Sign in to follow this  
Saalax

Laascaanood: Booliska Oo Xidhay Tiro Arday Reer Buuhoodle Ah Oo Looga Shakiyey Inay Ardayda Magaalad

Recommended Posts

Saalax   

Laascaanood: Booliska Oo Xidhay Tiro Arday Reer Buuhoodle Ah Oo Looga Shakiyey Inay Ardayda Magaaladaas Ku Talaalayaan Fikirka Khaldan Ee Khaatumo

 

Laascaanood (Ramaas) July 12,2012 – Ciidamada booliska Magaalo Madaxda gobolka Sool ee Laascaanood ayaa maanta xidh-xidhay tiro arday reer Buuhoodle ah oo la sheegay inay halkaasi u tageen sidii ay uga qayb-qaadan lahaayeen tartan aqooneed jaamacada Nugaal u qaban-qaabisay ardayda dugsiyada gobolka Sool.

 

Ardaydan oo ka mid ah ardayda wax ka barata dugsi sare oo ku yaala Magaaladda Buuhoodle, ayaa ciidamada booliska Laascaanood guud ahaantoodba xidheen markii ay halkaasi gaadheen, iyadda oo warar is-khilaafsan ka soo baxayaan sababta xadhigooda.

 

Wararka laga helayo xadhiga ardaydan ayaa qaarkood sheegayaan in maamulka gobolka Sool iyo ciidamada boolisku ka shakiyeen in ardaydani Laascaanood u tageen inay abaabulaan kacdoon ay sameeyaan ardayda dugsiyada Laascaanood sameeyaan, kaasi oo ka dhan Maamulka Sool, iyadda oo boolisku xasuusan kacdoon dhowr qof ku dhinteen oo hore Laascaanood uga dhacay.

 

Halka war kale ka sheegay in boolisku sheegay in ardaydan oo isugu jira wiilal iyo hablo ay fikir khaldan ka haystaan maamulka Sool iyo Somaliland-ba, kaasi oo ah in kooxda khaatumo ka arimiso dhulkaasi, sidaa daraadeedna loo baahan yahay in laga hor-taggo sidii aanay ardayda reer Laascaanood ugu gudbiyeen fikirkaasi khaldan.

 

Ardaydan Laascaanood lagu xidhay oo sida Ramaas warka ku heshay u socday inay tartan aqooneed Jaamacadaha Nugaal ee Laascaanood qaban-qaabisay, ayaa ilaa hadda ku xidhan halkaasi, iyadda oo la sheegay in ciidamada boolisku ku adkaysanayaan in ardaydani kharbudaad u tageen Laascaanood

 

Warka ayaa intaa ku daraya in Maamulka Jaamacada Nugaal ee Magaaladda Laascaanood uu waddo dedaal uu ku doonayo in lagu siidaayo ardayda, doonayaana sidii ciidamada boolisku ugu qanci lahaayeen in ardaydani tartan aqooneed u socdeen.

 

 

 

Ramaasnews desk

 

Hargeisa

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this