Aaliyyah Posted July 8, 2012 Taleex,(lasanod Online)- Madaxweynaha Mamaulka Khaatumo State, Axmed Cilmi Cisman (Karaash), oo maanta shir jaraa'id ku qabtay caasimada Taleex. ayaa waxba kama jiraan iyo been abuur ku tilmaamay warkii ka baxay telefishinka UniversalTV. Madaxweyne Axmed Cilmi ayaa ugu horey tacsi u diray shacabka reer Khaatumo geeridii Col. marxuum C/llahi Saalax maxamed ee dhowaan lagu dilay magaalada Garowe Waxaa kaloo uu hambalyo iyo salaan u diray shacabka Khaatumo gudo iyo dibedba iyo madaxdhaqameedka maamulka Khaatumo. Madaxweyne Axmed Karaash ayaa sheegay inay wax laga xumaado tahay in telefishinka Universal uu war ka dhigo hadalo laysku kabkabay oo been abuur ah. Wuxuuna madaxweynuhu shacabka Khaatumo iyo Soomaalida kale ba ugu baaqay in laga taxadaro wararkaas beenta ah ee laga sii daayey Tvga Universal. "Maamulka Khatumo waa jiraa waana jiri doonaa.. kii ka naxaya iyo kii furxayaaba" aya aka mid ahaa hadaladii Madaxweynaha. madaxa UniversalTV ayaa cudurdaar ka bxiyey warkaas Shirkan jaraa'id ee madaxweynahu ku qabtay maanta Taleex oo muqaal ah, dhowaan baanu idiinsoo tebin doonaa hadii Allah idmo. Copyright © 2012 Lasanod.com Quote Share this post Link to post Share on other sites
Aaliyyah Posted July 8, 2012 Aragtida Shacabka Buuhoodle & Dhibaatada Universal Tv By Darwiish http://www.youtube.com/watch?feature=player_embedded&v=BwMg3HLatCY" frameborder="0" allowfullscreen> Quote Share this post Link to post Share on other sites
Somalia Posted July 8, 2012 What did Universal TV do? Quote Share this post Link to post Share on other sites
Abwaan Posted July 8, 2012 Horta wax Universal sheegay ma aqaan saa maba fiirsado, balse Universal nin lacag raadis ah baa iska leh and he does not care or know waxa Soomaaliya ka socda. Isagoo qofkii shaar fiican xiran oo xafiiskiisa taga la dhaho caawa News-ka noo akhri ayaa iigu dambeysey....Haddii dadkan waxa ay ka cabanayaan ay jiraan, inay iyaguna casumaan ayey ahayd ee ay tusaan sida wax u jiraan. XX ma haddaad keentay inaad Universal soo kireysatid oo dhacdooyinka ka been-sheegtid sida lagugu soo eedeeyey? Warbaahinta Soomaalida most of it warar nuxur leh maba tebiyaan, si turxaan-baxsanna wararka umaba soo tebiyaan, waayo dano khaas ah ayaa laga leeyahay amase shaqaale aan tababar iyo khibrad lahayn ayaa haga! Quote Share this post Link to post Share on other sites