Saalax Posted July 23, 2012 Anigu Xamar Maan Tagin,Mana Tagayo,Umana Socdo Wax Ii Yaalaana Ma jirto.Wasiir Ku Xigeenka Caafimaadka Nimco Xuseen Qawdhan Hargeysa(WNN):-Wasiir ku xigeenka wasaarada caafimaadka Somaliland marwo Nimco Xuseen Qawdhan ayaa waxaan jirin ku tilmaantay inay ka degtay caasimada wadanka Somaliya ee Muqdisho. Wasiir ku xigeenka oo maanta warbaahinta kula hadlaysay xafiiskeeda magaalada Hargeysa waaxa kale oo ay sheegtay inaanay suura gal ahayn inay tagto magaalada Muqdisho,waxaanay tilmaantay inay sharciga la tiigsan doonta cidii faafisay warkaasi. Ugu horay wasiir ku xigeenka caafimaadka marwo Nimco Xuseen Qawdhan oo ka hadlaysa warkan laga faafiyey ee sheegaya inay ka degtay magaalada Muqdisho ayaa waxay tidhi warka sheegaya in aniga oo ah wasiir ku xigeenka caafimaadka Somaliland aan ka degay magaalada Muqdisho, runtii warkaasi waa mid aan sal iyo raad toona lahayn, waana wax laga khajilo in wararka noocaas ah laga faafiyo masuuliyiinta qaranka,markii aan warkaa arkay kamaan nixin laakiin aad ayaan uga khijalay waxa umada loo galinayo warbaahinta. Wasiir ku xigeenka caafimaadka Somaliland marwo Nimco Xuseen Qawdhan oo hadalkeeda sii wadata ayaa waxay sheegtay inaanay marna ka dagi doonin magaalada muqdisho Anigu Xamar maan tagin mana tagayo umana socdo wax ii yaalaana ma jirto, waayo aniga somaliland ayaan ku noolahay oo aan deganahay umadayda ayaann u shaqeeyaa oo aan karaamo ku leeyahay, Somaliland iyo Somaliya-na hore ayey u kala socdeen wax layskugu noqonayaana ma jirto Sidoo kale wasiir ku xigeenka caafimaadku waxay sheegtay inay sharciga la tiigsan doonto cidii ka faafisay warkan waxaanay tidhi runtii anigu kaga hadhi maayo cidii warkan qortay laakiin waxaan ka rabaa halka ay ka keeneen oo cadayn leh, xeer ilaalintana waan u gudbinayaa kama hadhayo ilaa aan helo halkii uu warkaasi ka soo baxay Sidoo kale wasiir ku xigeenka caafimaadku waxay fariin u dirtay shacabka somaliland waxaanay sheegtay inaanay waxba iskugu hadhin Somaliland iyo Somaliya shacabka Somaliland gudo iyo dibad-ba meel kasta oo ay joogaan waxaan u sheegayaa Somaliland wax Somaliya u yaala oo ay ka raadinaysaa ma jirto qofkii dan shakhsiya u leh ee tagayaa isaga ayey u taalaa laakiin xukuumad ahaan aniga oo afkii xukuumada ku hadlaya wax siyaasada xamar ka socota iyo loolanka ka socda noo yaalaa ma jirto waayo umada ayaanu xil u haynaa, mansab umadu leedahay ayaanu ku fadhinaa,qaran nabadana waanu haysanaa. Somaliland iyo somaliya hadh cad ayey kala socdeen markaa maanta wax aan aniga iyo qayrkayba ugu hanqal taagnaa waxaan u malaynayaa inaanay jirin Wasiir ku xigeenka caafimadka somaliland marwo Nimco Xuseen Qawdhan waxay warbaahinta kula dardaarantay inay ka fogaadaan wararka aan jirin isla markaana ay umada u gudbiyaan warar xaqiiqadda ku salaysan. Idil maxamed saleban Warkanews Hargeisa office Quote Share this post Link to post Share on other sites
Saalax Posted July 23, 2012 http://oodweynenews.com/news/188684-anigu-xamar-maan-tagin-manatagaayo-umana-socdo-qorshana-iguma-jirto-wasiir-ku-xegeenka-caafimaadka.html Quote Share this post Link to post Share on other sites
Saalax Posted July 23, 2012 Somalia;852608 wrote: Is Xamar haram? No. But she is a minister of Somaliland clarifying the story of her going to the capital of a neighbouring country is false. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Carafaat Posted July 23, 2012 The Somaliland Ministry of Health works in close cooperation with the TFG Ministry of Health. And they are right to do so, the only way they can make power fist against those INGO's/UN agencies. And they are right to do so. P.S. They should have asked her, if her Director General went to Xamar. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Che -Guevara Posted July 23, 2012 lol@qowdhan Quote Share this post Link to post Share on other sites
Showqi Posted July 23, 2012 Her position is not that importent, since she is Wasiir ku xigeen:p. Lests hear what the actual Wasiir have to say....... Quote Share this post Link to post Share on other sites
Carafaat Posted July 23, 2012 Showqi, the Somaliland Minister is on the right, in the middleis the Minister of the TFG. I like the Somaliland Ministry of Health, they are progressive and innovativly working fort the people. Kuddos to Xoogsade, Qowdhan and Khadar. well done. Quote Share this post Link to post Share on other sites