Sign in to follow this  
Dr_Osman

Puntland And Khatuumo President In Talks

Recommended Posts

Dr_Osman   

Saleebaan Xagle Toosiye oo Garoowe ku sugan iyo xil sare oo loo magacaabayo

 

July 18, 2012 // Warar Somaali

 

Hogaamiyihii hore ee Jabhadda SSC Saleebaan Ciise Axmed (Xagle-toosiye) oo mudo labo todobaad kahor la heshiiyay Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo ayaa lagu arkay magaalada Garoowe ee caasimada Puntland.

 

Mr.Xagle toosiye ayaa maalmahaan ku sugnaa magaalada,waxaana uu ka yimid magaalada Dubai oo u joogay in mudo ah isla markaana kula kulmay Axmed Siilaanyo iyagoo ku heshiiyay in ay wada tagaan magaalada Hargeysa.

 

Warar hoose aan helnay ayaa sheegaaya in Xagle toosiye laga yaabo in lagu bedelo C/samad Cali Shire ama lagu soo dari doono Golaha Wasiirada Puntland oo la filaayo Madaxweyne Faroole uu isku shaandhayn ku sameeyo.

 

Hogaamiyihii hore SSC ayaa imaatinkiisa Garoowe noqotay lama filaan,waxaana si aad ah looga hadal haya magaalada iyadoo arrinta la yaabka leh la iswaydiinayo halkii ay ku dambeysay Heshiiskii ay wada gaareen Siilaanyo.

 

Wada hadal u socda Puntland iyo Axmed Karaash

 

Dhinaca kale waxaa soo baxaaya warar sheegaaya in wada hadal waayadan uu u socday Madaxweynaha maamulka Khaatumo Axmed Karaash iyo Dowladda Puntland.

 

Wada hadalkaan oo iminka ku dhow gabogabo ayaa la filaaya in Axmed Karaash uu isna imaado Garoowe deetana loo dhiibi doono xil.

 

Warar kale ayaa sheegaaya in Axmed Karaash loo wado Madaxweyne kuxigeenka Puntland.

 

Mr.Karaash ayaa hore uga mid ahaa Golaha Wasiirada Puntland isagoo ahaa Wasiirka Duulista Hawada iyo Garoomada,waxaana markii laga qaaday uu tegay gobolka Sool isagoo kamid ahaa raggi 7-bilood kahor aas aasay maamulka Khaatumo.

 

Dhowaan mar uu la hadlayay Saxaafadda wuxuu si adag u beeniyay in burbur uu ku yimid maamulka Khaatumo.

 

Mudaneyaasha Baarlamaanka Puntland ayaa dhowaan Madaxweynaha Puntland usoo jeediyay in lasoo celiyo midnimada Puntland isla markaana la iskusoo celiyo dadkii carooday ee ka goostay maamulka.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this