mahad yare Posted July 7, 2012 Madaxweynaha Puntland Cabdiraxamaan Maxamed Maxamuud (Faroole) ayaa qalinka ku duugay xeerka axsaabta siyaasadeed ee Puntland kaas oo ay dhowaan soo ansixiyeen goleyaasha wasiirada iyo baarlamaanka ee Puntland. Kulankan uu madaxweynuhu xeerkan ku saxiixay oo maanta ka dhacay xarunta madaxtooyada waxaa kasoo qayb galay xubno ka tirsan golaha wasiirada iyo gudoonka gudiga KMG ah ee doorashooyinka Puntland. Ugu horeyn waxaa goobta ka hadlay gudoomiyaha guddiga doorashooyinka Maxamed Xasan Barre, wuxuuna sheegay in gudigu intii uu jirey uu hawlo badan qabtay. Gudoomiyaha ayaa intaas ku daray in waxyaabaha la taaban karo ee ay qabteen ay kamid yihiin: daah furka Dastuurka, afti u qaadistii Dastuurka iyo diyaarinta xeerka axstaabta. Quote Share this post Link to post Share on other sites
mahad yare Posted July 7, 2012 Full Story plus audio Quote Share this post Link to post Share on other sites