Aaliyyah Posted July 2, 2012 Isagoo dhawaananba ku sugnaa magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya ayaa ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo uu kumannaan dadweyne ah kula hadlay xaafada Easleigh ee Soomaalidu ka dagantahay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya . Dadweynahan oo isugu soo baxay dabaal dagyada 1-da Luuliyo ayaa sitay calanka Soomaaliya, iyagoo qaarkoodna ay ku soo xardheen midabka calanka wajiyadooda iyo qaybaha kale ee jirkooda. Maxamed C/laahi Farmaajo oo ah xoghaya guud ee xisbiga TAYO ayaa ugu hambalyeeyay Soomaalida munaasabada 1-da Luuliyo oo ah markii ay Soomaaliya xorriyadeeda qaadatay. Farmaajo ayaa ugu baaqay dhalinyarada Soomaaliyeed inay qaataan door lamid ah kii SYL ay ka ciyaartay xorriyad u dirirkii dalka. Waxaa uu uga digay Soomaalida kala qaybsanaanta, isagoo sheegay in awoodeenu ay ku jirto midnamadeena. Dadweynahan oo isugu soo baxay barxad weyn oo ku taalla xaafadda islii ee ay Soomaalida ugu badan kaga nooshahay caasimadda Nairobi ayaa waxaa kasoo qeyb galay siyaasiyiin, ganacsato, odayaal, dhalinyaro iyo haween, waxaana soo qaban qaabiyay dhalinyarada fanaaniinta Waayaha cusub. Dadweynaha halkaas isugu yimid ayaa lagu qiyaasay kuwii ugu badnaa ee hal mar isugu yimaada hal goob ah xaafada Islii oo inta badan ay ku yaryihiin isu soo baxyada noocaan ah. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Macallinka Posted July 2, 2012 Great pics , i love it. Thanks Aaalyiah Quote Share this post Link to post Share on other sites
Aaliyyah Posted July 2, 2012 adaa mudan walaalo. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Abwaan Posted July 6, 2012 Loooool....Aaliyah iyo Farmaajo. I wish inaan habaryar adigoo kale ah lahaan lahaa. Cause as far as I am concerned Farmaajo inta kale oo dhan waan kaga horreeyaa! Quote Share this post Link to post Share on other sites
Aaliyyah Posted July 11, 2012 ma fahmin Abwaan, maxaad farmaajo kaga horeesa? Quote Share this post Link to post Share on other sites
Maaddeey Posted July 11, 2012 Inaad habaryar u tahay mooyee anaa ka khatarsan xagga siyaasadda, da'da, khibrada iyo hogaamintaba!. Abwaan, habaryartaa waa gablantay! Quote Share this post Link to post Share on other sites
wyre Posted July 11, 2012 Marbaan Is Iri Faroole Baa Laga Hadlayaa, Lolz @ Abwaan And Maaddey :D Quote Share this post Link to post Share on other sites
Macallinka Posted July 11, 2012 Aaliyyah;847526 wrote: Isagoo dhawaananba ku sugnaa magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya ayaa ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo uu kumannaan dadweyne ah kula hadlay xaafada Easleigh ee Soomaalidu ka dagantahay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya . Sawiradaan Habro ogama jeedo, I see dhalinyaro ! Quote Share this post Link to post Share on other sites
Aaliyyah Posted July 11, 2012 Horta madey af joga loma adeego asaga baa no shegaya wuxu uga jeday. Laakin hadaad saa shegtay uu uga jeedo dee madaxweyne ha isku so sharaxo oo wuxu isku hayo miiska haso dhigo waa lo bahanyahay dad dalkooda wax kuso kordhinaya. Tan labaad farmaajo qabiil kuma aan tageerin as much as mr abwaan would love to make it that way ee waa nin jira oo dad badan oo meel walba u dhshay ay tageersanyihiin. Farmajo somaliweyn ayaa tageertay. Quote Share this post Link to post Share on other sites