Sign in to follow this  
Dr_Osman

Puntland Govt Opens Galkayo Water Factory. PICS

Recommended Posts

Dr_Osman   

(Sawirro) Warshad Biyaha sifaysa oo maanta Gaalkacyo laga furay.

Posted by Puntlandi on July 2nd, 2012

 

Gaalkacyo(puntlandi.com):- Woqooyiga magaalada Gaalkacyo ee uu ka arrimiyo maamulka Puntland ayaa maanta waxaa laga furay Warshad biyaha sifaysa oo soo saari doonta biyaha sifaysan ee caagadaha yar yar ku jira.

 

Warshadan cusub oo ku soo biirtay warshada Sifaynta biyaha dalka ee horay loo hirgaliyay ayaa waxaa furtay ganacsato iyo xubno ka mid ah qurbajooga Puntland oo ku nool Austaralia waxaana shirkadani loogu magacdaray ama loo bixiyay DHUUX.

 

Xafladii xariga looga jarayay Warshadan cusubee biyaha waxaa goobjoog ka aha Maamulka gobolka Mudug sida guddoomiyaha gobolka Mudug Maxamed Yuusuf Jaamac Tigey, guddoomiye Ku xigeenka 2aad ee gobolka Mudug Axmed Muuse Nuur yare, Amiir Maxamud Yuusuf Ciise oo ka mid ah Isimada Puntland, Waxgaradka xubno ka mid ah, Ganacsatada iyo qaybaha kale ee bulshada, waxayna xubnahani ka jeediyeen khudbado kookooban oo ay ku cabirayaan baahida loo qabay warshadan iyo qaybta ay ka qaadan karto horumarka gobolka Mudug.

 

Qaar ka mida hawl wadeenada Warshada Dhuux ayaa sheegay inay ku tala jiraan inay bulshada Soomaaliyeed ka kaafiyaan biyaha caagadaha yaryar ku jira ee sifaysan ayna ugu tala galeen hormarinta dhinaca ganacsiga.

 

Gudoomiyaha Mudug Max’ed yuusuf jaamac (Tigey) oo xariga ka jaray Warshada cusub ee biyaha sifaysan ee Dhuux ayaa hadal kooban oo uu ku aaday xariga jarka warshada waxaa uu ganacsatada iyo qurba joogta ugu baaqay inay maal gashi ku sameeyaan wuxuuna amaanay qurba joogta Gaalkacyo ku soo kordhiyay biyo sifaysan isagoo ku booriyay inay sii laba jibaaraan dadaalkaasi oo uu ku sheegay mid ay dan weyn ugu jirto bulshada qaybaheeda kala duwan oo hada biyaha sifaysan ee caagadaha looga keeno meel ka fog Gaalkacyo.

 

Amiir max’ud yuusuf ciise oo ka mida Isimada Puntland kana qayb galay munaasabada xariga looga jaray warshada biyaha ee Dhuux ayaa qurba joogta si weyn ugu booriyay inay ku daydaan ragga hada maal gashiga ku bilaabay gudaha waxaana uu tilmaamay Gaalkacyo iyo guud ahaan Puntlandba inay yihiin meel amaan oo ganacsi iyo maal gashi lagu samayn karo.

 

Waxaa iyaguna hadalo kooban jeediyay qaar ka mid ah Ganacsatada gobolka oo tilmaamay in loo baahan yahay in wadanka la maalgashto si looga wada qayb qaato horumarka wadanka.

 

Inkastoo ay horay gobolka Mudug uga jireen Warshado Sifeeya biyaha sida Warshada Sifaynta Biyaha ee SIXA, SAXARLA iyo LIIBAAN hadana waxay tani noqonaysaa Warshadii ugu horaysay ee Gaalkacyo ka soo saarta Caagadaha yaryar ee ay ku jiraan biyaha Sifaysan maadaama shirkada kale ay qaabab kale biyaha u iibiyaan, wuxuuna arrinkani ka mid yahay dadaalada dhiiran ee Ganacsatada iyo Qurbajoogta Puntland ay ku maalgashanayaan wadanka.

 

Daawo Sawirrada:-

 

53.jpg

54.jpg

55.jpg

56.jpg

57.jpg

63.jpg

65.jpg

66.jpg

67.jpg

68.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this