Saalax Posted July 3, 2012 Maamulka tuulada Xiriiro oo hoos tagta degmada Isku-shuban ee gobolka Bari ayaa sheegay in ciidamada badda Puntland ay degmadaas dad rayid ah ku laayeen. Gudoomiyaha tuulada Xiriiro Jeylaani Maxamed Ismaaciil ayaa sheegay in falkaasi uu dhacay labo maalmood kahor xiligaas oo ay cutubyo ka tirsan ciidamada Mariinisku deegaankaas gaareen. Wuxuuna intaas ku daray in ay tuulada dhowr jiho kasoo galeen islamarkaana ay rasaas hoos ugu dhigeen dad rayid ah oo fadhiyey mid kamid ah goobaha lagu shaaheeyo. Jeylaani ayaa sheegay in rasaastaas ay ku geeriyoodeen labo qof halka ay 8 qof oo kalena ku dhaawacmeen: “Ciidamada Saracen magaalada markay soo galeen dad shacab ah oo ciyaal iyo duqey isugu jira bay xabad aan loo aaba yeelin hoos ugu dhigeen, wiil yar oo arday ah iyo nin reer baadiye ah ayey dileen, 8qof oo kale ayaa dhaawac ah, dad badan oo barakac iyo sas uu ku dhacayna way jiraan” gudoomiyaha tuulada xiriiryo ayaa yiri. Jeylaani Maxamed Ismaaciil ayaa dhinaca kale xusay in markii ay taliska ciidankaas u tageen loo sheegay in dadkani ay ku dhinteen howgal Burcadbadeed lagula dagaalamayey. “xiriiro waa la yaqaan xeebta 130km bay u jirtaa, meel ay ka baxaan Burcad badeedu ma ahan, meel ay isku uruursadaanna ma ahan”. Gudoomiyaha tuulada Xiriiro wuxuu ugu danbeyntii ugu baaqay madaxda sare ee dowlada inay arintan soo fara geliyaan maadaama ay tahay arin hadii aan si deg deg ah wax looga qaban dhib weyn keeni karta. Dhegeyso Waraysiga Gudoomiyaha Xiriiro Dhacadadaas oo noqotay mid uu muran badani ka dhashay waxay keentay in deegaankaas ay shalay booqasho ku tagaan wefdi uu horkacayo gudoomiyaha bari islamarkaana ay ku jireen xubno ka tirsan golaha wasiirada. Si kastaba ha ahaatee ciidamada badda Puntland oo ay tababarto shirkadda Saracen oo ah shirkad aan sumcad wanaagsan dunida ku lahayn ayaa dhowaan u guurey deegaano ka tirsan bariga fog halkaas oo ay ka samaysteen fariisimo ciidan oo dhowr ah. Horseed Media Quote Share this post Link to post Share on other sites
Saalax Posted July 3, 2012 http://horseedmedia.net/2012/07/03/duqa-tuulada-xiriiro-ciidamada-saracen-shacab-ayey-laayeen/ Quote Share this post Link to post Share on other sites
Carafaat Posted July 3, 2012 It's good that Marine Forces are fighting piracy, but one needs to prevent specific communities feeling being a target. Quote Share this post Link to post Share on other sites