Aaliyyah Posted July 13, 2012 Lasanod Online Friday, July 13, 2012 Muqdisho,(lasanod Online)- Guddoomiyaha Barlamanka Soomaaliya,Shariif Xasan Shiikh oo maanta dalka dib ugu soo laabtay ayaa sheegay.. inaan muran la gelin karin caasimada Soomaaliya inay tahay Magaalada Muqdisho. Shir jaraa’id oo uu maanta ku qabtay Xafiiskiisa Magaalada Muqdisho, Shariif Xasan Shiikh Aadan guddoomiyaha barlamanka KMG Soomaaliya ayaa waxa ugu horayn uga war bixiyay safarro uu ku soo maray qaar ka mid ah wadamada caalamka, waxaana uu sheegay in safaradaasi ay dhamaantood ahaayeen kuwa muhiim oo dadka Soomaaliyeed faa’iido u leh. Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa tilmaamay in loo baahanyahay in dadka Soomaaliyeed ay taageeraan howlgalada ay ciidamada dowlada ka wadaan gobolada dalka, kuwaas oo uu sheegay in lagu wiiqay awooda Ururka Al Shabaab, islamarkaana laga qabsaday deegaano iyo degmooyin badan oo ka tirsan gobolada dalka. Mar uu ka hadlayay arrimaha dastuurka cusub ee loo sameynayo Soomaaliya, Guddoomiyaha barlamanka KMG Shariif Xasan Shiikh Aadan waxa uu sheegay in marnaba aan shaki la gelin karin in Magaalada Muqdisho ay tahay caasimada Soomaaliya, waxaana uu xusay in dadka Soomaaliyeed ay hore iskugu raaceen in caasimada dalka ay tahay Magaalada Muqdisho. Copyright © 2012 Lasanod.com Quote Share this post Link to post Share on other sites
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar Posted July 14, 2012 Tan shaki kuma jirto. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Ilka-dahable Posted July 14, 2012 Miskiin-Macruuf-Aqiyaar;850619 wrote: Tan shaki kuma jirto. lakin waa in ay san qabiilna sheegan Quote Share this post Link to post Share on other sites
Somalia Posted July 16, 2012 Muqdisho waa magaalo beeleed oona aheen mid qaran. Markii Reer Muqdisho meel ku sheegaan guryihii iyo hantidii ii daceen, then we can talk about capital or not, but in la aqoonsado meel oo aheen a federal capital will be a mistake. Quote Share this post Link to post Share on other sites