Sign in to follow this  
Aaliyyah

Farmaajo oo dadweynaha xaafada Eastleigh meel fagaare ah khudbad uga jeediyay

Recommended Posts

Aaliyyah   

Isagoo dhawaananba ku sugnaa magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya ayaa ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo uu kumannaan dadweyne ah kula hadlay xaafada Easleigh ee Soomaalidu ka dagantahay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya .

 

Dadweynahan oo isugu soo baxay dabaal dagyada 1-da Luuliyo ayaa sitay calanka Soomaaliya, iyagoo qaarkoodna ay ku soo xardheen midabka calanka wajiyadooda iyo qaybaha kale ee jirkooda.

 

Maxamed C/laahi Farmaajo oo ah xoghaya guud ee xisbiga TAYO ayaa ugu hambalyeeyay Soomaalida munaasabada 1-da Luuliyo oo ah markii ay Soomaaliya xorriyadeeda qaadatay.

 

Farmaajo ayaa ugu baaqay dhalinyarada Soomaaliyeed inay qaataan door lamid ah kii SYL ay ka ciyaartay xorriyad u dirirkii dalka.

 

Waxaa uu uga digay Soomaalida kala qaybsanaanta, isagoo sheegay in awoodeenu ay ku jirto midnamadeena.

 

Dadweynahan oo isugu soo baxay barxad weyn oo ku taalla xaafadda islii ee ay Soomaalida ugu badan kaga nooshahay caasimadda Nairobi ayaa waxaa kasoo qeyb galay siyaasiyiin, ganacsato, odayaal, dhalinyaro iyo haween, waxaana soo qaban qaabiyay dhalinyarada fanaaniinta Waayaha cusub.

 

Dadweynaha halkaas isugu yimid ayaa lagu qiyaasay kuwii ugu badnaa ee hal mar isugu yimaada hal goob ah xaafada Islii oo inta badan ay ku yaryihiin isu soo baxyada noocaan ah.

 

4.jpg

 

5.jpg

 

11.jpg

 

7.jpg

 

21.jpg

 

3.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Loooool....Aaliyah iyo Farmaajo. I wish inaan habaryar adigoo kale ah lahaan lahaa.:D Cause as far as I am concerned Farmaajo inta kale oo dhan waan kaga horreeyaa!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maaddeey   

Inaad habaryar u tahay mooyee anaa ka khatarsan xagga siyaasadda, da'da, khibrada iyo hogaamintaba!.

 

Abwaan, habaryartaa waa gablantay! :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Aaliyyah;847526 wrote:
Isagoo dhawaananba ku sugnaa magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya ayaa ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo uu kumannaan dadweyne ah kula hadlay xaafada Easleigh ee Soomaalidu ka dagantahay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya .

 

 

11.jpg

 

3.jpg

 

Sawiradaan Habro ogama jeedo, I see dhalinyaro !

Share this post


Link to post
Share on other sites
Aaliyyah   

Horta madey af joga loma adeego asaga baa no shegaya wuxu uga jeday. Laakin hadaad saa shegtay uu uga jeedo dee madaxweyne ha isku so sharaxo oo wuxu isku hayo miiska haso dhigo waa lo bahanyahay dad dalkooda wax kuso kordhinaya. Tan labaad farmaajo qabiil kuma aan tageerin as much as mr abwaan would love to make it that way ee waa nin jira oo dad badan oo meel walba u dhshay ay tageersanyihiin. Farmajo somaliweyn ayaa tageertay.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this