Sign in to follow this  
Dr_Osman

Puntland Students Graduate In Garowe From Online Technology Course. Another Qalin Jebis. PICS

Recommended Posts

Dr_Osman   

Garoowe: Xaflad loo qabtay arday ka qalin jebiyey Jaamacadda Culuumta iyo Tiknoolojiyada ee Yemen [sawiro]

 

Updated:- 29 mins ago| 0 Commnets

 

Waxaa kuliyadda tababarka maxalimiinta ee Garoowe lagu qabtay xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay oo ay ku qalan jabinayeen arday qaabka Onlinke wax uga bartay Jaamacadda culuumta iyo Tiknoolajiyada ee dalka Yemen.

 

Waxaana kasoo qayb galay madax kakala socotay dowladda, howl wadeenada Xafiisyada Jamacadda ee Soomaaliya iyo Puntland, barayaasha Jamacadaha Gudaha, mas’uuliyiin ka socota dalka Yemen , Ganacsato Isimo iyo marti sharaf kale oo badan.

 

Cismaan Abshir Nuur oo ah madax xafiiska Puntland ee Jamacadda Culuumta iyo Tiknolojiyadda ayaa daah furay xafladda isagoo xusay marxaladihii kala duwanaa ee ay soo martay iyo qaabkii loo hirgalinayey jamacaddan in si online ah ay ardayda Soomaaliyeed wax uga bartaan.

 

Cisamaan ayaa intaas raaciyey in ay soo kordhiyeen Kulliyado cusub oo aad loogu baahnaa islamarkaana ay jaamacadani tahay mid shahaadadeeda laga aqoonsaday aduunka oo dhan.

 

Dr.Ridwaan Maxamed Xirsi oo isna ah wakiilka Soomaaliya iyo geeska Africa ee Jaamacadan ayaa intaas kadib qaatay hadalka. Waxaana uu ka hadlay jaamacada iyo meelaha ay soomaaliya xarumaha ku leedahay isagoo xusay in dalka laga hirgeliyey jamacaddan 2002, ayna xarumo ku leedahay magaalooyinka Mudisho ,Hargaysa iyo Boosaaso .

 

Cisaam Qaalib Racad oo isagu ah mas’uulka Yemen u qaabilsan arimaha ardayda jaamacadaha wax ka barta ayaa sheegay in jaamcada la furay sandkii 1994 ayna xiligan ka jirto dalal ay tiradoodu 17 tahay.

 

Mr. Qaalib ayaa sidoo kale sheegay in Jaamacada Culuumta iyo Tiknoolojiyadu ay noqotay jaamacadii ugu horeysey ee nooceeda ah uu ku guuleysata abaalmarinta tacliinta furan ee dalalka Carabta.

 

Wasiir kuxigeenka wasaaradda waxbarashada Puntland C/raxmaan Diiriye Carab oo soo gaba gabay xaflada ardaydan gudoon siiya shahaadooyinka ayaa xusay in jamacda ay ku soo dhawyanyaan deegaanda Puntland hadii ay doonayso in ay dagto ayan siin doonaan dhulkii ay xarunta ka dhisan lahayd.

 

Waa markii ugu horeysey ee arday ku sugan deegaanada Puntland ay qaab online ah wax uga bartaan Jaamacadda culuumta iyo Tiknoolojiyada ee dalka Yemen.

 

Maxamed Siciid Yuusuf

 

Horseed Media

 

Garoowe

 

DSC00837.jpg

DSC00840.jpg

DSC00842.jpg

DSC00861.jpg

DSC00869.jpg

DSC00887.jpg

DSC00890.jpg

DSC00892.jpg

DSC00897.jpg

DSC00902.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this