Sign in to follow this  
Saalax

Duqa tuulada Xiriiro ee Puntland: Ciidamada Saracen shacab ayey laayeen [Dhegeyso]

Recommended Posts

Saalax   

Maamulka tuulada Xiriiro oo hoos tagta degmada Isku-shuban ee gobolka Bari ayaa sheegay in ciidamada badda Puntland ay degmadaas dad rayid ah ku laayeen.

 

Gudoomiyaha tuulada Xiriiro Jeylaani Maxamed Ismaaciil ayaa sheegay in falkaasi uu dhacay labo maalmood kahor xiligaas oo ay cutubyo ka tirsan ciidamada Mariinisku deegaankaas gaareen.

 

Wuxuuna intaas ku daray in ay tuulada dhowr jiho kasoo galeen islamarkaana ay rasaas hoos ugu dhigeen dad rayid ah oo fadhiyey mid kamid ah goobaha lagu shaaheeyo.

 

Jeylaani ayaa sheegay in rasaastaas ay ku geeriyoodeen labo qof halka ay 8 qof oo kalena ku dhaawacmeen:

 

“Ciidamada Saracen magaalada markay soo galeen dad shacab ah oo ciyaal iyo duqey isugu jira bay xabad aan loo aaba yeelin hoos ugu dhigeen, wiil yar oo arday ah iyo nin reer baadiye ah ayey dileen, 8qof oo kale ayaa dhaawac ah, dad badan oo barakac iyo sas uu ku dhacayna way jiraan” gudoomiyaha tuulada xiriiryo ayaa yiri.

 

Jeylaani Maxamed Ismaaciil ayaa dhinaca kale xusay in markii ay taliska ciidankaas u tageen loo sheegay in dadkani ay ku dhinteen howgal Burcadbadeed lagula dagaalamayey.

 

“xiriiro waa la yaqaan xeebta 130km bay u jirtaa, meel ay ka baxaan Burcad badeedu ma ahan, meel ay isku uruursadaanna ma ahan”.

 

Gudoomiyaha tuulada Xiriiro wuxuu ugu danbeyntii ugu baaqay madaxda sare ee dowlada inay arintan soo fara geliyaan maadaama ay tahay arin hadii aan si deg deg ah wax looga qaban dhib weyn keeni karta.

Dhegeyso Waraysiga Gudoomiyaha Xiriiro

 

Dhacadadaas oo noqotay mid uu muran badani ka dhashay waxay keentay in deegaankaas ay shalay booqasho ku tagaan wefdi uu horkacayo gudoomiyaha bari islamarkaana ay ku jireen xubno ka tirsan golaha wasiirada.

 

Si kastaba ha ahaatee ciidamada badda Puntland oo ay tababarto shirkadda Saracen oo ah shirkad aan sumcad wanaagsan dunida ku lahayn ayaa dhowaan u guurey deegaano ka tirsan bariga fog halkaas oo ay ka samaysteen fariisimo ciidan oo dhowr ah.

 

 

 

Horseed Media

Share this post


Link to post
Share on other sites
Carafaat   

It's good that Marine Forces are fighting piracy, but one needs to prevent specific communities feeling being a target.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this