Sign in to follow this  
Dr_Osman

Puntland Big Day Out Begins. First Stop Germany. PICS

Recommended Posts

Dr_Osman   

Xaflad lagu maamuusayo sanad guuradii 14 aad ee aas aaska Puntland oo ka dhacday magaalada Frankfurt [sawiro]

 

Xaflad aad u saraysa oo lagu maamuusayay sanad guuradii 14 aad ee aas aaska Puntland, ayna soo qaban qaabiyeen Jaaliyada Puntland Diaspora Forum Germany, ayaa xalay habeenimadii 14/15.07.2012 ka dhacday jaamacada magaalada Frankfurt ee dalka Jarmalka.

 

 

Xafladan ayaa waxaa ka soo qeyb galay jaaliyadaha Puntland ee wadamada Sweden, Swizerland, France, Holland iyo Denmark, sidoo kale bushada Soomaaliyeed ee ku dhaqan Jarmalka.

 

 

Xafladan oo lagu maamusyay sanad guuradii 14 ee ka soo wareegtay xiligii la aas aasay dowlada Soomaaliyeed ee Pudtland. ayaa waxa ka soo qaybgalay Fanaaniinta kala ah Amina C/allahi Omar (Dhool), C/rashiid Jaamac (Raaxeeye), Hanad iyo dhalinyaro fanka ku cusub.

 

 

Munaasabadn ayaa sidoo kale waxaa si wayn u joogay Saxaafaada Soomaalida sida Televition-ada Universal, Hornkabal, Somali-sat, Somali kanal, Horseedmedia, DunidaOnline iyo warebaahinta Allidamaalle.

 

 

Munaasabadan ayaa hadalo kooban oo la xiriira midnimada Puntland iyo mida Soomaali waynba, waxa halkaasi ka soo jeediyay madaxda jaaliyada iyo qaban qaabiyayaasha xafladan, waxaana ka mid ahaa dadkii halkaasi ka hadlay gudoomiyda PDF Germany, Mudane Maxamed C/raxman Cali, Kuxigeekiisa Mudane Yusuf Cali Yusuf, arimaha dhaqaalaha Marwo Sahra Cabaas Farax, gudoomiyaha dhaliyarada jaaliyada Mudane C/qaadir Maxamed Ismaaciil, odayaasha iyo aqoonyahanka Eng. Maxamuud Axmed Kaarshe, Xaji Maxamed Ibrahim, Xaji Abshir Axmed iyo marti sharaf lagu soo dhaweeyay marakarafoonka.

 

 

Mudadii ay xafladu socotay ayaa lagu dhawaaqay, in magaalada Frankfurt laga hirgeliyo dhisme Masjid ay Soomaalidu leedahay iyo xarun caruurt lagu baro diinta Islaamka, Masjidkaasi oo loogu magacdaray madaxwaynihii hore ee Soomaaliya Mudane C/rashiid Cali Sharma'arke, waxaana ka soo qaybgalayaashii xaflada iyo madaxda jaaliyaduba balan qaadeen amaba ay goobta ku bixiyeen dhaqaale fara badan oo noqonaya dhagaxdhiga Masjidka Sheekh C/rashiid Cali Sharma'arke.

 

 

Munaasabadan ayaa ku soo gaba gaboowaday jawi aad u sareeya, ayadoo kama dambaystii ay xaflada ruxday fanaanada codka macaan ee Amina Dhool, oo halkaasi ka qaaday heeso aad soo jiitay ka qayb galayaasha

 

 

DunidaOnline.com

 

farank.jpg

farank2.jpg

farank4.jpg

farank5.jpg

farank6.jpg

farank7.jpg

farank10.jpg

farank12.jpg

farank29.jpg

farank16.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
uchi   

^ Jokes aside :) you have to admit Puntlanders are a bunch of ugly people ~ lol, but Somalilanders on the other hand... lol I would marry a girl from there in a heart beat. What do you think Carafat?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalia   

uchi;851154 wrote:
^ Jokes aside
:)
you have to admit Puntlanders are a bunch of ugly people ~ lol, but Somalilanders on the other hand... lol I would marry a girl from there in a heart beat. What do you think Carafat?

Post your picture.

Share this post


Link to post
Share on other sites

uchi;851154 wrote:
^ Jokes aside
:)
you have to admit Puntlanders are a bunch of ugly people ~ lol, but Somalilanders on the other hand... lol I would marry a girl from there in a heart beat. What do you think Carafat?

lol couldn't agree less.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Carafaat   

Uchi, all the girls from Puntland that I know are cuties. And compared to girls from other regions they know how to stay in shape. So, I cant agree with you there. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this