Sign in to follow this  
Dr_Osman

Puntland President Hadde hadii la kala tago ogaada dadka ugu liita ma nihin. AUDIO

Recommended Posts

Dr_Osman   

Dr Faroolle: “Hadde hadii la kala tago ogaada dadka ugu liita ma nihin”[Dhagayso]

 

July 19, 2012 // Warar Somaali

 

Madaxwayanha dowladda Puntland Dr Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Faroolle oo maanta ka hadlayay furitaanka shirka haweenka Soomaaliyeed ee ka furmay magaalada Garoowe ayaa waxaa uu sheegay inuu ka mid yahay dadkii dhibaatadu ay soo gaartay wixii ka dambeeyay burburkii dowladii dhexe ee dalka.

 

Waxaa uu sheegay madaxwaynuhu isaga iyo carruurtiisu inay ka barakaceen hantidoodii markii ay dhacday xukuumadii dalka ka talinaysay.

 

“Anigu waxaan ka mid ahaa bariisimaadkii intii xumuhu jirayn wax badan baa isoo gaaray, laakiin cidna u mahaysto,dadkii soo qaxay baan ka mid ahaa oo wixii hanti uu lahaa baaba’een, ciyaalkiisii wax gaareen laakiin cidna maanta u mahaysto ee waxaa dadka ugu yeeri lahaa wanaagga iyo nabad.”ayuu sheegay Dr Faroolle oo hadlakiisa ku furfurtay dadka Soomaaliyeed marka xaqiiqda laga hadlo inay dadku ku ceebeeyaan ,balse uu isagu gudanayo waajibaadkiisa wax kasta oo xumaanta ahna dadka ka reebi doono.

 

“Ciddii nagu nibcaysata oo dowlad Soomaaliyeed oo Faderaal ah oo faderaal ku dhisan oo anagu u ololaynaa hadde ogaada hadii laka tagano manihi dadka ugu liita, waad ogtihiin khayraad baan haysnaaa, dad badan oo wax yaqaan baanu haysanaa, dal balaaran baanu haysanaa, waxaaba dhici karta inaanu wax tarno”ayuu yiri Dr Faroolle oo intaasi raaciyay Soomaalidu inay isku baahantahay loona baahanyahay gacmo wada jir inay wax ku qabtaan.

 

Dhagayso Codka madaxwaynaha.

http://puntlandnews24.com/dr-faroolle-hadde-hadii-la-kala-togo-ogaada-dadka-ugu-liita-ma-nihin/

Share this post


Link to post
Share on other sites

“Anigu waxaan ka mid ahaa bariisimaadkii intii xumuhu jirayn wax badan baa isoo gaaray,
laakiin cidna u mahaysto,
dadkii soo qaxay baan ka mid ahaa oo wixii hanti uu lahaa baaba’een
, ciyaalkiisii wax gaareen laakiin cidna maanta u mahaysto ee waxaa dadka ugu yeeri lahaa wanaagga iyo nabad.

Calacaal badanaa odayga kumanaan kun ayaa laso deristay odaygaas wuxuu la kulmay iyo inkabadan and they moved on..Laakin odaygan nabar bugto uu qabyaa..

Share this post


Link to post
Share on other sites
peasant   

Wadani;852309 wrote:
Dadkan iyo faan maxaa kala haysta wa yaabe.

Aayaha aanu ka wada tashano hana la ixtiraamo qola walbaa ra'yigeeda ma faanba? Puntland moqifkeedu waa cad yahay oo hadii federalism la diido anagu waanu isku tashan cidii ilaa iyo qiyaamaha is xagxagnaysaa iyada un bay u taal!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this