Sign in to follow this  
Dr_Osman

Galkayo Mayor Opens 7 Projects In The City For IDPS Begins Road Projects. PICS

Recommended Posts

Dr_Osman   

DRC oo Gaalkacyo mashaariic hormarineed ka fulisay (Sawirro)

 

Gaalkacyo (RBC Radio) Hay,ada Danish Refugee Council (DRC) xafiiskeeda Gaalkacyo ayaa maanta dawlada hoose iyo bulshada xaafadaha magaalada ku wareejisay Todobo mashruuc oo isugu jira suuqyo ganacsi oo yaryar, Biyo booli iyo goobo waxbarasho kuwaasoo baahi ay u qabeen bulshada magaalada.

 

Mashaariicdan ayaa maanta waxaa xariga ka jaray Duqa Gaalkacyo Col Siciid cabdi faarax iyadoo goob joog ay ahayd Faadum max’ed cigaal xiriiriyaha DRC Gaalkacyo iyo qaar ka mida hawl wadeenada xafiiska DRC Gaalkacyo.

 

Duqa magaalada Gaalkacyo Siciid cabdi faarax ayaa bulshada loo dhisay xarumahan ganacsi, waxbarasho iyo biyo booli wuxuu ugu baaqay inay oga faa, iidaystaan sidii loogu tala galay isla markaana aysan iska dayicin, Mashaariicdan ayaa laga kala dhisay xaafadaha magaalada waxaana loogu kala qayqabiyay laamolaamo israac 2,3 ayaa laga furay labo suuq halka israac 5 iyo Hormar 1 waxaa laga hir galiyay labo school garsoor 2,3 waxaa iyaguna laga furay labo suuq iyadoo xaafada Hormar 3 laga hir galiyay biyo booli.

 

Faadumo max’ed cigaal xiriiriyaha DRC Gaalkacyo ayaa iyaduna xarumaha mashaariicda laga furayay waxay ka sheegtay inay barnaamijyadan markii hore dalbadeen bulshada sidaas daraadeedna ay u fidiyeen bulshooyinka u baahan qaybahan kala duwan ee mashaariicdaa.

 

Dadkii daganaa deegaanada laga hir galiyay mashaariicdan todobadaa ee ay fulisay Hay,ada DRC ayaa si weyn u soo dhaweeyay waxayna sheegeen inay ka faa,iidaysan doonaan iyadoo maamulka magaaladana ka codsadeen in laga war hayo xarumahan.

 

Hor joogayaasha laamaha mashaariicdan laga sameeyay ayaa soo dhaweeyay hawlahan waxayna aad ugu mahad celiyeen dadaalka dheerigaa ee ay galisay Hay,ada DRC.

 

Mashaariicdan ayaa gabi ahaanba ka siman xaafadaha ku yaala magaalada Gaalkacyo iyadoo aysan ahayn markii ugu horeysay oo ay DRC mashaariic hormarineed oo ay bulshada u baahan yihiin ay fuliso Gaalkacyo iyo guud ahaanba Puntland.

 

Waxaa Qoraalkaan iyo Sawiradaba Raxanreeb soo Gaarsiiyey

C/risaaq Cali

ccsilvar5@gmail.com

 

DSC07564.jpg

DSC07560.jpg

DSC07561.jpg

DSC07528.jpg

DSC07521.jpg

DSC07511.jpg

DSC07522.jpg

DSC07531.jpg

DSC07533.jpg

DSC07551.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dr_Osman   

Dawladda Hoose Ee Degmada Gaalkacyo Oo Ku Dhawaaqday Shirkadaha Lasiiyay Qandaraasyo Lagu Dhisayo Wadooyin & Suuq (Sawirro).

 

Posted by Gl1 on July 8th, 2012

 

Gaalkacyo (Pi):- Dawladda hoose ee degmada Gaalkacyo ayaa maanta shaacisay cidda ku guuleysatay qandaraasyo lagu dhisayo wadooyin iyo suuqyo gudaha magaalada Gaalkacyo.

 

Qandaraasyadani ayaa noqonaya kuwa lagu dhisayo laba wado oo mid ka mid ah uu yahay laamiga weyn ee magaalada Gaalkacyo iyo suuq weyn oo laga dhisi doono magaalada Gaalkacyo waxaana u tartamay qandaraaska dhismaha wadooyinka iyo suuqa illaa iyo 18 shirkadood oo ah kuwa dhismaha, waxaana ku soo baxay saddex shirkadood oo ku guuleystay saddexda qandaraas ee ay mashaariicdooda heshay dawladda hoose ee degmada Gaalkacyo.

 

Kaaliyaha Xog-hayaha dawladda hoose ee degmada Gaalkacyo Mudane C/jamaal Cabdulle Faarax ayaa ku dhawaaqay in tartankii shirkaddaha dhismaha ee 18 ka ahaa ay ka soo hareen saddexda shirkadood ee Global, Nasteex iyo Elgar kuwaasi oo helay sida uu sheegay Kaaliyuhu dhismaha wadooyinka iyo suuqa.

 

Shirkadda Global ayuu sheegay Kaaliyuhu in ay ku guuleysatay dhismaha wadada laamiga ah oo laga dhisayo inta uu ka burbursan yahay ee magaalada gudaheeda ah, waxayna shirkaddu soo gudbisay oo lagu qaatay $77,000.

 

Shirkadda Nasteex ayuu sidoo kale Kaaliyuhu shaaca ka qaaday in ay ku guuleysatay dhismaha suuqa xerada Dayax iyadoo shirkadda lagu qaatay qorshaha ay soo gudbisay oo ahaa $54,853 in ay ku dhisayso suuqa.

 

Shirkadda Elgar ayaa iyaduna ku guuleysatay dhismaha wado jey ah oo dhexmarta xaafada Israac gaar ahaan xeradii hore ee Daraawiish, waxaana ku kacaya dhaqaale gaaraya $31,799 oo ah qorshaha shirkaddu soo gudbisay.

 

Dawladda hoose ee degmada Gaalkacyo iyo Shirkaddaha qandaraaska helay ayaa kala sixiixday heshiis kaamil ah oo labada dhinac shaqada dhexmaraysa ka dhigaya mid aad u adag waxaana shuruudaha ay kala sixiixdeen ka mid ahaa.

 

In wajiga koowaad shirkaddu is kharash gareyso 40%, haddii ay shirkaddu ku fashilanto qandaraaskana waxaa loo qiimaynayaa waxay shirkaddu qabatay, waxaana looga faa’ideynayaa qandaraaslaha xigay sida uu sharcigu qabo.

 

Mashruucani ayaa ah mid ka yimid Ururka Midawga Yurub, waxaana la soo mariyay Hay’adda ILO, waxaana heshiiska qandaraaska lagu siinayay shirkaddaha sixiixay Duqa Degmada Gaalkacyo Mudane Siciid Cabdi Faarax.

 

Xafiiska Wararka Puntlandi ee Magaalada Gaalkacyo.

 

Cabdi-Jamaal1.jpg

Duqa1.jpg

18.jpg

22.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dr_Osman   

Sheeko Dhexmartay Duqa Degmada Gaalkacyo & Qaar Kamid Ah Ardeyda Dugsiga Xalane Gaalkacyo (Sawiro).

 

Posted by Gl1 on July 8th, 2012

 

Gaalkacyo (Pi):- Duqa Degmada Gaalkacyo Mudane Siciid Cabdi Faarax ayaa wuxuu maanta booqasho ku tagay Dugsiga hoose dhexe ee Xalane xilli dugsigaasi la furayay, wuxuuna halkaasi kula kulmay ardey yar yar oo dugsigaasi loo diiwaan geliyay si ay wax uga bartaan.

 

Mudane Siciid Cabdi Faarax ayaa ardeyda badankood la kulmay isla markaana la yeeshay kulan iyo is xog wareysi ku aadan mustaqbalkooda, wuxuuna su’aalo dhawr ah ka waydiiyay waxa ay hiigsanayaan oo ay ku haminayaan.

 

Qaar ka mid ah ardeyda oo uu Duqa Degmada Gaalkacyo la sheekeystay ayaa u sheegay in ay jecel yihiin in ay noqdaan Dhakhtar, Duqa Degmada iyo xilka Madaxweynaha arintaasi oo uu aad ugu qoslay isla markaana uu ku farxay Duqa Degmada Gaalkacyo.

 

Ugu dambeyn Duqa degmada Gaalkacyo ayaa ardeydii uu la sheekeysanayay wuxuu kula dardaarmay in ay waxbartaan haddii ay waxbartaanna ay gaari doonaan xilalka iyo mas’uuliyada ay qalbiga ku hayaan isagoona ka wacyi geliyay in ay ka dheeraadaan wax kasta oo waxbarashada ka reebi kara.

 

Xafiiska Wararka Puntlandi ee Magaalada Gaalkacyo.

 

111.jpg

23.jpg

33.jpg

4.jpg

53.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this