Xaaji Xunjuf Posted July 2, 2012 Madaxda Soomaalida ee ka qeyb galeesa Shirka Contact Group oo lagu soo dhaweeyay Magaalada Roma ee dalka Talyaaniga iyo Shirka oo Furmaya Barito Roma Isniin 2 July 2012 SMC Naga soo wac halkan (Skype) 01-07-2012- Roma, Iyadoo Maalinta Barrito ah uu si toos ah ugu furmayo Magaalada Roma ee dalka Talyaaniga Shirka Kooxda Xiriirka Caalamiga ee (Contact Group) ayaa waxaa saakay illaa iyo gabal dhicii Maanta Magaalada Roma ee dalka Talyaaniga soo gaarayay Wufuud kala gedisan oo ka kala socday Madaxda Dowlada Federalka KMG ee Soomaaliya, Ururka Ahlu Sunna, Maamulka Galmudug iyo Maamulka Puntland. Wafdigii ugu horeeyay ee soo gaaray dalka Talyaaniga ayaa waxa uu ahaa Kuxigeenka Ra'iisul Wasaaraha, Ahna Wasiirka Gaashaandhiga Xuseen Carab Ciise, iyadoona Garoonka Diyaaradaha Magaalada Roma uu si diiran ugu soo dhaweeyay Safiirka Dowlada Soomaaliya u fadhiya Dalalka Talyaaniga iyo Biljum, ahna Wakiilka dalka Soomaaliya ee Midowga Yurub Amp. Nuur Xasan Xuseen Nuur Cadde, Waxaana Galabnimadii soo gaarey Xubno ka socday Ururka Ahlu Sunna iyo Maamulada Galmudug, Puntland. Sidoo kale Waxaa Gabaldhicii Maanta soo gaaray Magaalada Roma ee dalka Itaaliya Wafdi uu hogaaminayo Guddoomiyaha Baarlamaanka Dowlada Federaalka KMG ee Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan, iyadoona Garoonka uu si weyn ugu soo dhaweeyay Amp. Nuur Xassan Xuseen (Nuur Cadde) oo Maanta si weyn ugu Mashquulsanaa soo dhaweynta Wufuuda kala gedisan ee ka qeyb galeesa Shirka Contact Group. Amp. Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) ayaa Habeen-nimadii Caawa Casho Sharaf aad u qiimo Badan u sameeyay Wafdigii kala gedisnaa ee Maanta soo gaaray Magaalada Roma ee dalka Italia, kuwaasi oo maalinta Bariito ah ka qeyb galaya Shirka Kooxda Xiriirka Caalamiga ee Contact Group. Maalinta Barrito Ayaa la filaya in uu Magaalada Roma Soo gaaro Ra'iisul Wasaaraha Xukuumada KMG ee Soomaaliya, Prof. C/weli Maxamed Cali "Gaas", iyadoona Duhurnimada Barri lagu wado in uu si toos ah u furmo Shirka Kooxda Xiriirka Caalamiga kiisa ugu danbeeyay ee qabsoomaya ka hor inta aan laga bixin xilliga KMG-nimo. Quote Share this post Link to post Share on other sites