabaha inaga zajrin kara tageradaa indhaha la.a allaah waxa uu qor,anka ku yidhi qofka daadiya dhiig xaqdaro ku daadaiya sida manta ay samaynayaan maxaakimta dadka ka tirsano waxa lagu abaal marinayaa jahanamo wuu ku waarayaa allah ayaa u cadhoonaya waa uu ka fogaynayaa naxariistiisa waxaanyy allah u diyaariyay cadaab waynn

 

waxa nabiguna yidhi calayhi assalaatu wasalaam

qofka qof aduunkan xaqa daro ku dila kii uu dilaya ayaa qiyaamaha soo qabanaya dabadeeto carshiga ayuu hoos keenayaa waxa uu odhanayaa alloow bal adoonkan naft iga jaray muxuu iiga gooyaya naftayda ii waydii waliba waxa rasuulku yidhi isagoo dhiigu ka da,ayo markaa waxaan odhan laha qoladaa indha la,aanta ku taageraysa u fiirsada waxay samaynayan iyo dhiiga ay xaq darada ku daadainayaa nimanka sheeganya maxaakim e diinta idiinku soo gabanayaa allaah ka baqda malin kasta qof leh allaah ayaa kaligi cibaado mutaystay aay dilayaan waxaad eegtaan qisadan naxdinta leh ee uu soo rarayo walaal walaalaha ka midi

Share this post


Link to post
Share on other sites
Nur   

Ummul Kheir

 

Walaal, marka hore Allaha kaa abaal mariyo ( Abaal fiican) wixii kheir ah ood la damacasan tahay Muslimiinta, Allahana kaa cafiyio wixii xad gudub ah ood ku xad gudubtay dad Muslimiin ah, adoo wanaag raadinaya ducadaas adiga iya annagaba Allaha naga wada aqbalo , amin.

 

Walaal,

 

Ilaa iyo hadda ma xasuusto inaan akhriyay qoraal aad ka qortay nimanka la baxah TFG, iyo fitnadooda, ama aad dadka uga digtay, annagoo wada og meesha ay na gaarsiiyeen iyo cadowga ay waddankeenna keeneen oo maanta dadkeenna qaarkood laga dhacsiiyay iney yihiin walaalaheen, anana la isku kaaya diray.

 

Hadaba, waxaa fiican qofka dadka waaninaya inuu marka hore miisaamo mowduuca miisaan sharci ah. Maanta waddankii waxaa ka dhalatay nabad ballaran oon jiri jirin 16 toban sano ka hor, nabaddaasna waxaa hortaagna nimanka TFG oo ah badankood dada dhiig badan daadshay, welina aan ka dhargin dhiigga ummadda iyo dhibaatateeda.

 

Sidaad ogtahay, kacdoonka ummadda waxaa hor kacay Maxaakim isu tagtay markii nimanka TFG iyo kuwa ku shaqeysta ay bilaabeen iney iibiyaan dhiigga wadaaddada kuna gataan lacag yar, dabadeedna ay damceen iney (Wholesale) ku iibiyaan wadaaddada, taasoo ay ka qaateen lacagta cadow diinteenna oo diiddan inaan ku hoos noolaanno diinteenna islaamka ah ee xaniifka ah.

 

Warlords-yadii ayaa waxaa la soo siiyay lacag lana abaabulay iney sameyaan urur la dagaallama wexey ku magacaabeen Argagaxis. Ayagoo ay Warlords-ku qudhooda yihiin kuwa argagaxa ummadda ku hayay muddo dheer oo 16 sanadood ah.

 

Markaas ayaa wadaaddada ka kaceen hurdada, oy sameysteen urur maxaakimta islaamka ah, maxaa yeelay siduu Alla yiri, kuwa gaaloobay wey isu hiilliyaan, haddeydan isu hiillin , waxaa dhulka ka dhacaya fitnad iyo fasaad weyn.

 

Sidaa darteed fitnada waa in aan laga hortagin baadilka. Waxa looga hortago baadilkana waxaa ugu weyn in la hirgaliyo sharciga Allah. Ururka Maxaakimtana waa dad naftooda iyo maalkooda u huray sidii aad adiga diintaadii ugu noolaan leheyd adoon ka baqin in Xijaabka lagaa qaado, maxaa yeelay nimanka maalgeliya TFG waa nimanka diiddan suuradda Islaamka iney ku shaacdo dunida oo waddamadooda u diiddan Xijaabka oo matalaya suuradda qurxan ee diinta Islaamka.

 

Hadaba, haddii maanta ay dhacday nabad, oo maanta ay diinta ku walaaloobeen dad qabiil lagu kala qaysbshay, taas ma fitnad baa walaalo?

 

Haddaad maanta adigoo haween ah aadan naftaado u baqeyn saq badhkii haddaad socoto, taasna ma fitnad baa?

 

Haddaad, Maxkamadaha u geysato warqadahaagii mulkiyadda gurigaaga, oo lagaaba bixiyo gurigaaga dadki xoog ku dagganaaa, taasna M fitnad baa?

 

Haddii Muqdisho wasakhdii 16 Sano laga nadiifshay, Taasna ma fitnad baa?

 

Haddii lagu dhawaaqay in Sharciga Allah oo qudha oo noqonay kan la isku xukumi doono, Taasna ma fitnad baa?

 

Haddii, aad awooddo inaad xataa wax ka sheegto maxkamadah adoon naftaada u baqeyn , taasna ma fitnad baa?

 

 

Walaalo, Rasuulka wuxuu ku duceysan jiray,

 

 

Allow, wixii xaq ah , noo tusi iney xaq yihiin.

Dabadeedna, nagu arzaaq inaan raacno xaqaas.

 

Allow, wixii baadil ahna noo tusi iney yihiin baadil,

Dabadeedna, nagu arzaaq inaan ka weecanno (leexanno, ka fogaanno.)

 

 

Xadiithkaas waxaa ka muuqda in :

 

1. Xaqqa aan la wada arkin, oo in la arko ay tahay nicmad.

2. In haddii nala tuso aan la wada raacin, oo raacidda xaqa ay tahay nicmad labaad.

3. In haddii aan raacno xaqqaas ay dusheenna ahaatay, nicmad weyn oo u baahan mahadnaq.

 

Intaasoo kalena waa baadilka.

 

 

Hadaba, markaan usoo laabanno qaladaadka dhaca marka xaqa la rabo in la sameeyo, waa wax dhaca:

 

Dadku waa dhowr nooc.

 

1. dad raba iney kheyr sameeyaan oo haleelay

2. dad raba iney sameeyaan kheir oo qaldamay

3. dad raba iney sameeyaan shar oo haleelay

4. dad raba iney sameeyaan shar oo qaldamay ( oo qeyr Sameeyay)

 

-Maxaakimtu waaa labada hore. Shaki kuma jiro iney soo raaceen dad badan oo ka harey mooriyaannimo, qaarkoodna ay si dhab ah u towbo keeneen, qaarna ay dan u raaceen markey arkeen mowjadda socota. laakin, marna ha illaawin meesha wax u socdaan, oo ah in Shareecadda ay wax walba ka sarreyso, taasoo ah xaq soo baxay oo mar labaad aan si sahal ah lagu aasi karin. Dhiig daadintuna marna waa xaq, marna waa makruuh, marna waa baadil. Haddey niyaddu quman tahay ooy Allah oo qudha dartiis u dagaallameyso, ooy qalad ku dhacdo wexey la mid tahay dilkii Usaama rasuulka uu ku eedeeyay, oo u ku qaldamay dilkii ninkii ashahaatay markuu naftiisa u baqay. Laakin waxaan shaki leheyn in dhaqdhaqaaq walba u leeyahay ceeb iyo wanaag, waxaa loo baahan hayah in miisaanka u bato dhinaca kheyrka, maxaa yeelay somalidu wexeyb triaah

 

" Dadku kuma wada amaanaanee, yaaney kuw wada caayin"

 

 

-Qolada TFG waa tan seddexaad (3. dad raba iney sameeyaan shar oo haleelay)

-Mareykana waa Tan afraad.( dad rabay iney sameeyaan shar oo qaldamay ( oo qeyr Sameeyay), maxaa yeelay haddeyn taageeri leheyn Warlordska, Maxkamaduhu waxaa lagaa yaabaa ineyan soo bixi leheyn)

 

 

Allah wuxuu ku leeyahay suuradda Tawba asagoo ka hadlaya sifaadka labada qoloo dambe kuwa leh:

 

" Wexey damceen Fitnad iney dhaliyaan, arrimahana wey (KUU) geddiyeen, ilaa uu soo baxay amarkii Allah, Xaqiina soo caddaday , ayagoo neceb oo diiddan"

 

Sida aayadda ka muuqata, TFG bohol bey nagu tuurtay, ciiddina waa nagu rogtay, ayagoo damacsan fitnad, laakin, Allah ayaa wuxuu leeyhay, QALLABUU LAKA, oo macneheedu yahay, dhagartoodii ayaa ku anfacday oo markey wax rogrogeen, waxaa soo baxay xaqii iyo amarkii Allah ( Shareecada), ayagoo neceb raacidda shareecada.

 

Walaal waxaan nahay ummad la isku diray, oo sheidaan ka dhex shaqeystay, laakin allah ugu naxariistay inuu noo soo saaray walaalo hogaamiyay inta taagta daran iney ka kacan sarreeyaan kuwa la saftay oo wali ka yeeshay kuwii nacay wixii Allah soo dajiyay oo ah Shareeacada iyo Sunnadiisa.

 

 

Nur

Share this post


Link to post
Share on other sites

laga yaabaa inay dad badan ka khaldamaan manhajka ay haystaan nimanka haysta amasheeganaya inay u cumaamateen dhiig daadinta ama cuniga xoolaha dadka goomaha dadka jilicsan laynta dadka iyadoon hubsimo jirin manhajkoodu muxuu yahay

1,shariifka ama hogaamiyaha foojariga ah ee dhiig daadiyayaasha

waxa weeye janan ama {GENERAL}ka tirsan ciidamadaii somalia ee afwayne ama siyaad barre markay baaba,adayna waxa uu u biiray nimanka loo yaqaano islaaxa ama {jamaacatu islaax}waa nin khilaafsan waxay ku dul sugnaayeen salafkii madana haday tahay dhiiga iyo siday uga baxasan jireen inay daadiyaan iyo haday tahay dhan kastaba

 

2,xasan daahir aways oo ahaa isna janaraal ama nin gumaadi jiray dadkaa

 

waxa ka mid ah gacan-ku-dhiigle Xassan Turki oo dad badan oo reer Somaliland ah ku xasuuqay Tuulada Haro-Sheikh sandkii 1989-kii. waxa baadhitaan luqu ogaaday in agoontii uu Abayaashood xassan Turki ku xasuuqay Haro-sheikh ay joogaan oo ku dayacanyihiin degmada Odweyne iyo Duleedada Togdheer

wax kale oo Cimaamada isku qarinaya oo Bustaha hoostiisa ku jira Cabdiqaasim Salaad oo la wada ogyahay ninka uu yahay

waana masuulkii saxeexay warqadii lagu fuliyey xsauuqii Xeebata Jasiira ee lagu laayey dhalinyaradii Reer sheikh Isaxaaq sanadkii 1989

Haddii xaaladda la isku soo duubo waxay noqonaysaa danihii guracnaa ee kursi-raadiska ahaa, dhaqaale-doon iyo awood raadin cimaamad loo soo huwaday ama Toob gaaban loo soo xidhay, waxay maxkamadudu ka dul xidhanayaa shaadhkii qabqablenimada iyo kii qabiilka Qamiis weyn oo ay doonayaan in ku kaldaan dadka caadifiga ah ee aan meel fog wax ka eegi karin iyo dadka diinta jecel ee daacada ah. Waayo wax isbedelay ma jiraan, wax horumar ah iyo maamul ah oo meelihii ay qabsadeen ay ka hirgaliyeen ma jiro, haba u horayso Magaalada Muqdisho, wali wey yaacayaan oo meelo ayey ku duulayaan.........Mogdishuna wey dayacantay oo maamul ma leh, dadkii ku noolaana Cabsi iyo Gaajo ayaa ku habsaday

 

waxaan ka xumay ninka masuulka sheeganaaya ee Maxkamdaha u hadlay isaga oo leh (Dadka reer Somaliland waxa ay Diinta Islaamka ka Yaqaanaan Heesaha Nabi Amaanka ah) Runtii waa wax lagu xumaado hadalkaa uu ku nisbeeyey Culimada iyo qoomiyada reer Somaliland, ninkaa wadaadka sheeganayaa

Dadyahaw Diinta Islaamka waa ku dhalateen, waana ku dhaqanteen yaan la idin jaah-wareerinin oo Al-itaaxaad idinka fushanin u jeedooyinkooda

Diinta Islaamku waa naxariis iyo nabadgalyo Ilaahay....subxaana wata caalaa uu idinku manaystay oo Nabagii Subanaa ee Maxamad ahaa naxariis iyo nabad galyo kurkiisa ha ahaatee uu idin soo gaadhsiiyey. Diinta Islaamku maaha maanta mid aa u daba-fadhiisanaysaan Daahir Aweys iyo gacan-ku-dhiigle Xassan Turki

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wararkii ugu danbeeyey ee laga soo naqliyey kacdoonka qudbiyiinta.....

 

Naxariis darada ahaa ee ay ku kaceen Maleeshiyadooda.

 

{Bu'aale}01-11-06 Waxay ahayd arrin aad loo la yaabay markii Maleeshiyada Maxkamadaha Islaamiga intii ay gudaha u galeen goob caafimaad oo ay jiifeen Maleeshiyaad Daacad u ahaa Col Barre Hiraale kadib intii ay la soo baxeen rasaas ku fureen halkaas oo sida la sheegay ku naf waayeen ilaa iyo dhawr Maleeshiyo oo xilligaas bukaan ahaa.

 

Guddoonka Sare ee Maxkamadaha Islaamiga ayaa ka hadlin falkaas oo loo baahan yahay in kuwii geystay la horkeeno sharciga Islaamka, mana dhicin falkan oo kale mudadii dagaalada sokeeye dalka ka socdeen.

 

Waa wax lala yaabo oo laga naxo in qof dhaawaca oo dagaal lagu soo qabtay haddana isagoo Isbitaal Jiifa la dilo ayuu yiri mid ka mid ah Saraakiisha hayadaha u dooda Xuquuqda Aadanaha.

 

Hayadda Elman oo ka mid ah hayadaha ku howlan Xuquuq Insaanka ayaa cambaareysay falkaas waxayna ka dalbatay Maxkamadaha Islaamiga in sharciga la horkeeno kuwii ku kacay falkaas.

 

Sheekh Ibraahim Shukri (Abu Zeynab ) oo afhayeen u ah golaha maxkamadaha islaamka Soomaaliya ayaa isagu horey waxa uu u qirey eedeymaha loo soo jeedinayo Maxkamadaha islaamka ee ku aadan dilka maleeshiyooyinkii dhaawacyada qabay, waxaana uu sheegay in falkaasi ay u qabteen labo nin oo loo tirinayo in ay yihiin kuwii geeystay

 

Wararka kale

 

siday ahayd ayaan kusoo raray markaa waaalayaal waxaasi ma wax la xamili karaa allaah halaga baqdo oo waxa sidaasoo kale ah yaan layska dhaga marin waa wax aanay samayn xitaa gaaladu "subxaanahu atacaalaa camma yaquuluuna culiwan kabiiraa"

 

maxaakiimtu wahay ku khaldan yihiin waxyaabo badan

 

1 caqiidada aadka u kala duwan ee ay haystaan dadka sian ugu kla tagsan caqiidada lagama yaabo inay keenaan wax midha dhaliya hadii su,aal la waydiiyo oo lagu yidhaahdo oo hadaa abada maanta yaa keenay siday u midha dhashay waxay ku jawaabayaan jawaabo kala duwan

 

annagoo allaah talo saaranayna walal maxaakimtu intay isku tagen may odhan aan qabqablayaasha inala qaybsaday ama inala haysta magalada aan isak sarno dadkana aan u talina fikradaasi xitaa kumay dhalan laakiin waxa eeay markii maraykanka iyo wadamada kale oo somalida danta gaarka ah ka laha sida kiniya itoobiya america iyo wixii soo raaca ay dhoob dhoobeen ama kool kooliyeen nimankii la magac baxay{isbahaysiga la dagaalanka argagixisada}

 

oo ahaa niman aan caqli badan lahayn gaalana ku adeegsanaysay waxay sameyen shacabku inay kacaan o ay la dagaalamaan nimankaa oo loo arayay xaqiiqaduna ahayd inay dadka diinta leh la dagaalamaan waana jabeen laakii taa laguma gaabsane marii shacbkii kacay waxay sameeyeen nimankii itaxaadka aha ama akhwaanka ahaa inay fidsadaan wadanka ama dhulka ay ka taliyaan kuna fidaan wadanka intii kale allaah ayaan waydiisanaynaa inuu hanuuniyee

 

2 waxay ku timid nabadu doonista allaah thuma doonista indheer aradka iyo sacabka oo ilaa maanta dawlad ama maamul sax ahi kama jiro meelhay ka taliyaan {maxaakimtu}

 

3 waxay heleen cid u jajaban o dagaal ahaan iyo hu ahaan iyo ciidan ahaanba ku caawisa sida wdamada gaalada iyo caamada oo aad ayay lacagtii uga dhameeyeen

 

 

hadaba walalayaan wxaan aad io aad ula jeclaan lahaa walaalaayda islaamka ah inay ka digtoonadaan war marka u u yimaado waayo allaah ayaa yidhi

 

{kuwa alaah rumeeyayoow hadii uu idiin yimaado war uu idiinla yimaado faasiq iska hubsada}

 

markaa fisqigab wxa ka dran bidcada

 

marka dhamaantiin waxaan idiin dardaarmayaa allaah inan ka baqano kuna dadaalo diinta islaamka ku dhaqan keeda

Share this post


Link to post
Share on other sites
Nur   

Ukhitii Ummul Kheir

 

Allaha kaa yeelo, hooyadii kheirka, qoraalladada ka ma muuqato qof ku wanaajinya malada Muslimiinta, taasoo ah manhajkii Salafka ay kaa muuqato inaad jeceshhahay.

 

Walaalo, waxa dhacaya labo aragtii ayaa lagu eegi karaa:

 

1. Aragti dhow, oo haddaan kulligeen ka ficiltoonno waxaan maqalnoo dhan ama akhrinnoo dhan, aannaan weligeen wanaag dambe dhalan doonin oo la kala socon doono.

 

2. Aragti fog. Tassoo laga eegayo waxa dhacay meel sare, maxaa yeelay haddaad ka eegto mashaakil dhacaya meel hoose, waxaad noqoneysaa qayb ka tirsan mushkiladda, mana aad ahaaneysid qofkii wax hagaajin lahaa.

 

Walaal. Allah wuxuu nagu faray aayad Quraan ah xikmad, Rasuulka SAWS waxaa laga soo wariyey laba xadiith oon dareensanahay inaad u baahantahay inaad xasuusato markaad wax qoreysid.

 

 

Allah wuxuu yiri:

 

Kuwii Allah rumeeyayow, haduu idiin keeno faasiq khabar, hubsada, si aydaan dad (aan dambi leheyn) aydan meel uga dhicin, oo (markey runta soo baxdo) aydan ka shallayin waxaad ku dhaqaaqdeen.

 

Rasuulkeenana waxaa laga soo wariyey:

 

1. Qofkii Allah rumeysan iyo maalinka aakhiro, kheir ha sheego ama ha aamuso.

 

2. Been waxaa qofka ugu filan inuu wax walboo uu maqlo uu sheegto (asagoon xaqiijin)

 

 

Walaal, Sheekh Daahir waa nin qofkii yaqaan uusan ka sheegin waxaad ka sheegtay, aadna waad ugu qaldantay, haseyeeshee, ogow in haddaad waxaad ka sheegtay ay been tahay in camalkaaga wanaagsan miisaankiisa loo saarayo in u qalanta qaladka aad ka gashay.

 

Waxaa kale uu qoraalkaaga iiga muuqda deg-deg , iyo in aadan hubin waxaad qoreyso, hadaba Allah ka baq, ogowna waxaad ku hadleyso inaad Allah hortiisa uga jawaabi doontid.

 

 

Nur

Share this post


Link to post
Share on other sites

allaah ayaan waydiisanayaa inuu inaga dhigo daad xaqa waafaqa, xasan daahir xaqiiqadiisa waan naqaanaa waxaanad iska yeel yeelaysaa hadalka ama jawaabta jaahilnimo ama tajaahulin

dhagayso wuxuu ku hadli oo ah inay tahay sida

wuxuu yidhi

 

[somalida dhiigoodu waa noo xalaal inaan daadinaana waa mid saxiix ah waanan ubaahanahay inaan la dagaalo somalidu waa gaalo waana sanaadiqo waa isku mide waana dad diinta allaah aan ku dhaqmin dhagayso wakan hadalkiisiiye halkaa ka eeg}

 

http://maktabada.com/Duruus/Axmed_Ciid/xasan_dahir.ram

Share this post


Link to post
Share on other sites
Nur   

Ummul Kheir

 

Ma maqal waxaad sheegtay, iimana furmin linkiga, hadalkana sidaad u soo gudbisay wuxuu u egyahay hadal ka baxsan CONTEXT kii lagu yidhi, haseyeeshee, haddeyba dhab noqoto, ma jiro qof aan qaldamin, oo kulligayo waxaan u nahay ehel qalad, laakin cadaallada waxaa ka mid ah inaad soo gudbiso wixii wanaagsan oo uu ku hadlay, haddadan colaad gaar ah u qabin Sheekha, si aan isugu miisaanno hadalladiisa oo dhan, min fadlak hadalladiisa kale ee fiicanna noo soo gudbi linkigooda ama noo soo qor si ay noo caddaato suuraddiisa oo dhan.

 

Aniga, Shiikha , iyo Maxkamadaha ma difaaco, waxaan difaacaa Islaamka, qofkii Islmaaka la jirana waan la jiraa, qofkii islaamka tiirarkiisa jajabiyana waan ka soo horjeedaa, dadkuna wexey ii kala xigaan hadba sidey diinta ugu dhowyihiin, hadba kuwii diinta u dhow ayaan taageerayaa.

 

Somaliduna gaalo wey leedahay, kulligoodna Muslim ma wada aha, Somaliaonline ayaad ka heli kartaa qoraallo cadcad oo ay ku sheegayaan iney diinta ku jirin, waxaan intaas kuu dheer kuwa kirishtaamay, ama aan diin heysan aan aheyn Qabiil, dartiina u dhinta una halgama.

 

Marka hadduu Shiikha sheegay iney Somali gaalo tahay, hadalkaas wuxuu ula jeedaa kuwa shereecada ay sheegtay iney ka baxeen diinta markey daba kaceen kuwii nacay wuxuu Allah soo dajiyey, Allah ayaana ku sheegay Suuradda Muxammad in Qofkii naca Allah wuxuu soo dajiyey , ama ku raaca kuwii nacay wixii Allaha soo dajiyey xataa talooyinka qaarkood, camalkooda oo dhan iyo diintooda iney burburto . Marka hadduu shiikha sidaa ula jeeday ma khilaafsana Sayyid Muxammad Cabdalle Xassan, Allaha u n axariistee markuu ku gabyay:

 

Naakhuudeyaal iyo kufraad Nabiyo Mooddeene

Nacalluhu kuwuu fuulay baad Nacam tiraahdeenee

Naagow u tihiin gaaladii Nalashka weyneedee

Nasab haddad tihiin Galadaad Nici Leheydeenee.

 

 

Shiikana, ma matalo Islaamka, waa addon Allah oo diinta u shaqeynaya, waxaana loo doortay Guddoomiye maxaakimta Sharciga allah ku oogta dhulka Allah, waana laga qaadi karaa Masuuliyadda haddey ku caddaato inuu la yimid wax diinta ka baxsan, laakin marna adiga kuuma eka inaad taageeradaada aadan siinin qolada qudha ee maanta u taagan iney shareecada Allah ku xukumaan ummadda Somalida.

 

Walaalo, Hadalkaaga miisaan, ogowna in eray walba ood qorto aad allah la hortagi doonto, hadaadan hubsan waxaad leedahay, dambi weyn ayaa kaa soo gaarayaa, Allah wuxuu leeyahay:

 

" Yaaney idinku xambaarin naceyb aad dadka (qaarkood) u qabtaan, inaad cadaalada ka tagtaan, Cadaalada ku dhaqma, taasaa u dhow TAQWO ( inaad naftiina naarta ka fogeysaan)"

 

 

Nur

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this