Sign in to follow this  
Carafaat

Dardaarankii Dr, Maxamed Aden Shiikh Furaha wadahadallada,Somaliland iyo Somalia(video)

Recommended Posts

Carafaat   

Dardaarankii Dr, Maxamed Aden Shiikh & Furaha wadahadallada,Somaliland iyo Somalia “Xog muhiim ah “

 

admin | Jun 21, 2012 | 0 comments

Furaha dhabbaha wada-hadalada labada dhinac, Somalia iyo Somaliland waxay ka bilaabmi karaan in la qiro baahida ah abuurista xaalad debecsan oo hordhac u noqota turxaan bixin iyo kalsooni abuur. Si loo dhayo dhaawacyda iyo tabashada dadka reer Somaliland (Healing processes and measures).

 

Furaha dhabbaha wada-hadalada labada dhinac, Somalia iyo Somaliland waxay ka bilaabmi karaan in la qiro baahida ah abuurista xaalad debecsan oo hordhac u noqota turxaan bixin iyo kalsooni abuur. Si loo dhayo dhaawacyda iyo tabashada dadka reer Somaliland (Healing processes and measures). Arrinkani waa mid qiima weyn ku leh cilmiga diblomasiyada iyo dhaqanka wada hadalada iyo xallinta khilaafaadka.

 

Dr. Mohamed Aadan Shiekh, Alle ha u naxariistee, markii uu ogaaday in geeridiisii soo dhawaatay ayaa wuxuu kula dardaarmay xaaskiisii inay Hargeisa ka dhisto Cusbitaal.Taasi waxay wax weyn ka beddeshey aragtidii dadka reer Hargeisa ka qabeen dadka reer Soomaalia waxaanay u beddeshay dhinaca wanaagsan. Waxaa kale oo halkan xusid mudan hadalo ka soo yeedhay Dr. Abdilaahi Osoble Siyaad, markii uu ku dooday in dadka reer Somaliland ay hore-ba u diideen aftidiida Dastoorkii 1963kii loo codaynayey oo ay ahayd in lagu xalaaleeyo midnimadii labada dhinac. waxaa kale oo arrinkan meel muuqata oo wax-ku-oola ka iska taagey Ambassador Abdillaahi Addow, markii uu lahaa, waa in Somaliland loo wada hadlaa si siman oo walaaltinimo ah. Waxaa kale oo xusid dheeraada mudan ninkii pilot-ka ahaa ee markii lagu amrray in uu ka qayb-qato duqaynta Hargeisa, isaga oo ka duulaya Madaarkeeda, iska bedelay ee diyaaradiisii la galay dalka Djibouti. Waxaa intaba ka horeeyey oo sidoo kale mawqif cad iska taagey, Alle ha u naxariitee, ninkii la odhan jirey Abdilaahi Majoor, markii uu BBC ka yidhi Somaliland xaqbay u leedahay aqoonsi, maxaa yeelay markii la midoobayba waxay ahayd dawlad madaxnannaan oo adduunku aqoonsaday. mawqifyada sidan oo kale ahi waxay ka soo horjeedaan oo si toosa u burinayaa weedhaha faraha baddan ee xanuunka badan oo aan loo miidaan deyin, sida ´Midnimadu waa Muqadas, ma goi karaan xasuuq ma dhicin´ IWM.

 

Cusbitaalka haatan dhismihiisu dhamaadka ku dhow yahay ee Dr. Mohamed Aadan Shiekh waxa uu tilmaan u yahay dhinaca wax-ku-oolka ah oo sahanka u ah mustaqbalka wadahadaladan maanta furmay. Waxa uu sidoo kale horseed u yahay yuhuunta walaalnimada labada shacab. waxaa kale oo uu muraayad u yahay fekerkii hormoodka ahaa ee Dr. Mohamed Aadan Shiekh rumaysnaan jirey. Waxaan xasuustaa arrin la iiga sheegay mar ay isaga iyo Mohamed Siyaad Barre wada hadlayeen, waxaana iiga soo Weriyey, Alle ha u naxariistee Warsame Ali faarax (Warsame Juguf) waxaanu ii sheegay in Dr. Mohamed Aadan ku yidhi Siyaad Barre.. Waar bi´waaye dalka ha burburin,burbur buu ku socdaayee, reerkana magaciisa ha ceebayn

Haddaba, dalkii waa kaas burburay, waxaanan qabaa in reerkii Siyaad Barre ka dhashay aanu ceebaysnayne, waxaa ceeboobe uu yahay nidaamka ama xukunka keligi talis ah.

Maanta oo labaatan sano ka badan la sii kala maqnaa sababo badan oo la og-yahay dartood, waxaa maanta taagan baahi wayn oo ah in la ogaado xaqiiqada ah in wada hadaladu u baahan yihiin ragg ama dumar la feker ah Dr. mohamed Aadan shiekh, iyo ragga kale ee aan hore magacooda u xusay. Dhinaca Somalilandna waxaa loo baahan yahay in la ogaado in dadka reer Somalia aanay, dad ahaan isku wada raacsanayn waxa loo yaqaan ´Midnimada Muqaddaska ah´ diktatooriga ah, ee ku dhisan argtida kiliya oo aan lahayn dulqaadka xambaarsana dareenka ka soo horjeeda kala-duwanaanshaha iyo is-ahaanshaha, dersnimo wanaaga, iyo wax-wada qabsiga, uu horseeday Dr. Mohamed Aadan Shiekh iyo ragga kale ee magacyadooda aan hore u xusay.

 

Haddaba waxaan leeyahay,wadahadaldu ha ku socdaan mabda´a dulqaadka iyo riiq-dheerida. Waana in lagu talo galo in wadahadaladu ay waqti dheer socon doonaan, maxaa yeelay waxaan qabaa in dawlad-dhiska Soomaalia aan weli waxba ka dhaweyn. oo gacmaha ajanebi ee ku jiraa kala wataan danno kala duwan oo u kala gaara, marka hore, marka labaad-na waxa keliya ee ay isla oggol-yihiin yahay in ay iska fogeeyaan dhibaatada Somalida. Taasina waa mid aan lagula yaabi karin, inta siyaasiyiina Soomaalidu ay wadaan I jiid aan ku jiidee!.

Wabillahi tawfiiq.

 

Adam Muuse Jibril

 

HALKAN KA WAREYSI UU BIXIYEY ALLAHA U NAXARIISTEE DR, MAXAMED AADAN SHIIKH KA HOR GEERIDIISA :

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this