Sign in to follow this  
Saalax

Warar horudhac ah oo ka soo baxaya Dilkii Gen: Abdullaahi Salaax Maxamed,{Nadalo},{Xog}

Recommended Posts

Saalax   

Warar horudhac ah oo ka soo baxaya Dilkii Gen: Abdullaahi Salaax Maxamed,{Nadalo},{Xog}.

 

Inkastoo weli aysan soo dhamaan baadhitaan balaadhan oo shabakada Horufadhi iyo shaqaalaheedu ku wadaan cidii si dhabta ahayd uga danbaysay dilkii Marxuum Abdullaahi Salaax Maxamed oo ku magac dheeraa,{Nadalo}, hadana waxaa marba marka ka danbaysa soo baxaya warar horudhac ah oo ku saabsan cida ka danbaysay dilkiisii iyo qaab uu u shaqaynayey Jananku.

 

 

 

Shabakada Horufadhi waxay ogaatay in Gen: Nadalo uu beryihii u danbeeyey uusan ku jecsanayn guud ahaan Siyaasada maamulka Putnladn isla markaana uusan inta badan ka hawlgeli jirin xafiiska Booliska ee G/Nugaal, Marxuumka ayaa sidoo kale la xaqiijiyey inuusan weligiis gaxaysan ilaalo u gaar ah, asagoo ahaa nin Bulshadiisa ku dhex jira isla markaana ka madhnaa guud ahaan cadaadis shacabka dhexdiisa ah iyo inuu awoodiisa u isticmaalo qab qabasho iyo xadhig ku aadan dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan deegaanadaasi.

 

 

 

Sidaas daraadeed ayaa guud ahaan waxaa meesha ka baxaya in dad Islaamiyiin ah ka danbeeyeen dilkiisa, maadaba ay meeshaba ka baxday inuusan weligii soo xidhin cid looga shakisan yahay ururada Islaamiyiinta ah ee dalka ka hawlgala.

 

 

 

Waxaa sidoo kale soo baxaya warar sheegaya in Taliyaha qaybta ee G/nugaal Faarax Warsame C/raxmaan,{Afdalow}, looga shakisan yahay inuu yahay ninka fuliyey dilka, ayadoo la sheegayo inuu haystay amaro sar sare, inkastoo xogahani aysan ahayn kuwo Rasmi ah, hadana warraka xoogooda ayaa sheegaya in uu meel fagaare ah maalinimadii habeenimadeeda la dilayey Marxuumka uu ugu hanjabay asagoo gaadhi kaga qaaday Suuqa dhexdiisa.

 

Haseyeeshe warbaahinta Horufadhi oo haysa magacyo iyo xogo intan ka badan ayaan weli Mas’uuliyiintoodu ogolaan in la daabaco, maadaba ay jiraan baadhitaano ay wado qaybta dabagalka warrarka ee shabakada ee Horufadhi Investigation Group,{HIG}.

 

 

 

Xogahan oo ah kuwo aad u badan ayaa gudidada loo xilsaaray oo keliya fasixi kartaa daabacaadooda, ayadoo la tafniidayo wararka maadaba ay yihiin kuwo xaasaasi ah. Haseyeeshee shabakada Mas’uulinteedu waxay xaqiijiyeen in dilkaasi uu yahay ilaa hada mid siyaasadeed. Oo ay ku gudban tahay arin aad looga shaqeeyey.

 

 

 

Dhawaan fillo warbixinada , ilaha , magacyada iyo qaabka loo dilay iyo sababaha oo dhan.

Horufadhi.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this