Sign in to follow this  
Saalax

Anigu Xamar Maan Tagin,Mana Tagayo,Umana Socdo Wax Ii Yaalaana Ma jirto… :Wasiir Nimco X. Qadhwan

Recommended Posts

Saalax   

Anigu Xamar Maan Tagin,Mana Tagayo,Umana Socdo Wax Ii Yaalaana Ma jirto.Wasiir Ku Xigeenka Caafimaadka Nimco Xuseen Qawdhan

 

Hargeysa(WNN):-Wasiir ku xigeenka wasaarada caafimaadka Somaliland marwo Nimco Xuseen Qawdhan ayaa waxaan jirin ku tilmaantay inay ka degtay caasimada wadanka Somaliya ee Muqdisho.

 

Wasiir ku xigeenka oo maanta warbaahinta kula hadlaysay xafiiskeeda magaalada Hargeysa waaxa kale oo ay sheegtay inaanay suura gal ahayn inay tagto magaalada Muqdisho,waxaanay tilmaantay inay sharciga la tiigsan doonta cidii faafisay warkaasi.

 

 

Ugu horay wasiir ku xigeenka caafimaadka marwo Nimco Xuseen Qawdhan oo ka hadlaysa warkan laga faafiyey ee sheegaya inay ka degtay magaalada Muqdisho ayaa waxay tidhi warka sheegaya in aniga oo ah wasiir ku xigeenka caafimaadka Somaliland aan ka degay magaalada Muqdisho, runtii warkaasi waa mid aan sal iyo raad toona lahayn, waana wax laga khajilo in wararka noocaas ah laga faafiyo masuuliyiinta qaranka,markii aan warkaa arkay kamaan nixin laakiin aad ayaan uga khijalay waxa umada loo galinayo warbaahinta.

 

Wasiir ku xigeenka caafimaadka Somaliland marwo Nimco Xuseen Qawdhan oo hadalkeeda sii wadata ayaa waxay sheegtay inaanay marna ka dagi doonin magaalada muqdisho Anigu Xamar maan tagin mana tagayo umana socdo wax ii yaalaana ma jirto, waayo aniga somaliland ayaan ku noolahay oo aan deganahay umadayda ayaann u shaqeeyaa oo aan karaamo ku leeyahay, Somaliland iyo Somaliya-na hore ayey u kala socdeen wax layskugu noqonayaana ma jirto

 

Sidoo kale wasiir ku xigeenka caafimaadku waxay sheegtay inay sharciga la tiigsan doonto cidii ka faafisay warkan waxaanay tidhi runtii anigu kaga hadhi maayo cidii warkan qortay laakiin waxaan ka rabaa halka ay ka keeneen oo cadayn leh, xeer ilaalintana waan u gudbinayaa kama hadhayo ilaa aan helo halkii uu warkaasi ka soo baxay

 

Sidoo kale wasiir ku xigeenka caafimaadku waxay fariin u dirtay shacabka somaliland waxaanay sheegtay inaanay waxba iskugu hadhin Somaliland iyo Somaliya shacabka Somaliland gudo iyo dibad-ba meel kasta oo ay joogaan waxaan u sheegayaa Somaliland wax Somaliya u yaala oo ay ka raadinaysaa ma jirto qofkii dan shakhsiya u leh ee tagayaa isaga ayey u taalaa laakiin xukuumad ahaan aniga oo afkii xukuumada ku hadlaya wax siyaasada xamar ka socota iyo loolanka ka socda noo yaalaa ma jirto waayo umada ayaanu xil u haynaa, mansab umadu leedahay ayaanu ku fadhinaa,qaran nabadana waanu haysanaa.

 

Somaliland iyo somaliya hadh cad ayey kala socdeen markaa maanta wax aan aniga iyo qayrkayba ugu hanqal taagnaa waxaan u malaynayaa inaanay jirin

 

Wasiir ku xigeenka caafimadka somaliland marwo Nimco Xuseen Qawdhan waxay warbaahinta kula dardaarantay inay ka fogaadaan wararka aan jirin isla markaana ay umada u gudbiyaan warar xaqiiqadda ku salaysan.

 

Idil maxamed saleban

 

Warkanews Hargeisa office

Share this post


Link to post
Share on other sites
Saalax   

Somalia;852608 wrote:
Is Xamar haram?

No. But she is a minister of Somaliland clarifying the story of her going to the capital of a neighbouring country is false.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Carafaat   

The Somaliland Ministry of Health works in close cooperation with the TFG Ministry of Health. And they are right to do so, the only way they can make power fist against those INGO's/UN agencies. And they are right to do so.

 

P.S. They should have asked her, if her Director General went to Xamar. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Showqi   

Her position is not that importent, since she is Wasiir ku xigeen:p. Lests hear what the actual Wasiir have to say.......:D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Carafaat   

IMG_1930-e1305557327463.jpg

 

 

Showqi, the Somaliland Minister is on the right, in the middleis the Minister of the TFG. :D

 

 

I like the Somaliland Ministry of Health, they are progressive and innovativly working fort the people.

 

Kuddos to Xoogsade, Qowdhan and Khadar. well done. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this