Sign in to follow this  
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Ana hadda kooye

Recommended Posts

Gen Maxamed Nuur Galaal oo Noqodey Musharaxii 46-aad oo Isu soo Taagay Musharaxnimada Madaxweynaha Soomaaliya

 

galaal.jpg

 

Gen. Maxamed Nuur Galaal oo ka mid ah Saraakiishi soo martay ciidanka Xogga Dalka Soomaaliyeed ayaa ka mid noqday musharixiinta u taagan qabashada madaxtinimada Soomaaliya.Gen Galaal oo ka hadlayay munaasibad si heer sare ah loo soo agaasimay oo ay ka soo qayb galeen Boqolaal taageerayaashiisa ah ayaa halkaa ka jeediyay khudbad dheer oo uu kaga hadlay hadafkiisa siyaasadeed waxa uu doonayo inuu haatan ka qabto dalka Soomaaliya.

 

Gen Maxamed Nuur Galaal ayaa sheegay inuu waaya aragnimo dheerad ah u leeyahay arrimaha Soomaaliya in ka badan afartan Sanno uu ka soo shaqeynayay hawlaha ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed. Galaal ayaa xusay haddii uu ku guulaysato madaxtinimada Soomaaliya inuu wax ka qaban doono waxyaabo fara badan gaar ahaana dhinaca horumarinta Dhaqaalaha, siyaasadda iyo tacliinta.

 

Gen. Maxamed Nuur Galaal ayaa intaa ku daray in Shacabka Soomaaliyeed uu ka gudbin doono ama ka tallaabin doono dhibaatooyinkii soo wajahay sanooyinkii dhowrka ahaa ee dalkan uu ku jiray burburka.Gen. Maxamed Nuur wuxuuna ugu yeeray shacabka Soomaaliyeed midnimo iyo cadaalad isagoo si gaar ahna ugu jeediyay mahadnaq taageerayaashiisi munaasibaddaas ka soo qayb galay isagoona u rajeeyay guul ololahiisa uu isu soo sharraxayo madaxweynaha Soomaaliya.

 

Musharaxnimadaan uu Gen. Maxamed Nuur Galaal isu soo sharaxaya jagada madxweynaha Soomaaliya ayaa waxaa ay ka dhigaysaa Musharixii
46aad
ee isu soo taiga jagadaas iyadoo ay jiraan Musharixiin aad u fara badan oo isu soo taagaya musharaxnimada madaxtinimada Soomaaliya.

Xigasho

 

Waxaa u maleynaa inay kor u dhaaftay 50 hadda.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Saalax   

I think there should be a rule that any candidate that wants to run for the Somalia presidency has to pay up front $500,000 and that money should be donated to the people affected by the war and feminine. That way you limit the number of candidates and also help the poor in Somalia.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this