Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Jamciyadda Dayactirka Kutubta Qur’aanka Kariimka ah

Recommended Posts

Hargeysa (Waaheen) – Jimciyada Dayactirka iyo Asturaada Kutubta Qur’aanka kariimka ah ayaa shalay soo bandhigtay kutub faro badan oo ku dayacmay xaafadaha qaarkood, kuwaasi oo ay muddo ururinayeen, iyaga oo sheegay in Jimciyadu kutubtan intii dayactirmaysa dib loo hagaajin doono, inta aan la hagaajin karayna ay ku aasi doonaan meel nadiif ah.

 

Jimciyadda dayactirka iyo Asturaada kutubta Qur’aanka Kariimka ah ee guryaha lagu dayacay, ayaa sheegay inay muhiim tahay in waajib la iskaga dhigo ilaalinta iyo dhowrida kutubta Qur’aanka Alle, iyaga oo tilmaamay inay ku dedaalayaan sidii ay dib ugu dayactiri lahaayeen kutubta la dayacay.

 

Guddoomiyaha Jimciyaddan Sheekh Ibraahim Xasan oo ka hadlayay goobta ay ku soo bandhigeen kutubtan asturaada u baahan iyo kuwo ay dayactirayaan, ayaa sheegay in Jimciyadan oo ay ku midaysan yihiin qaar ka mid ah culimada dalku u taagan tahay sidii loo ilaalin lahaa kutubta guryaha yaala iyo kuwo masaajiida yaala ee ay dib ugu habayn lahaayeen.

Agaasimaha guud ee wasaarada diinta Awqaafta Cabdirashiid Cabdilaahi oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in Jimciyadani tahay mid shaqo fiican oo khayraada bilowday loona baahan yahay in la garab istaago oo lagala shaqeeyo hawlaha ay ku dayactirayaan kutubta dayacan.

 

Agaasimuhu, waxa uu sheegay in bishii barakaysnayd ee Ramadaan fooda inagu soo hayso, loona baahan yahay in shacabku u diyaar-garoobaan gudashada soonka iyo urursiga fadligeeda, isaga oo dadka Ramadaanta raashinka Xaaraanta ah kariya uga digay ficilkaasi oo uu u tilmaamay camal dambi ku ah.

 

waxa kale oo uu ka hadlay Sheekh Yuusuf Cabdi Xoore, Sheekh Maxamed Wali Barre, xildhibaan Yuuuf iyo shakhsiyaad kale, dhammaantoodna waxay soo dhaweeyeen Jimciyadan iska xil-saartay dayactirka Kutubta Qur’aanka kariimka ah.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this