Sign in to follow this  
Dr_Osman

Garowe: 45 Students Graduate From Puntland State University. PICS

Recommended Posts

Dr_Osman   

Arday ka Qalin-jabisay Jaamacada PSU ee Garowe [sawiro]

 

Updated:- 13 hours ago| 1 Commnets

 

Jaamacada PSU ee Magaalada Garoowe ayey maanta ka qalinjabiyeen arday gaaraysa ilaa iyo 45 arday oo kuliyado kala duwana ka qalin-jabiyey.

 

Munasaabda ay ardaydaan ku qalin-jabinta ayaa waxaa kasoo qayab galay Madaxwayanha Puntland, Madaxwayne ku xigeenka, Wasiirkuxigeenka Wasaarda waxbarshada, Wasiirda Haweenka, madax ka socata hay’ddaha Puntland iyo masuuliyiin kaloo badan.

 

Munaasabdaan oo ahayd mid si weyn loo soo agaasimay ayaa waxaa lagu soo bandhigay majaajilo yara oo ka warbixinaysa waxbarashada iyo faa’iidada ay leedahay taasoo loogu wacyi galinayo bulshada iyo filim ka turjumaya ardayda Jaamcada ka baxday iyo goobaha badan oo ay magaalda ka shaqeeyaan.

 

Gudoomiyaha jaamcada PSU Maxamuud Shiikh Xaamud oo goobta ka hadlay, ayaa kasoo qeyb galayaasha munaasabada uga waramay ardayda jaamacada maanta ka dhameysay iyo qaybaha ay ka kala socdaan. Wuxuuna tilmaamay in ardaydaan ay u kala qaybsamaan:

 

20tan arday oo ka baxday kuliyada (Public Administration)

20tan ka baxday (Business Administration)

iyo 5 dhameystay (Bachelor degree)

 

Gudoomiyaha Jaamcda PSU Maxamuud Shiikh Xaamud ayaa sidoo kale ka hadlay marxaladihii ay jaamacadaan soo martay isagoo ku tilmaamay sadex mar xaldood ayadoo Jaamacada ay maanta tahay mid hormar leh sanada kastan ay ku kordhiyaan kuliyado cusub, sandakaana ay damcasan yihiin in ay ku kordhiyaan kuliyada (Public Health)

 

Wasiir Kuxigeenka Wasaarda Waxbarshada Md C/rixmaan Diiriye Carab ayaa isna goobtaa ka hadlay wuxuuna sheegay in ay yihiin ardaydaan maanta qalinjabinaysa kuwa dalka horumar usoo siyaadinaya ayna bulshda Puntland uu ku boorinayo in ay ka faa’iidaystaan jaamacadaha dalka ku yaala oo ay uga faa’iido badan yihiin kuwa ay dibada u aadaan.

 

Madaxweynaha Puntland Dr C/rixamaan Maxamed Maxamuud oo goobtaa ka hadlay ayaa xusay in qofka wax bartaa uusan shaqo waayeen oo uu yahay qofka cilmiga leh mid aan faqri ahayn oo uu yahay qof loo baahan yahay balse kaan waxba aqoon uu yahay qofka faqriga ah.

 

Madaxweynaha ayaa sidoo kale xusay in waxbarashada aysan ahayn mid laga waynaado balse qofkaa uu waqti kasta uu wax baran karo, asagoo sheegay ardayda qalanjabineysa maanta ay nasiib badan yihiin.

 

Madxawaynaha ayaa sidoo kale xusay in dowlda Misaaniyadeeda lagu dari doono arday ay dowlada ka bixiso waxbarashada sare uuna ugu baaqayo dadka ganacsadayaasha ah oo haysta dhaqaalha in ay ugu deeqaan dadka aan heli karin waxbarashada sare.

 

Ugu danbayntii ayaa dhawrkii arday ee kaalimaha sare galay uu Madaxwaynaha Puntland halkaasi ku gudoonsiiya shahaadooyinka ay ku guulaysteen.

 

Maxamed Saciid

Horseed Media

Garowe, Puntland

 

DSC01144.jpg

DSC00063.jpg

DSC00079.jpg

DSC00081.jpg

DSC01146.jpg

DSC01154.jpg

DSC00059.jpg

DSC00060.jpg

DSC01176.jpg

DSC01143.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dr_Osman   

I think Puntland is doing ok. Halkas ha laga si wado. The future Puntlander is set to meet you in political arena in the future

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this