Sign in to follow this  
Dr_Osman

Saado Ali Visits Puntland First Time In 22 Years And Meets President Farole. PICS

Recommended Posts

Dr_Osman   

Saado_iyo_Farole_oo_wayn.jpg

 

Madaxweynaha Puntland oo booqdey Saado Cali

 

21 Jul 21, 2012 - 4:35:48 AMMadaxweynaha Dowladda Puntland Dr.Cabdiraxman Maxamed Maxamuud Farole ayaa maanta 21 July,2012 booqdey Fanaanada Qaranka Soomaliyeed Saado Cali Warsame oo shalay shil gaari inta u dhaxeysa Kalabeyr iyo Garowe ka soo gaarey dhaawac.

 

Wasiiro ay ka midyihiin arrimaha gudaha Gen.Cabdulaahi Axmed Jaamac Ilkajir maaliyada Faarax Cali Shire,haweenka iyo arrimaha qoyska Puntland Marwo Caasho Geele Diiriye ,xildhibaan Prof.Cabirisaaq Xasan Cismaan Juurile iyo saraakiil kale ayaa la socotey madaxweynaha marka uu boqanayey Saado Cali.

 

Fanaanada ayaa waxa laga kabay gacanta bidix oo jabtey waxana aad u wanaagsan xaaladeeda iyadoona dhakhaatiirtu sheegeen dhowaan Saado in loo ogolaan doono inay guda gasho hawlihii ay dalka u timid.

 

Muddo 22 sanno ah ayay dalka ka maqneyd waxana ay sheegtey Saado Cali in maanta aysan jirin maalin ay uga fiicantahay Somalia inay midowdo sidoo kalena waxay qayb ka tahay ergada Puntland uga qaybgalaysa dastuurka Somalia.

 

Dhinaca Kale waxa xalay abaare saqdii dhexe magaaladan Garowe Isbitalkeeda ku geeriyoodey Allaha u naxariistee Jaamac Maxamed Nuur ’’Jeele’’ oo kamid ahaa dadki gaariga la saarnaa Saado Cali.

 

Aas Qaran uu ka qaybgalay madaxweyne ku xigeenka Puntland Gen.Cabdisamad Cali Shire ayaa loo sameeyey saaka waaberkii weriyaasha ku geeriyoodey shilkan gaari.

 

Dareen murugo iyo naxdin isugu jira ayaa hareyey Puntland iyo guud ahaan Somalia iyo somalida dunida ku nool kadib soo shaac bixidii warka shilka gaari ee Saado Cali la socotey oo ka dhacey meel 60KM qiyaastii u jirta magaalada xarunta Puntland ee Garowe.

 

GAROWE ONLINE

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this