Dr_Osman Posted July 21, 2012 Madaxweynaha Puntland oo booqdey Saado Cali 21 Jul 21, 2012 - 4:35:48 AMMadaxweynaha Dowladda Puntland Dr.Cabdiraxman Maxamed Maxamuud Farole ayaa maanta 21 July,2012 booqdey Fanaanada Qaranka Soomaliyeed Saado Cali Warsame oo shalay shil gaari inta u dhaxeysa Kalabeyr iyo Garowe ka soo gaarey dhaawac. Wasiiro ay ka midyihiin arrimaha gudaha Gen.Cabdulaahi Axmed Jaamac Ilkajir maaliyada Faarax Cali Shire,haweenka iyo arrimaha qoyska Puntland Marwo Caasho Geele Diiriye ,xildhibaan Prof.Cabirisaaq Xasan Cismaan Juurile iyo saraakiil kale ayaa la socotey madaxweynaha marka uu boqanayey Saado Cali. Fanaanada ayaa waxa laga kabay gacanta bidix oo jabtey waxana aad u wanaagsan xaaladeeda iyadoona dhakhaatiirtu sheegeen dhowaan Saado in loo ogolaan doono inay guda gasho hawlihii ay dalka u timid. Muddo 22 sanno ah ayay dalka ka maqneyd waxana ay sheegtey Saado Cali in maanta aysan jirin maalin ay uga fiicantahay Somalia inay midowdo sidoo kalena waxay qayb ka tahay ergada Puntland uga qaybgalaysa dastuurka Somalia. Dhinaca Kale waxa xalay abaare saqdii dhexe magaaladan Garowe Isbitalkeeda ku geeriyoodey Allaha u naxariistee Jaamac Maxamed Nuur ’’Jeele’’ oo kamid ahaa dadki gaariga la saarnaa Saado Cali. Aas Qaran uu ka qaybgalay madaxweyne ku xigeenka Puntland Gen.Cabdisamad Cali Shire ayaa loo sameeyey saaka waaberkii weriyaasha ku geeriyoodey shilkan gaari. Dareen murugo iyo naxdin isugu jira ayaa hareyey Puntland iyo guud ahaan Somalia iyo somalida dunida ku nool kadib soo shaac bixidii warka shilka gaari ee Saado Cali la socotey oo ka dhacey meel 60KM qiyaastii u jirta magaalada xarunta Puntland ee Garowe. GAROWE ONLINE Quote Share this post Link to post Share on other sites