Sign in to follow this  
Dr_Osman

Galkayo - Manshiil Construction Provides Feedback On City Development. PICS

Recommended Posts

Dr_Osman   

Gaalkacyo : Shirkadda Maanshiil oo ka mida Xarumaha Ganacsi ee Gaarka looleyahay ayaa shaaca ka qaaday in ay Mashariic Horumarineed ka bilabayaan Puntland (Sawirro ).

 

10 Juli 2012

 

Gaalkacyo (APL ) : Shirkada dhismaha iyo qandaraasyada ee Maanshiil oo xarumo ku leh deegaanada Puntland soo bandhigtay waxqbadkeeda iyo qorshayaasha ay ku damacsan tahay inay kaga qayb qaadato horumarinta iyo bilicda Magaalada Gaalkacyo.

 

Madaxda shirkadaan maxaliga ah ayaa goob fagaare ah kulan ay ku qabteen kusoo bandhigay barnaamijyadda iyo adeegyadda ay u hayso guud ahaan shacabka Puntland gaar ahaan kuwa gaalkacyo madaama xarunteeda weyn ay tahay magaaladda Gaalkacyo ,waxaana bandhigay Document isugu jira sawiro iyo muuqaalo ka tarjumaya qorshayaal hormarineed oo ay ku tala jirto shirkadu mustaqbalka dhaw iyo kan fog,waxaana munasabadda kazoo qaybgalay maamulka Gobolka,ka degmadda,Ganacsatada iyo daweynaha magaaladda Gaalkacyo.

 

Eng,Maxamuud C/salaam Axmed (Wanaagsane ) oo ah maamulaha shirkadda ayaa jeediyey hadalka waxaana uu sheegay in shirkadu bulshada adeegyo badan u hayso iyadoo ku howlan sidii ay uga caawin lahayd barnaamijyadda ay ka midyihiin dhismayaasha oo loo dhibrinayo ummadda Gaalkacyo iyo guud ahaan shacabka Puntland,waxaa uu ku celceliyey maamuluhu in ay in ay u tagantahay shirkadaan ka qaybgalka Horumarinta Magaaladda iyo fulinta dhismayaal bilaya magaaladda .

 

Eng,Maxamuud waxaa uu sheegay in ay diyaarinayso shirkadu sidii ay uga qaybgali lahayd mashariicda lagu dayactirayo dhismayaasha Muhiimka ah ee Gobolka Mudug sida Isbitalada,Iskuuladda ,Wadooyinka iyo buundooyinka Burburay iyo Saldhigyadda oo dhamaantood ah xarumo loogu adeego bulshada soomaaliyeed.

 

Duqa Magaaladda Gaalkacyo Siciid Cabdi faarax ayaa amaan iyo bogaan u soo

jeediyay shaqaalaha iyo Maamulka Maanshiil isagoo ku booriyay inay ficil u badalaan waxqabadka dhinaca muuqaalka ah ee ay ku soo bandhigeen munaasabada waxaana uu balan qaaday inay ka maamul ahaan la shaqayn doonaan Maanshiil ayna garab istaagi doonaa madaama ay ka midyihiin ganacsatada fara ku tiriska ah ee u helan tabagelinta barnaamijyada lagu kobcinayo kaabayaasha dhaqaale ee deegaanka Puntland iyadoo ay shacabka ku celinayaan dhaqaalaha ay shirkadu ka hesho howlaha ganacsi ee ay ka wado dalka.

 

Duqu waxaa uu ganacsatada ugu baqay in ay u istagaan sidii la isaga kashan lahaa dowlad iyo shacab horumarinta deegaanka loona tabagelin lahaa mashariic iskaa wax u qabso ah ee ka hirgasha gudaha magaalada gaalkacyo si ay ugu daydaan dadweynaha kale ee Puntland..

 

Gudoomiyaha Gobolka Mudug Maxamed Yuusuf Jaamac ( Tigey ) oo soo afmeeray kulanka ayaa in ay ahmiyada gaara u leedahay arintan Gobolka loona bahanyahay in la xoojiyo sidii ay ganacsatadu uga qaybgali lahayd horumarka magaaladda iyo Gobolkaba.

 

Gudooiye Tigay ayaa ganacsatada ugu yeeray in ay dalka maalgelin ku smaystaan si dad badan shaqo uga helaan iyana ay uga faaiidaystaan waxyaalaha ay ka ganacsanayaan “ Waa muhiim in la dhiirigeliyo ganacsatada gudaha si looga dhabeeyo siyaasadda dowladda ee ah ganacsi xor ah,markaa waxaan ku baqaynaa in dibad jooguna ku kalsoonadaan maalgashiga ay ku samaynayaan dalkooda si loo wada manafacaadsado khayraadka uu ka midka yahay dhulka,Cimiladda iyo Nabadgelyadda allah ku manaystay dhulkaan “ Gudoomiye Tigey.

 

Si kastaba ha ahatee waxaa deegaanadda Puntland kusoo badanaya shirkadaha Gaarka looleyahay eek u howlan dhismaha,Isgaarsiinta iyo wax soo dejinta iyadoo siyaasadda Puntland ee Ganacsiga ay ku cadahay in ganacsigu yahay mid Xor ah

 

Xafiiska Wararka Allpuntland Gaalkacyo.

 

52.jpg

53.jpg

54.jpg

55.jpg

56.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dr_Osman   

Somalia: New schools and businesses open in Galkayo

10 Jul 10, 2012 - 7:58:46 AM

 

GALKAYO, Somalia Jul 10 2012 (Garowe Online) – Mayor of Galkayo was the special guest to launch several new projects and enterprises in Galkayo on Sunday, Radio Garowe reports.

 

Mayor Saeed Abdi Farah got the ball rolling for seven new projects in the capital city of Mudug region on Sunday.

 

The Mayor officially opened a school in the city; he was also the special guest to launch several businesses in the Israa and Garsoor neighborhoods.

 

Mayor Farah addressed the people who gathered to watch the opening of the school in Galkayo telling the heads of the projects to keep the needs of Galkayo citizens their top priority.

 

“The people of Galkayo and their development and the development of this beautiful city should be the top priority of the schools and businesses that opened today in Galkayo, everything else should be secondary,” said Mayor Farah.

 

A construction business was also opened on Tuesday, both Mayor Farah and Governor of Mudug Region, Mohamed Yusuf Jama (Tigey) attended the ceremony.

 

Earlier this month the city added another water filter company to its list, Duuh water company opened earlier this month.

 

GAROWE ONLINE

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this