Dr_Osman Posted July 13, 2012 Arday ka Qalin-jabisay Jaamacada PSU ee Garowe [sawiro] Updated:- 13 hours ago| 1 Commnets Jaamacada PSU ee Magaalada Garoowe ayey maanta ka qalinjabiyeen arday gaaraysa ilaa iyo 45 arday oo kuliyado kala duwana ka qalin-jabiyey. Munasaabda ay ardaydaan ku qalin-jabinta ayaa waxaa kasoo qayab galay Madaxwayanha Puntland, Madaxwayne ku xigeenka, Wasiirkuxigeenka Wasaarda waxbarshada, Wasiirda Haweenka, madax ka socata hay’ddaha Puntland iyo masuuliyiin kaloo badan. Munaasabdaan oo ahayd mid si weyn loo soo agaasimay ayaa waxaa lagu soo bandhigay majaajilo yara oo ka warbixinaysa waxbarashada iyo faa’iidada ay leedahay taasoo loogu wacyi galinayo bulshada iyo filim ka turjumaya ardayda Jaamcada ka baxday iyo goobaha badan oo ay magaalda ka shaqeeyaan. Gudoomiyaha jaamcada PSU Maxamuud Shiikh Xaamud oo goobta ka hadlay, ayaa kasoo qeyb galayaasha munaasabada uga waramay ardayda jaamacada maanta ka dhameysay iyo qaybaha ay ka kala socdaan. Wuxuuna tilmaamay in ardaydaan ay u kala qaybsamaan: 20tan arday oo ka baxday kuliyada (Public Administration) 20tan ka baxday (Business Administration) iyo 5 dhameystay (Bachelor degree) Gudoomiyaha Jaamcda PSU Maxamuud Shiikh Xaamud ayaa sidoo kale ka hadlay marxaladihii ay jaamacadaan soo martay isagoo ku tilmaamay sadex mar xaldood ayadoo Jaamacada ay maanta tahay mid hormar leh sanada kastan ay ku kordhiyaan kuliyado cusub, sandakaana ay damcasan yihiin in ay ku kordhiyaan kuliyada (Public Health) Wasiir Kuxigeenka Wasaarda Waxbarshada Md C/rixmaan Diiriye Carab ayaa isna goobtaa ka hadlay wuxuuna sheegay in ay yihiin ardaydaan maanta qalinjabinaysa kuwa dalka horumar usoo siyaadinaya ayna bulshda Puntland uu ku boorinayo in ay ka faa’iidaystaan jaamacadaha dalka ku yaala oo ay uga faa’iido badan yihiin kuwa ay dibada u aadaan. Madaxweynaha Puntland Dr C/rixamaan Maxamed Maxamuud oo goobtaa ka hadlay ayaa xusay in qofka wax bartaa uusan shaqo waayeen oo uu yahay qofka cilmiga leh mid aan faqri ahayn oo uu yahay qof loo baahan yahay balse kaan waxba aqoon uu yahay qofka faqriga ah. Madaxweynaha ayaa sidoo kale xusay in waxbarashada aysan ahayn mid laga waynaado balse qofkaa uu waqti kasta uu wax baran karo, asagoo sheegay ardayda qalanjabineysa maanta ay nasiib badan yihiin. Madxawaynaha ayaa sidoo kale xusay in dowlda Misaaniyadeeda lagu dari doono arday ay dowlada ka bixiso waxbarashada sare uuna ugu baaqayo dadka ganacsadayaasha ah oo haysta dhaqaalha in ay ugu deeqaan dadka aan heli karin waxbarashada sare. Ugu danbayntii ayaa dhawrkii arday ee kaalimaha sare galay uu Madaxwaynaha Puntland halkaasi ku gudoonsiiya shahaadooyinka ay ku guulaysteen. Maxamed Saciid Horseed Media Garowe, Puntland Quote Share this post Link to post Share on other sites
Dr_Osman Posted July 13, 2012 I think Puntland is doing ok. Halkas ha laga si wado. The future Puntlander is set to meet you in political arena in the future Quote Share this post Link to post Share on other sites