Sign in to follow this  
Dr_Osman

Puntland Presidents Signs The Ratified Multi Party Bill. PICS + AUDIO

Recommended Posts

Dr_Osman   

Madaxweyne Faroole oo qalinka ku duugey xeerka axsaabta siyaasadda ee Puntland [Dhegeysi+Sawiro]

 

Updated:- 5 hours ago| 9 Commnets

 

Madaxweynaha Puntland Cabdiraxamaan Maxamed Maxamuud (Faroole) ayaa qalinka ku duugay xeerka axsaabta siyaasadeed ee Puntland kaas oo ay dhowaan soo ansixiyeen goleyaasha wasiirada iyo baarlamaanka ee Puntland.

 

Kulankan uu madaxweynuhu xeerkan ku saxiixay oo maanta ka dhacay xarunta madaxtooyada waxaa kasoo qayb galay xubno ka tirsan golaha wasiirada iyo gudoonka gudiga KMG ah ee doorashooyinka Puntland.

 

Ugu horeyn waxaa goobta ka hadlay gudoomiyaha guddiga doorashooyinka Maxamed Xasan Barre, wuxuuna sheegay in gudigu intii uu jirey uu hawlo badan qabtay.

 

Gudoomiyaha ayaa intaas ku daray in waxyaabaha la taaban karo ee ay qabteen ay kamid yihiin: daah furka Dastuurka, afti u qaadistii Dastuurka iyo diyaarinta xeerka axstaabta.

 

Madaxweynaha oo intaas kadib hadalka qaatay ayaa u mahad celiyey gudiga doorashada isagoo xusay inay dadaal iyo karti dheeri ah muujiyeen, islamarkaana ay howl adag qabteen.

 

Wuxuuna intaas kadib si rasmi ah qalinka ugu duugay xeerka axsaabta siyaasadda oo ay dhowaan golaha baarlamaanku dood dheer kadib cod aqlabiyad leh kusoo ansixiyeen.

Dhegeyso Codka Madaxweynaha

 

Talaabadan ayaa noqonaysa mid soo dhoweyneysa balan qaadkii ay xukuumadda hadda jirtaa horay u samaysay ee ahaa in doorashooyinka soo socda lagu geli doono hanaanka Dimuqraadiga ah ee axsaabta badan.

 

Maxamed Siciid Yuusuf

 

Horseed Media

Garoowe

 

Dhegeyso Codka Gudoomiyaha Doorashada

Dhegeyso Codka Madaxweynaha

 

http://horseedmedia.net/2012/07/07/madaxweyne-faroole-oo-qalinka-ku-duugey-xeerka-axsaabta-siyaasadda-ee-puntland-dhegeysisawiro/

 

DSC00920-640x360.jpg

DSC00931-640x360.jpg

DSC00924-640x360.jpg

DSC00919-640x360.jpg

DSC00925-640x360.jpg

DSC00938-640x360.jpg

DSC00917-640x360.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this