Xaaji Xunjuf Posted July 2, 2012 War De Deg Ah—- Taliye ku xigeenka 2aad ee Booliska Puntaland oo goor dhawayd Garowe lagu dilay. Posted by Puntlandi on July 2nd, 2012 Garowe(puntlandi.com)Waxaa goor dhawayd magaalada Garowe ee xarunta dawlada Puntland lagu dilay Taliye kuxigeenkii 2aad ee Booliska Puntland oo lagu magaacbo Col. Cabdullaahi Saalax Maxamed Cali Bulay laguna naanaysi jiray NADAARA. Dilkan oo ka dhacay wajahada hore ee Hotel BULSHAALE oo ku yaala inta u dhaxaysa Daarta ay degantahay Idaacadda SBC iyo Xarunta Shirkada Isgaarsiinta ee Golis ayaa waxaa gaystay dablay hubaysan oo aan ilaa iyo hada la shaacin. Marxuumka ayaa la sheegayaa in ka hor markii dilkan loo gaystay uu ka soo baxay Hotelkan oo uu deganyahay dilka kadibna uu mudo daqiiqado badan ah goobta yaalay. Ma jiraan wax ciidan ah oo goobta yimid markii u dilku dhacay, wuxuuna marxuumku ku geeriyooday isla goobtan rasaastu ay ku haleeshay, nafna lagu qadin markii maydkiisa isbitaalka loo dhigay. Madexweyne ku xigeenka Dawlada Puntland Gen, Cabdi samad Cali Shire ayaa 1-dii bishan July xilka Taliye ku xigeenka ka qaaday Marxuumkan iyadoo sidoo kalana laga wareejiyay Gaarigii uu watay oo ay dawladu lahayd. Ma jirto Cid dawlada ka tirsan oo dilkan ka hadashay wali, si dhab ahna wali looma garanayo cida dilkan gaysatay iyo ujeedada Marxuumkani loo dilay. Quote Share this post Link to post Share on other sites