Sign in to follow this  
Dr_Osman

Puntland Agriculture Minister Recieves A Diaspora Held Function In The UK. PICS

Recommended Posts

Dr_Osman   

Xaflad Casho Sharaf ah oo magaalada Leicester loogu sameeyay Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Puntland

 

Maalinimaddii Arbacada oo ay taariikhdu aheyd 11/07/2012 waxaa ka dhacday magaalada Leicester xaflad casho sharaf ah oo ay soo qabanqaabiyeen jaaliyadda reer Puntland ee Leicester, Xafladaas oo lagu soo dhaweynayey wasiirka Beeraha iyo waraabka Puntland Mudane Eng. Maxamuud Xaaji Saalax. Xafladaas oo u dhacday si aad iyo aad ah u heersareysa ayaa lagu soo bandhigay barnaamij dheer oo isugu jiray wacyigalin, kalimado soo dhaweyn, suugaan iyo waliba hadalo qiimo leh oo ay soo jeediyeen dad isugu jiray waxgarad, mas’uuliyiin hore iyo aqoonyahan ka kala socday bulshada qeybaheeda kala duwan ee magaalada Leicester.

 

Xafladaas ugu horeyn waxaa lagu furay aayado quraan iyo kalimado diini ah oo uu halkaas kasoo jeediyay Shiikh Cabdalla Maxamuud oo ka mid ah culimada magaalada Leicester. Waxaa kaloo hadalo qiimo leh halkaas kasoo jeediyay Wasiirkii hore ee Waxbarashada Soomaaliye Mudane Aadan Maxamed Cali, Suldaan Cabdiraxmaan Aadan Dude, Shakiib Dhoore, Cumar Xasan (Cumar Dheere), Cabdullaahi iyo Zahra Xubeero oo ku hadleysay magaca haweenka reer Puntland ee magaalada Leicester.

 

Intaas kadib waxaa hadalkii qaatay wasiirka, kahor intuusan hadalka bilaabin waxaa uu dadweynihii halkaas isugu yimid fursad u siiyay bal marka hore in ay la daawadaan barnaamij laga soo duubay waxqabadka wasaaradda Beeraha Puntland iyo waliba horumarka dhul beereedka Puntland. Barnaamijkaas oo runtii ahaa mid aad looga helay loona jecleystay taasoo keentay in marar baddan dadka loogu celceliyo kadib markay dhowr jeer codsadeen. Barnaamijkaas markii la daawaday ayaa dad baddan waxa ay isweydiiyeen arintii aheyd dhulkaas wax kama baxaan iyo beentii laga fidin jiray oo ay yiraahdeen maanta arintaas halkaas ayeey ku istaageysaa. Kadib wasiirku wuxuu halkaas ku bilaabay khudbadiisi lawada sugayey isagoo ka waramay guud ahaan xaaladda Puntland iyo halka ay wax marayaan, wuxuuse si gaar ah aad uga hadlay Marxaladihii ay soo martay wasaaradda beeraha Puntland iyo heerkii ay gaartay tan iyo intii uu xilkeeda qabtay. Waxaa kaloo wasiirka halkaas lagu weydiiyay su’aalaaad fara baddan oo la xiriiray beeraha Puntland kuwaaso uu dadkii aad uga qanciyey.

 

Waxaa kaloo Xafladaas kasoo qeybgalay guddi matalayey jaaliyadda gabdhaha reer Puntland ee magaalada London oo ay ka dhex muuqatay abwaanadda weyn ee Muna Diana, iyadoo habeenkii xalay ahaa halkaas wacdaro ka dhigtay. Waxaa sidoo kale halkaas iyadan suugaan qiimo leh ku soo bandhigtay Siraad oo ka mid ah haweenka reer Puntland ee magaalada Leicester.

 

Xafladaas oo runtii aheyd mid aad u heer sareysa ayaa ugu danbeyntii waxaa halkaas loogu mahad celiyay dadkii sida diiran xafladdan u soo qabanqaabiyey oo ay ugu horeeyaan dumarka jaaliyadda reer Leicester gaar ahaan Faadumo Jabbaan, Xaliimo Xaaji Saalax, Sucaad Ceygaag, Fowsiyo Cartan iyo Zahra Xubeero. Sidoo kale waxaa halkaas loogu mahad celiyay raggii iyagana ka qaatay barnaamijka Kaalinta xooga leh sida Liibaan Xirsi, Cali Cusmaan (Cali Gacamey), Farxaan Cali Nuur, Guhaad Aadan, Wardi Aadan Maxamed Cali, Cabdirisaaq Dhamac, Diiriye Yare iyo qaar kaloo fara baddan. Waxaa sidoo kale Xafladaas loogu mahad celiyay Bahda TVga SNtv iyo kooxda Maxamed Cabdullaahi Cartan.

 

Xafladaas waxaa xiriirinayey Cabdixakiim Jaamac Jooje.

 

Mahadsanidiin

 

Guddiga fulinta ee jaaliyadda reer Puntland ee Leicester

 

booqasho6.jpg

booqasho4.jpg

booqasho5.jpg

booqasho8.jpg

booqasho7.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this