Dr_Osman Posted June 30, 2012 Photo News: Dhaqashada Geela oo Umada Soomaaliyeed aad qaali ugu ah. Posted by Puntlandi on June 28th, 2012 Garowe(puntlandi.com) Umada Soomaaliyeed waxay caan ku tahay dhashada Xoolaha gaar ahaana Geela oo ka mid ah ilaha dhaqaale ee ugu muhimsan wadanka. ( Hoos ka daawo sawirro aad u qurxoon oo farabadan) Umada Soomaaliyeed waxay aad u taqaan dhaqashada xoolaha gaar ahaana Geela oo ay muhiimad gaar ah siiyaan islamarkaana ay ku qiimaystaan ama u isticmaalaan wax ku qaybtanka magaha iyo arrimaha la midka ah. Puntland waxay ka mid tahay meelaha lagu dhaqdo Geela ugu badan ee Soomaaliya, sidoo kalana Caalamka looga dhoofsado. Hadaba Warbaahinta Puntlandi.com waxay idiin soo gudbinaysaa Muuqaalo aad u qorxoon oo aanu idinkaga soo diyaarinay mid ka mid ah xeryaha Geela lagu dhaqo ee reer miyiga gobolka Nugaal oo aanu booqasho ku tagnay. Hoos ka daawo Sawirro aad u farabadan:- Quote Share this post Link to post Share on other sites
Dr_Osman Posted June 30, 2012 Daawo muuqaalka beeraha degmada Isku-shuban ee gobolka Bari [sawiro] Updated:- 14 hours ago| 11 Commnets Muuqaaladani waa kuwo muujinaya bilicda degmada Isku-shuban oo kamid ah degmooyinka ugu qadiimsan gobolka Bari iyo guud ahaan Puntland. Isku-shuban waxay caan ku tahay tog dur dur ah oo abaar iyo doogba aan gurin iyo beero waaweyn oo ay ka baxaan dhamaan noocayada kala duwan ee khudaarta. Mohamed Salat Horseed Media Quote Share this post Link to post Share on other sites
Dr_Osman Posted June 30, 2012 Good to see the irrigation project has reached isku-shuban Quote Share this post Link to post Share on other sites
Dr_Osman Posted June 30, 2012 Sawirka maanta: Ma dhab baa waqooyi bari Soomaaliya waa saxare? Updated:- 24 hours ago| 13 Commnets Gobolada waqooyi bari ee dalka Soomaaliya oo ah dhul juqraafi ahaan Saxare u eke ah, waxay hadana caan ku yihiin dhul daaqsimeed xiliyada barwaaqada aad u qurxoon iyo dooxooyin ay suurtagal tahay in inbadan oo dadka kamid ahi aysan rumeysan in sida sawirkan hoose ka muuqata ay u eg yihiin. Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: suurtagal ma tahay in marka laga yimaado xiliga barwaaqada uu dhulku sidan oo kale sii ahaado? hadiise ay suurtagal tahay sidee looga dhigi karaa? Goobta sawirkan laga qaaday iyo faaladiisuba waa dhanka akhristayaasha. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Dr_Osman Posted June 30, 2012 Boosaaso: Daawo muuqaalka Biyo-kulule ee maalinta Jimcaha [sawiro] Updated:- 8 days ago| 13 Commnets Deegaanka Biyo kulule oo magaalada Boosaaso dhinaca bariga qiyaastii dhowr iyo toban KM kaga beegan wuxuu qayb ka yahay goobaha loo dalxiiska tago ee ku yaal Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya. Biyo kulule oo asaaskiisa laga joogo muddo 2 qarni ku dhow xiligaas oo ahayd 1835-tii waxay caan ku tahay sida magaceedaba laga dheehan karo il ay biyo kululi kasoo burqadaan. Biyahaas oo ay in badan oo dadka kamid ahi aaminsan yihiin inay caafimaadka u wanaagsan yihiin ayaa waxaa maalin walba u damaashaad taga boqolaal qof oo qurbe joog, dhalinyaro iyo dad waayeel ah u badan. Horseed Media oo ah warbaahin jecel in bahda ku xiran ay mar walba usoo gudbiso quruxda iyo horumarka guud ee dalka, waxay maanta oo jimce ah halkan ugu soo bandhigaysaa muuqaalo muujinaya bilicda deegaan dalxiiseedka qadiimiga ah ee Biyo kulule. Mohamed Salat Horseed Media Bosaso Quote Share this post Link to post Share on other sites
Dr_Osman Posted June 30, 2012 This one is for Puntland And this one is for her enemies Quote Share this post Link to post Share on other sites
Somalia Posted June 30, 2012 Humid coastal areas of Bari have potential for palm oil plantations. Quote Share this post Link to post Share on other sites