Abwaan Posted July 19, 2012 Shakhsiyaadka sheeganaya inay musharraxiin u yihiin jagada Madaxweynenimada Soomaaliya ayaa maalin walba soo koraya. Waxaana sidaan aaminsanahay loo kala saari karaa: Kuwo ay dhab ka tahay oo loo qaateen ah, kuwo jagooyin kale sida wasiir, xildhibaan, agaasime iwm raadsanaya oo jid ay u maraan ka dhiganaya musharraxnimada, kuwo ku xumaynaya shakhsiyaad ay isku beel yihiin oo isbaaro u dhiganaya ama ay canaad ka tahay, kuwo lacago kaga uruursanaya qabaa'illadooda amase asxaabtooda, kuwo qarwaya oo waxay ka hadlayaan aanba ogeyn. Waxaa xusid mudan in inta aan la socdo ee musharrax sheeganaya ay yihiin rag marka laga reebo hal haweeney ah oo aan maanta ka akhriyey shabakad ka mid ah kuwa Soomaalida, haweyneeydaasoo sida la sheegay ku nool dalka Finland. Bal haddii ay suurogal tahay si loo tirakoobo qof walbow halkaan ku soo xoor musharraxii aad aragtid amase maqshid is-sharraxiisa. Mahadsanidin. Quote Share this post Link to post Share on other sites